Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) wuxuu ku siinayaa tabbabar laguu gaar yeelay oo ku saleysan nooca daryeel bixiyaha ee aad tahay wuxuuna kaa caawinayaa inaad bixiso daryeel dhamaystiran oo tayo sare leh.

La xidhiidh loo-shaqeeyahaaga si aad u xaqiijiso shuruudaha tababarkaaga iyo sida la iskaga diiwaangeliyo tababarka. Ka eeg basic training (tabbabarka aasaasiga ah) ee nooca bixiyahaaga looga baahan yahay hoos.

Hadii aad dhawr cid u shaqayso, hayso shaqooyin badan ama macmiil badan u adeegto, shuruudaha tabbabarkaagu wuu ka duwanaan karaa. Hadii ay kugu waajibaan wax ka badan hal qayb, waa inaad buuxisaa shuruudaha tabbabar iyo shahaado ee ugu sareeya.

Nooca Adeeg Bixiyaha
Baraarugga & Badqabka
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
Waa Waajib
Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE))
Ikhtyaar Weeye
Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE))
La dhamaystirto kahor inta aan daryeelka la bixin.
Lagu dhameeyo mudada ay ku eeg tahay.
12 saacadood ayaa sanadkii loo baahan yahay.
Tabbabar onleyn ah oo ikhtiyaar ah.
Caawiyaha Daryeelka Guriga ee Caadiga ah (HCA)

Daryeel bixiyaal daryeela macaamiisha, si wakhti dhiman ama waqti buuxa ah.
Eeg talaabooyinka lagu noqdo HCA

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70
Daryeel Bixiyeyaasha Carruurta Qaangaarka ah

Daryeelayaasha daryeela bukaan, waxaa kamid ah ay leeyihiin xidhiidh guur ama lamaane wada nool ahaan.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30
Adeeg-bixiyaha Qoyska

Daryeel-bixiyeyaasha daryeela oo keliya ilmo, walaal, eedo, adeer, abti, ina abti, ina-adeer, ilmo awoowe/ayeeyo loo yahay ama waalid awoowe/ayeeyo ah, oo ay ku jiraan xiriirka ku imaadan iyadoo loo maraayo guurka ama lammaannimada guri.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30
Adeeg-bixiyaha Adeegga Xaddidan

Daryeel bixiyaasha shaqeeya wax ka yar 20 saacadood bishii.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30
Arrimaha Halyeeyada (VA) Xaaska ama Lamaanaha Guriga

Daryeel-bixiyeyaasha u shaqeeya xaas/lammaane iyaga oo u maraya barnaamijka VA homecare.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30
WA Cares

Daryeelayaasha WA Cares Joogtada ah iyo WA Cares Gelinka ah ee Qoyska.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 16
Adeeg-bixiyayaha Wakhtiga Nasashada

Bixiyeyaasha daryeelka ee daryeela macaamiisha bixiyaha daryeelka kale ama xubnaha qoyska muddo gaaban (in ka yar 300 saacadood sanadkii).

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9
Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah (DDA)

Waalidiinta daryeela ilmahooda qaba curyaanninmada korriinka.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7
Bixiyayaasha NAC, OSPL, NAC hore, OSPI hore, ama ku jira LPN, RN ama ARNP socda
NAC: Kaaliyaha Caafimaadka Haysta Shahaado, OSPI: Taageerada Waxbarasho Gaarka ah
Waxaa lagaa dhaafay Tabbabarada Xogta Hordhaca iyo Amaanka iyo Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah). Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tabbabarada kale ee loo baahan yahay ama ikhtiyaarka ah, fadlan la xidhiidh cida aad u shaqayso.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
70

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 waa tabbbar 70 saacadood ah oo kuu diyaarinaya macluumaadka iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu gudubto imtixaanka shahaadiga ah oo aad noqoto Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA). Wuxuu qaadan karaa ilaa 5 toddobaad si loo dhammaystiro.

Isdiiwaangeli sida ugu dhakhsaha badan si aad u xaqiijiso inaad dhamaystirto tabbabarkaaga marki la gaaro ama ka hor taariikhdaada kama dambaysta ah. 

Koorsada waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Amxaari, Carabi, Shiinees, Khmer, Kuuriyaan, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Fiyatnaamiis.

Waxaad codsan kartaa turjubaan xirfadle ah haddii aysan jirin wax koorsooyin ah oo kuu dhaw. 

Haddii aad sameeneysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 oo Ingiriisi ah oo leh turjubaan xirfadle ah, agabka koorsada oo turjuman ayaa sidoo kale lagu bixin karaa Nepali, Samoan, Tagalog, Yukreeniyaan, Laotiyaan, Farsi iyo Punjabi.

Taageerada luuqada, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866-371-3200 ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
30

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 waa koorso 30 saacadood oo uu qofku iswado, inta badan onleen kaliya ah. Waxaa ka mid ah:

  • Fasalka Shaybaarka Xirfadaha oo 3 saacadood iyo bar ah oo qof ahaan loo xaadiro.
  • 27 saacadood oo ah koorsooyonka onleenka ah.

Kadib markaad isdiiwaangeliso, waxaad bilaabi kartaa koorsooyinka onleenka ah wakhti walbo.

Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.

Hadii aad u baahan tahay taageerada luuqada oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866-371-3200 ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
16

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) ee 16 waa tabbabar 16 saacadoo ah oo is loo gayo oo onleyn ah.  Waxaa ka mid ah: 

  • 10 saacadood daris onleyn ah oo hor loosii doortay oo aas aasi ah. 
  • 6 saacadoodo oo darisyo aad ka xulanayso ah. 

Dariskan waxaa wakhti xaadirkan lagu bixiyaa Ingiriisi, Jayniis, Kuuriyaan, Ruush, Isbaanish iyo Fiitnaamiis. 

Hadii aad u baahan tahay kaalmo, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866-371-3200 ama mrc@myseiubenefits.org. 

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
9

Waxaad u baahan tahay inaad samayso 9 saacadood oo koorsooyin onleen ah si aad u dhamaystirto tababarkaaga. 

Dhammaan koorsooyinka ayaa la heli karaa kadib markaad is diiwaangeliso waxaadna bilaabi kartaa xilli walbo.

Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.

Hadii aad u baahan tahay taageerada luuqada oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866-371-3200 ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
7

Waa inaad bogtaa dhammaan 7-da saacadood si aad u buuxiso shuruudahaaga. Waxaa ka mid ah:

  1. 1-saac oo waxbarasho madaxbanaan ah.
  2. 6-saacadood oo tabbabar macallin uu bixiyo ah (2 aqoon kororsiyo oo onleen ah).

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7 waxaa lagu heli karaa wakhti xaadirkan Ingiriisi, Amxaari, Cambodian/Khmer, Shiinees, Kuuriyaan, Ruush, Isbaanish, Soomaali Tagalog, Tigree, Yukreeniyaan iyo Fiyatnaamiis.

Hadii aad u baahan tahay taageerada luuqada, kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866-371-3200 ama mrc@myseiubenefits.org.

Talaabooyinka Lagu Noqdo
Kaalmaha Daryeelka Guriga Haysata Shahaado (HCA)

Guji hoos si aad uga hesho faahfaahin talaabo kasta.

Dhamayso Xogta Hordhaca iyo tabbabarka Amaanka kahor inta aanad bilaashin shaqada daryeelaha.
Tabbabarka Xogta Hore iyo Amaanka (O&S) waa ku waajib ruux kasta inta aanu bilaabin shaqada. Sameynta O&S waxay ku siinaysaa xirfadaha badbaadada aasaasiga ah ka hor inta aanad bilaabin daryeelka macmiilkaaga.

Fadlan la xidhiidha loo-shaqeeyihiina si aad u heshaan tilmaamaha sida loo dhameystiro O&S.

Gudbi Arjiga Shahaadada DOH: Maalinta 1-14

Si aad u noqoto qof shahaado u haysta Kaaliyaha Daryeelka Guriga, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso oo aad soo gudbiso Codsiga Shahaado Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) (sidoo kale loo yaqaan "Codsiga DOH") 14 maalmood gudahooda marka lagu shaqaaleysiiyo. Codsigan waxa la soo gudbin karaa ka hor inta aanu tababarka bilaabmin.

Lagaagama BAAHNA inaad bixiso kharashka codsiga. Iyada oo qayb ka ah dheefahaaga SEIU 775, codsiga iyo khidmadaha imtixaanka wakhtiga ugu horreeya waa la daboolay.

Haddii Ingiriisigu uusan ahayn luuqadda aad doorbideyso,, waxa laga yaabaa in laguu ogolaado ilaa 60 maalmood oo dheeraad ah si aad u noqoto HCA shahaado haysta. Si aad u codsato shahaado ku meel gaadh ah, waa inaad saxdaa sanduuqa "Waxaan codsanayaa shahaado ku meel gaadh ah" oo ku qoran bogga 1 ee Codsiga Shahaadada HCA.

 

Codsigaaga waxaad ku soo gudbin kartaa onlayn.

Muuqaalkan YouTube ee 3-da daqiiqo ah oo ka socda Department of Health ( Waaxda Caafimaadka DOH), ayaa kugu hagi doona sida loo galo akoonka, loo xaqiijiyo aqoonsigaaga, iyo loogu buuxiyo codsiga onlaynka. Waxyaabaha ay tahay inaad ogaato ka hor intaadan onlayn ku codsanin:
  • Hubi inaad saxdo "Mushaharka Gobolka".
  • Su'aalaha codsiga onlaynka ah waxaa lagu hagaajin karaa DOH iimaylka hmccreview@doh.wa.gov ama taleefoonka 360-236-2700.
  • Hubi galka spam-kaaga si aad u hubiso inaadan wax iimayl ah oo ka yimid DOH aadan waayin.

Iska Diiwaangeli Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70

Waxaad u baahan tahay inaad dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 120 maalmood laga bilaabo taariikhda lagu shaqaaleysiiyo. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu xaqiijin karaa wakhtigaaga kama dambaysta ah.

Fadlan la xidhiidha loo-shaqeeyihiina si aad u heshaan tilmaamaha gelitaanka Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah).



Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) oo Dhameystiran — Maalmaha 30-60

Qaado tababarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si aad u hubiso helida xiisadaha ugu wanaagsan aaggaaga iyo luqadda aad doorbidayso.

Jadwalka iyo Diyaargarawga: Maalinta 60-90

Haddii aad imtixaankaaga ku qaadanayso Ingiriisi, waxaad ka jadwaleysan kartaa imtixaanadaada Aqoonta iyo Xirfadaha bogga websaydka ee Prometric. Waxaad jadwalsan kartaa imtixaanka isla marka aad iska diiwaan geliso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) ee 70 oo aadna hesho taariikhaha ay fasaladaada bilaabmayaan. Waa inaad ku bogto tabbabarkaaga kahor taariikhdaada imtixaanka.  

Haddii aad qabtid wax su'aalo ah , fadlan kala xiriir Prometric lanbarka 1-800-324-4689. 

Muhiim ah:

  • Markaad jadwaleysaneyso imtixaanka, waxaad u baahan doontaa inaad si gooni ah u jadwalaysato imtixaanka Aqoonta iyo Xirfadaha.  
  • Waxaa jira kharash dib u jadwaleysashada oo aan lagu daboolin dheefahaada shahaado-siinta. Fadlan ka eeg bogga websaydka ee Prometric wixii macluumaad dheeraad ah. 
  • Hadii aad doonayso inaad qabsato balanta imtixaanka aan Ingiriisiga ahayn ama aad u baahan tahay qaabilaad ADA, kala hadal Kooxda Qaabilaada Imtixaanka Prometric 1-800-967-1139.

Sida loo diyaariyo:

  • Dib u eeg Agabka Diyaarinta Imtixaanka ee Prometric, oo lagu heli karo 13 luqadood.
  • Ku xidhnow Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa).
    • Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) waa Gargaarayaal Daryeel Guri oo la aqoonsan yahay kuwaas oo ku bari kara agabyada Aqoonta iyo Xirfadaha ee aad ku baratay Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70. Booqo bogga Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) si aad wax badan uga ogaato agabyada bilaashka ah ee ay bixiyaan iyo sida ay kuugu diyaarin karto imtixaankaaga.
  • Jadwal u sameeyso koorsada tababarka xirfadaha oo bilaash ah*.
    • 2-dan saacadood, kulan-fadhiyeedka qof ahaaneed ayaa kuu ogolaanaya inaad ku tababar qaadato xirfad kasta oo gacanta lagu qabto ee dookhaada ah gudaha fasalka. Kala hadal Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) 1-866 371-3200 ama iimeel u dir MRC@myseiubenefits.org si aad u mudaysato dariskaaga.
*Tabbabarka Koorsooyinka looma baahna, lacagna laguma siinayo si aad u xaadirto.

 


 

Mar Imtixaanka: Maalinta 90-120

Maalinta imtixaankaaga:

  • Imow ugu yaraan 30 daqiiqo kahor imtixaankaaga la qorsheeyay. Kuwa soo daahaa looma ogolaan doono inay galaan imtixaanka waxayna u baahan doonaan inay bixiyaan kharashka imtixaanka taariikhda dib loo dhigay.
  • Keen warqaddaada "Ogolaanshaha Imtixaanka" (ATT) iyo 2 nooc oo aqoonsi oo sax ah.

Natiijooyinkaaga waxaa lagu wargeliyay DOH, waxayna kuu soo diri doonaan warqad xaqiijinaya inaad si rasmi ah shahaado u heshay.

Ka dib markaad noqoto HCA shahaado haysta, waxaad u baahan doontaa inaad dhammaystirto 12 saacadood oo Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) sannad kasta wakhtiga kama dambaysta ah ee tababarkaaga, oo badanaa ah maalintaada dhalashada. La xidhiidh cidda aad u shaqayso si aad u xaqiijiso taariikhda.

Taageerada Shahaadada HCA

Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan codsiga iyo shahaado siinta HCA?

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan codsiga ama shahaado siinta, wac Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) 360-236-2700 ama iimayl u dir hmccreview@doh.wa.gov.

Miyaad ka qabtaa su'aalo
imitxaanka Kaalmada Daryeelka Guriga? 

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan imtixaankaaga Kaaliyaha Daryeelka Guriga, wac Prometric 1-800-324-4689 ama iimayl u dir wahca@prometric.com.

Miyaad u baahan tahay kaalmada noqoshada
HCA mushahar qaata oo shahaado haysta?

Department of Social and Health Services (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka) Hogaamiyeyaasha (DSHS) ayaa kaa caawin kara geedi-socodka noqoshada HCA mushar qaato oo shahaado haysta.

Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa):
U Dhigista HCA & Taageerada Xirfadaha

Haddii aad sameynaysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 iyo imtixaanka shahaado siinta ee HCA, waxaad la xidhiidha kartaa Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) si aad uga heshid hagid iyo taageero. Waxay kaa caawin karaan inaad fahamto waxa aad ku baranayso fasalka waxayna ku barayaan agabka koorsada inta aad isku diiyaarinayso inaad samayso imtixaanka HCA.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.