Caymis Ku Daryeelaya Adiga

Dheefahaaga waxaa ka mid ah daryeelka ka hortagga cudurrada, taageerada caafimaadka dhimirka, barnaamijyada fayo-qabka, daryeelka aragga, maqalka, ilkaha iyo adeegyo kale oo badan. Liiskan hubinta wuxuu kaa caawinayaa inaad fahamto waxa caymiskaagu daboolayo, inaad la socoto daryeelka muhiimka ah, isla markaana aad si buuxda uga faa’iidaysato caymiskaaga caafimaad. Haddii aad haysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), carruurtaaduna sidoo kale way ku jiraan caymiska.

✓ Ku hayso kaarkaaga caymiska jeebkaaga.
✓ Sameyso akoonkaaga xubinnimada ee onleenka.
✓ Dooro bixiyahaaga daryeelka caafimaadka aasaasiga ah (PCP).
✓ Diyaari liiska daawooyinka aad qaadato.

✓ Qabso ballanta baaritaankaaga caafimaad ee sannadlaha ah.
✓ Samee baaritaannada caafimaad ee lagugula taliyay.
✓ Hubi inaad la socoto tallaallada lagugula taliyay oo aad waqtigooda qaadato.
✓ U beddel daawooyinka laguu qoro adeegga boostada laguugu soo diro.

✓ Nadiifinta ilkaha samee 6 dii biloodba mar.
✓ Qabso ballanta baaritaanka indhaha ee sannadlaha ah.
✓ Qabso ballanta baaritaanka maqalka iyo la-tashiga la xiriira.

✓ Iska diiwaangeli adeegga la-talinta fayo-qabka.
✓ Ka qaybgal barnaamijyada jimicsiga iyo qaab nololeedka caafimaadka leh.
✓ Ka faa’iidayso dheefaha caymiska ee taageerada caafimaadka dhimirka.
✓ Isku day daliigista, daaweynta toobinta, ama daaweynta lafaha iyo kala-goysyada.

Caymiska Caafimaadka

Isticmaal macluumaadka ku qoran kaarkaaga aqoonsiga xubinnimada (ID) si aad akoon uga samaysato onleenka adeeg-bixiyahaaga caafimaadka
(Kaiser Permanente of Washington, Kaiser Permanente Northwest, ama Aetna)Markaad gasho akoonkaaga, waxaad awoodi doontaa inaad aragto adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka, qabsato ballamo caafimaad, aragto natiijooyinka baaritaannada, isla markaana maamusho daawooyinka laguu qoro.

Haddii aadan helin macluumaadkaaga xubinimada ama kaarkaada aqoonsiga (ID), la xiriir MagnaCare adigoo wacaya 1-877-606-6705.

Wax badan ka baro dheefahaaga, lacagaha wada-bixinta, iyo xaddidaad kasta oo ku jira qorshahaaga caymiska.

Dhammaan kharashaadka waxaa loogu talagalay tixraac oo keliya. Haddii ay dhacdo wax is-khilaafid ah, dukumentiyada qorshaha ee rasmiga ah ayaa xukuma.

Caymiska Ilkaha

Daryeelka ilkaha waxeey bixisaa wax ka badan ilaalinta ilkahaaga oo kaliya. Baaritaannada joogtada ah iyo nadiifinta ilkaha waxay ka hortagaan daloollada ilkaha, cudurrada cirridka, iyo dhibaatooyinka kale ee caafimaadka afka iyo ilkaha. Qorshahaaga caymiska waxaa ku jira daryeelka ka hortagga ee caadiga ah, dheefaha daaweynta sixitaanka ilkaha, iyo fursad aad ku heli karto shabakad ballaaran oo adeeg-bixiyeyaal caafimaadka ilkaha ah. Hoos ka baro sida aad u heli karto adeegyada daryeelka ilkaha adiga oo adeegsanaya qorshaha caymiska ilkaha ee aad dooratay.

Caymiska La Balaadhiyay

Marka laga soo tago caymiskaaga caafimaadka, waxaad sidoo kale heli kartaa faa’iidooyinka daryeelka aragga, maqalka, iyo caafimaadka taranka iyadoo loo marayo qorshayaal iyo shabakado adeeg-bixiyeyaal oo gaar ah. Baro adeegyada uu caymisku daboolayo iyo sida aad u bilaabi karto.

Ka Yeelida Caymiskaaga Mid Shaqeynaya

Saaccadaha Loogu Baahan Yahay Shaqada

Shaqee 80+ saacadood oo mushahar leh bishii si aad u sii ilaashato caymiska shaqsi ahaaneed ama shaqee ugu yaraan 120+ saacadood oo mushahar leh bishii si aad u sii haysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). Ma u baahan tahay saacado shaqo oo dheerad ah? Isku day Carina, oo ah dheef shaqa ku beegid oo kaa caawisa inaad hesho macaamiil badan.

Inaad ku soo Waregliso Saacadahaaga Waqtiga Saxda ah

Waa inaad ka soo warbixisaa saacadahaaga shaqada bil kasta. Saacadaha shaqeynta wakhtiga ka baxsan saacadaha caadiga ah ee shaqada ama saacadaha wax laga beddelay waa in loo gudbiyaa loo-shaqeeyahaaga 60 maalmood gudahood kadib bisha la shaqeeyay.

✓ Bixi Qaybtaada ceymiska Billaha ah

Lacag-bixintaada wadaagga khidmada waa lacag-bixintaada billaha ah ($25 ama $125 marka aad heysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)). Badanaa waxaa laga jaraa mushaharkaaga, laakiin haddii aysan suurtogal ahayn, waxaad heli doontaa warqad iyo iimayl oo wata tilmaamo ku saabsan iska-bixinta lacagta.

Xaalkaada caymisku waxa uu ku salaysan yahay saacadaha aad shaqaysay 2 bilood ka hor. Tusaale ahaan, saacadaha aad shaqayso Janaayo waxay go’aaminayaan caymiskaada bisha Maarso.

Adeegso jaantuskan si aad u aragto sida bisha aad shaqaynayso ay ugu xidhan tahay bisha caymiskaagu uu ku dabaqmo.

Bisha Shaqada
Bisha Caymiska
Janaayo
Maarso
Febraayo
Abriil
Maarso
Ma samayn
Abriil
Juun
Ma samayn
Luulyo
Juun
Agosto
Luulyo
Sebtembar
Agosto
Oktoobar
Sebtembar
Noofembar
Oktoobar
Disembar
Noofembar
Janaayo
Disembar
Febraayo

Bilaha Dib u dhigista

Jadwalada aan la saadaalin karin waxay adkayn karaan in la buuxiyo saacadaha shaqo ee loo baahan yahay. Dheefaha Bilooyinka Naxriista waxay xaqiijiyaan inaad hesho daryeel caafimaad oo joogto ah, xitaa marka aadan sidii loogu talogalay u shaqayn karin.

Sannad caymiseed kasta (Agoosto-Luulyo), waxaad heleysaa 2 Bilood oo Dib u dhigis ah
oo si toos ah ugu dheereynaya caymiskaaga daryeelka caafimaadka muddo 1 bil ah marka saacadahaaga shaqadu ay ka hooseeyaan sida shuruuda ah.

Haddii aad haysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha),
ilaalintani waxay ku dabaqmeysaa dadka kugu tiirsan sidoo kale. Haddii aad buuxiso saacadaha caymiskaaga laakiin aad ka gaabiso Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), Bilaha Dib u dhigista ayaa loo isticmaali doonaa in lagu dheereeyo caymiska carruurtaada bishaas.

  • Waxaad helaysaa 2 Bilaha Dib u dhigista ah sanad kasta oo caymis ah (Agoosto–Luulyo).
  • Bil kasta oo Dib-u-dhigis ah waxay caymiska kuu kordhinaysaa 1 bil haddii aadan buuxin saacadaha shaqo ee loo baahan yahay. Bilaha Dib u dhigista waxay caymisaa adiga iyo kuwa kugu tiirsan labadaba.
  • Bilaha Dib u dhigista ayaa si toos ah ugu dabaqmeysa—wax tallaabo ah looma baahna.
  • Waxaad mar kasta hubin kartaa Bilaha Dib u dhigista ee kuu haray digoo galaya koontadaada dheefaha caafimaadka.

Goormee ayey Bilooyinkeyga Dib u dhigista dib u bilaabmayaan?
Waxay dib u bilaabmayaan 1-da Agoosto sanad kasta, waxaana aad heleysaa sida ugu dhaqsaha badan ee laguu diiwaan geliyo.

Miyey Bilaha Dib u dhigista aan la isticmaalin usoo wareegaan sanadka soo socda?
Maya. Sanad kasta 1-da Agoosto waxaad helaysaa 2 Bilaha Dib u dhigista ah. Bilaha Dib u dhigista aan la isticmaalin uma wareegaan.

Ma isticmaali karaa Bilahayga Dib u dhigista bilo isku xiga?
Maya, ma isticmaali kartid Bilaha Dib u dhigista 2 bilood oo isku xigta.

Ka waran haddii aan shaqeeyo saacado igu filan oo loogu talagalay caymiska shaqsiyeed, laakiin aan ku filnayn Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)?
Xaaladdan 1 Bil Dib u dhigis h ayaa lagu dabaqi doonaa si loo kordhiyo cymiska carruurtaada ee bishaas.

Haddii aan isticmaalo qiimo dhimista, weli miyaan bixinayaa lacagteyda wada bixinta bil kasta?
Haa, weli waxaad mas’uul ka tahay lacagtaada wada bixinta bishaas. 

Xidhiidhada Taageerada

Xidhiidhada taageerada ee hoose waxay kugu xirayaan caawimaad marka aad u baahato. Khadka Caawinta Kalkaalisada ee qorshahaaga wuxuu bixiyaa taageero taleefan oo ka timaada kalkaaliyayaal diiwaangashan kuwaas oo ka jawaabi kara su’aalaha oo kaa caawin kara inaad go’aansato tallaabooyinkaaga xiga.

Create Portal

Caawin u hel su’aalaha ku saabsan caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan.
Adeegga macaamiisha wuxuu diyaar yahay Isniin-Jimce, 8 subaxnimo illaa 6 fiidnimo.

1-877-606-6705
taageerada luuqada ee la heli karo.

Live Chat Support
Gal Xisaabtaada Gunada Caafimaadka si aad ula sheekeysato taageerada.

SEIU775BG-caregiver@magnacare.com
Lama xidhiidh kartid miyaa adeega macmiilka saacadaha shaqada?
Iimayl dir oo hel jawaab 2 maalmood oo shaqo gudahood.

logo-kaiser-01a.png

Bogga Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Dheefaha

Adeegyada Xubinka Cusub: 
1-888-844-4607
myseiu.be/kp-new-member

Adeegyada Xubnaha:
1-888-901-4636
myseiu.be/kp-member

Adeegyada Caafimaadka Dhimirka
1-888-287-2680
myseiu.be/kaiser-bh

Khadka Caawinta Kalkaaliyaha
1-800-297-6877
myseiu.be/kp-nurse

Caawimada Dhinaca Luuqadda ee Xubinka
1-888-901-4636
myseiu.be/kp-language

logo-kaiser-01a.png

Bogga Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Dheefaha

Adeegyada Xubinka Cusub: 
1-888-491-1124
myseiu.be/kp-new-member

Adeegyada Xubnaha:
1-888-813-2000
myseiu.be/kp-member

Adeegyada Caafimaadka Dhimirka
1-855-632-8280
myseiu.be/kpnw-bh

Khadka Caawinta Kalkaaliyaha
1-800-324-8010
myseiu.be/kp-nurse

Caawimada Dhinaca Luuqadda ee Xubinka
1-888-813-2000
myseiu.be/kp-language

logo-aetna-01a.png

Bogga Waxyaabaha Ugu Muhiimsan Dheefaha

Adeegyada Xubnaha:
1-855-736-9469

Adeegyada Caafimaadka Dhimirka
1-800-424-4047

Khadka Kalkaaliyaha 24-saac
1-800-556-1555

Hel PCP-ga Saxda ah
1-888-982-3862

Sav-RX
1-800-228-3108
savrx.com

Caawimada Dhinaca Luuqadda ee Xubinka
1-855-736-9469
myseiu.be/aetna-language

Progyny-logo-1.png

Progyny (Qoys-dhisida)
1-833-233-0517
myseiu.be/progyny

VSP logo

1-800-785-0699
myseiu.be/vsp

DUKUMEENTIYADA CANSHUURTA EE CAYMISKA CAAFIMAADKA EE MUHIIMKA AH

Foomka 1095-B waa foom canshuureed oo ay soo saarto IRS, kaas oo muujinaya in adiga iyo ku-tiirsanayaashaadu aad haysateen caymiska daryeelka caafimaadka ee ugu yar ee lagama maarmaanka ah intii lagu jiray sannadkii hore. Laga bilaabo sannad kasoo warbixinta 2024, Sharciga Yaraynta Culayska Warqadaha ayaa fududeeyay shuruudda ahayd in Foomamka 1095 la siiyo qof kasta oo la ceymiyo.

Tani macnaheedu waa in aad ka heli karto nuqulkaaga Foomka 1095-B onlaynka adigoo adeegsanaya bogga inatrneetka ee BenefitScape.

  1. Booqo https://eeportal.bencorpaca.com/ si aad isugu diiwaangeliso eDelivery.
  2. Geli macluumaadka soo socda:
    • Koodhka Shirkadda: BG1234
    • Taariikhdaada dhalashada
    • Boostada xaafadda ee gurigaaga
  3. Ka dib markaad isdiiwaangeliso, waxaad heli doontaa iimayl ku hagaya inaad sameysato aqoonsiyada gelitaanka.
  4. Marka aad isdiiwaangeliso, waxaad heli doontaa iimayl xaqiijin ah, waxaana aad soo dejisan kartaa foomkaaga oo aad daabacan kartaa marka loo baahdo si aad ugu haysato diiwaannadaada. Haddii aad u baahan tahay in nuqul lagugu soo diro boostada, BenefitScape ayaa boostada mid kuugu soo diri doontaa gudaha 30 maalmood.

Haddii aad su’aalo qabto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo in lagu diiwaangeliyo, fadlan kala xiriir Adeegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705.

Miyaad ku wareertay erayada caymiska sida lacagaha qofka laga jaro ka hor magadhawida caymiska ama khidmad-wadaaga adeegga caymiska?
Hel qeexitaanada fudud ee weedhaha caamka ah ee daryeelka caafimaadka si aad si wanaagsan ugu fahamto ceymiskaaga iyo kharashyadaada.

Akoonka Dheefaha Caafimaadka

Gal ama sameyso akoon si aad u eegto saacadahaaga shaqada, dheelitirka Bisha Dib u dhigista, bixi lacagaha wadaaga khidmada caymiska, hel taageero ku baxaya sheekeysi toos ah iyo waxyaabo kaloo badan oo laga heli karo akoonkaaga dheefaha caafimaadka, oo ay maamusho MagnaCare.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.