Ku Badi Lacagtaada Korsocod Culus

Fahmida korsocodka culus ayaa muhiim u ah qorsheynta hawlgabka. Korsocodka culus wuxuu gacan ka geysanayaa lacagtaada inay badato wakhti kadib, taasoo ka dhigan in halki doolaar ee keyd la geliyo maanta uu ka qiimo badan yahay midka gadaal danbe laga keydin doono sababto ah waxaa la joogaa wakhtigi la samayn lahaa lacag kor saar ah oo la badin lahaa. 

Korsocodka culus waa marka lacagtaada ay badato ma ahan kaliya lacagta marka ugu koowaad aad dhigato, oo loo yaqaano lacagta koowaad, balse sidoo kale lacagta kor saarka ah ee fuulaysa wakhti kadib, taas oo noqonaysa kayd lacag oo badan muddo dheer kadib. Waa sida kuus baraf ah oo meel buur ah ku soo taraaraxaya—wakhti kadib, kuuska barafka ah wuu sii weynaanayaa inta uu taraaraxayo. 

Wa kuwan waxa ay tahay inaad ka ogaato korsocodka culus: 

  • Bilow Inaad Wakhti Hore Lacag Kaydsato: Xitaa kayd yariis ah ayaa noqon kara wax badan wakhti kadib iyada oo ugu wacan korsocodka culus, marka waa muhiim inaad wakhti hore bilowdo lacag kaydsasho. 
  • Ha Kuugu Jirto Lacagtaada Maalgashi Wakhti Dheer: Marba inta ay badan tahay muddada lacagtaada ay kuugu jirto akoon maalgashi oo lacag kor saar ah leh, in la eg ayay ka faa’iideysaa korsocodka culus oo ay sii badanaysaa. 
  • Dulqaado: Dulqaado oo u oggoloow in korsocodka culus uu lacag ku biiriyo akoonkaaga. Haddii aad rabto in lacagtaada ay dhakhso badato, ku soo dar lacag yar bil walbo ama mar walbo oo aad awoodo. 

 Eeg sida lacagtaada ay ugu badan karto korsocodka culus adigoo isticmaalaya Xisaabiyaha Korsocodka Culus. 

*Xisaabaha waxaa lagu saleeyaa celceliska faa’iida dhalinta ah 7% mana u ahan damaanadqaad faa’iido ka dhalanaysa maalgashiga. Maalgashi walbo wuxuu leeyahay khatar. Cadadkan waxaa loogu talagalay oo kaliya ujeedo xogsiin, oo kaliya. La hadal dhaqaale-yaqaan si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Saacad walbo oo xaq leh oo aad u shaqeyso daryeel bixiye ahaan, loo-shaqeeyahaaga SRP ee wax soo biiriya ayaa ku daraya ilaa iyo $1 akoonkaaga hawlgabka ee SRP. Inta aad muddo badan sii shaqeynayso, ayuu loo-shaqeeyahaagu wax badan ku sii biirinayaa akoonkaaga.  

Markaad lacagtaada maalgashato SRP, waxaa ka faa’iideysaa korsocodka culus oo ku sii siyaadaysa hadhaaga akoonkaaga hawlgabka ilaa aad diyaar u noqoto inaad lacagtaada la baxdo.  

Si aad u qiyaasto cadadka lacagta ee laga yaabo inay kuugu jirto akoonkaaga SRP markaad hawlgab noqoto, gal Retirement: My Plan si aad u isticmaasho xisaabiyaha hawlgabka ee si khaas ah loogu hagaajiyay daryeel bixiyeyaasha adigoo kale ah.  

Diyaarinta iyo Qorshaynta Cashuuraha

Arag dhigaaladan muhiimka ah ee loogu talagalay diyaarinta iyo qorshaynta cashuuraha.

Canshuur Dhimista Ilmaha waxay ka caawisaa qoysaska leh carruurta xaqa leh inay helaan nafis canshuur. Waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad codsato canshuur dhimista xitaa haddii aadan sida caadiga ah xereynin canshuur celinta. 

Canshuur Dhimista Ilmaha iyo Daryeelka Ku Tiirsanahawaa canshuur dhimis laga yaabo inay kaa caawiso inaad iska bixiso daryeelka carruurta xaqa u leh iyo kuwa kale ee kugu tiirsan. 

Canshuur Dhimista Kharashka Waxbarashada ee Xaqa Leh (AOTC) waa canshuur dhimis loogu talagalay kharashyada waxbarashada ee xaqa leh ee laga bixiyo ardey xaq u leh 4-ta sano ugu horreysa waxbarashada sare. 

Canshuur Dhimista Lacagta Jaamacada Lagu Dhigto (LLC) waa kharashka lacagta jaamacada lagu dhigto iyo kharashyada la xidhiidha ee la siiyo ardayda xaqa u leh ee ka diiwaangashan mac’had waxbarasho oo xaq leh. Canshuur dhimista waxay kaa caawin karaan bixinta koorsooyinka shahaadada koowaad ee jaamacadda, shahaadada labaad iyo kuwa xirfadda leh. 

Canshuur Dhimista Qoysaska Shaqeeya ee Gobalka Washington waxaa loogu talagalay shaqsiyaadka iyo qoysaska ku nool gobalka Washington ee laga yaabo inay awoodaan inay dib u helaan ilaa $1,200 haddii ay xaq u yeeshaan. 

Canshuur Dhimista Dadka Waayeelka ah ama Naafda ah waxay ka caawisaa cashuur bixiyayaasha hawlgabka ah ee leh naafanimada joogtada ah inay helaan canshuur dhimis ku salaysan dakhliga xaqa leh.

Lacag Jarista Kahrashka Caafimaadka waxay khuseysaa kaliya kharashyada caymiska uusan bixinin. Kharashyada ayaa la dabari karaa haddii aad si toos ah u bixisay kharashka caafimaadka ama haddii magacaaga lagu siiyo lacagta dhakhtarka, isbitaalka, ama bixiye kale oo caafimaad.

Qorshaha Kaydadka ABLE ee Gobalka Washington waa hab dabacsan oo ku haboon dadka naafada ah si ay u maalgashadaan tayada noloshooda.

Canshuur Dhimista Dadka Waayeelka ah ama Naafda ah waxay ka caawisaa cashuur bixiyayaasha hawlgabka ah ee leh naafanimada joogtada ah inay helaan canshuur dhimis ku salaysan dakhliga xaqa leh.

Lacag Jarista Kahrashka Caafimaadka waxay khuseysaa kaliya kharashyada caymiska uusan bixinin. Kharashyada ayaa la dabari karaa haddii aad si toos ah u bixisay kharashka caafimaadka ama haddii magacaaga lagu siiyo lacagta dhakhtarka, isbitaalka, ama bixiye kale oo caafimaad.

Qorshaha Kaydadka ABLE ee Gobalka Washington waa hab dabacsan oo ku haboon dadka naafada ah si ay u maalgashadaan tayada noloshooda.

Gargaarka Cashuuraha ee AARP Foundation waxay siisaa kaalmo cashuureed bilaash ah qof kasta, iyada oo diiradda la saarayo cashuur bixiyayaasha ka weyn da’da 50 oo dakhligoodu hooseeyo ama dhexdhexaad yahay.

IRS Free File (Canshuur Xaraynta Bilaashkaa ah ee IRS) waxay u oggolaataa cashuur bixiyayaasha aqoonta u leh inay diyaariyaan oo ay xareeyaan cashuur celinta dakhliga ee dawlada federaalka onleen ahaan iyagoo isticmaalaya software-ka diyaarinta cashuurta oo la hagayo. Waa badqab, way fududahay oo bilaash ayay kuu tahay.

Barnaamijyada Kaalmada Cashuurta Dakhliga ee Is-xilqaanka ah (Volunteer Income Tax Assistance, VITA) iyo La-talinta Cashuuraha ee Waayeelka (Tax Counseling for the Elderly, TCE) ee IRS waxay siiyaan diyaarinta canshuur celinta aasaasiga ah ee bilaashka ah shaqsiyaadka xaqa u leh.

Fadlan la xidhiidh xirfadlaha diyaarinta cashuurta haddii aad u baahan tahay caawin dheeraad ah.

Lacag intee dhan ayaan ku helayaa hawlgab ahaan?

Xisaabiyeyaasha hawlgabka ee khadka tooska ah waa hab sahlan oo lagu arki karo inta lacag ah ee aad yeelan karto marka aad hawlgab noqoto. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad geliso macluumaadkaaga maaliyadeed xisaabiyaha si aad u aragto qiyaas. Macluumaadka aad geliso waa qarsoodi oo dhammaan qiyaasaha waxaa loogu talagalay ujeeddooyin waxbarasho oo keliya.

  • Xisaabiyaha Dakhliga Hawlgabka ee AARP wuxuu muqaal laguu gaar yeelay kaa siin karaa sida uu dhaqaalahaagu noqon karo marka aad hawlgab noqoto. Xisaabiyahan waxaa ku jira dhinacyo badan oo qorshahaaga hawlgabka ah, sida kaydkaaga gaarka ah, akoonada loo-shaqeeyaha (sida Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan) iyo qaab nololeedkaaga.
  • Retirement: My Plan wuxuu sidoo kale leeyahay xisaabiyaha hawlgabka oo aad isticmaali karto si aad u qiyaasto hadhaagaaga Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee mustaqbalka. Markaad isticmaalayso Retirement: My Plan, waxaad sidoo kale magacaabi kartaa ka-faa’iidayste ama codsan kartaa qaybin.

Kheyraad badan oo kaa caawin doona qorshaynta iyo kaydinta

Marki aad gasho Retirement: My Plan, waxaa lagu gayn doonaa websaydhka Milliman si aad u aragto macluumaadkaaga SRP. Macluumaadkaagu had iyo jeer waa qarsoodi.

Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington waa degel ammaan ah halkaas oo ganacsiyada iyo shakhsiyaadka ay ka dukaamaysan karaan iyagoo is barbar dhigaya qorshayaasha kaydadka gobolku xaqiijiyay, qiimaha jaban, sida Akoonka Hawlgabka ee Shaqsiyadeed (IRA): 

  • Aspire: Aspire waa mid ka mid ah bixiyeyaasha IRA ee laga helo Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington. Waxay bixiyaan kheyraadka qorshaynta maaliyadeed marka laga soo tago Akoonka Hawlgabka ee Shaqsiyadeed oo qiime jaban. Wax badan ogoow ama si toos ah uga wac Aspire lambarka 1-206-939-5615. 
  • FinHabits: FinHabits waa mid ka mid ah bixiyeyaasha IRA ee laga helo Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington. FinHabits waxay bixisaa faylal kala duwan oo qiimo jaban ah. Wax badan ogoow ama si toos ah uga wac FinHabits lambarka 1-800-492-1175. 

Kheyraadka laga helo Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington waxaa lagu heli karaa 5 luuqadood.

Meel kasta oo aad ka joogto qorshahaynta hawlgabkaaga, waad isticmaali kartaa Agabyada Macmiilka ee FPB si ay kaaga caawiyan inaad diyaargarowdo. Kheyraadka ayaa lagu heli karaa 8 luuqadood. 

Hay’adda Ilaalinta Maaliyadda Macmiilka (CFPB) waxa ay ka ilaalisaa macaamiisha cadaalad darada, khayaanada, ama dhaqamada xadgudubka ah.

  • Way adkaan kartaa inaad adigu samaysato miisaaniyad shakhsi ahaantaada. Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa warqadan miisaaniyadda ee aad buuxin karto si laguugu xisaabo miisaaniyadda. 

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.