Hagitaan Fudud oo ku aadan Miisaaniyada

Ku noolaanshaha mushahar kaliya waxay noqon kartaa sidii adigoo ku ordaya mishiinka jimicsiga ee aan waligiis istaagin. Haddii aad ku tiirsan tahay kaararka kiridhitka si aad u daboosho kharashaadka aasaasiga ah ama aad isweydiinayso halka lacagtaadu ku baxdo bil kasta, kaligaa ma tihid—sidoo kalena awood la’aan ma tihid oo isbeddel waad samayn kartaa. Samaynta miisaaniyaddu waxay u ekaan kartaa wax adag, balse waa mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee dib loogu hanan karo maareynta lacagta laguna dhisi karo xasillooni dhaqaale, xitaa marka dakhligu yaraado.

Sababta Miisaaniyaddu Weli Waxtar U Leedahay—Xitaa Marka Aad Dhibaato Dhaqaale Aad Wajahayso

Marka doolar kasta hore loogu qorsheeyo kharashaad ka hor inta uusan akoonkaaga soo gelin, miisaaniyad samayntu waxay u muuqan kartaa mid aan waxtar lahayn. Laakiin taas beddelkeeda, waxay si dhab ah kuu caawisaa naad si cad u fahamto xaaladdaada dhaqaale. Waxay kaa caawisaa inaad ogaato habdhaqannada soo noqnoqda, aqoonsato meelaha lacagtu ka baxdo, isla markaana aad gaarto go’aanno dhab ah. Miisaaniyad samayntu ma aha xadidaado, ee waa wacyigelin dhaqaale. 

Talaabada 1-aad: Ogow Dakhligaaga Billaha ah

Ka bilow wadarta guud ee dakhligaaga billaha ah. Waxaa ka mid ah:

Noocyada kharashaadka caadiga ah kugu baxa waxaa ka mid ah:

  • Mushaharkaaga joogtada ah

  • Dakhli kasta oo ka yimaada shaqooyin dheeraad ah ama shaqooyinka madaxbannaanida leh

  • Dheefaha ama taageerada dowladda

  • Masruufka carruurta ama masruufka lammaanaha hore

  • Illo kasta oo dhaqaale ah oo joogto ah

Lambarkan qor Waa aasaaska miisaaniyadda. 

Talaabada 2-aad: Qor Kharashaadkaaga Joogtada ah

Marka xigta, aqoonsado biilashaaga billaha ah ee soo noqnoqda. Kuwani waa kharashaadka lama huraanka ah ee inta badan aan isbeddelin bil kasta: 

  • Kirada guriga ama lacagta amaahda guriga 
  • Kharashaadka adeegyada (korontada, biyaha, gaaska) 
  • Adeegyada isticmaalka taleefanka iyo internetka 
  • Dib u bixinta deymaha (kaararka kiridhitka, amaahda) 
  • Lacagaha caymiska 
  • Kharashaadka daawooyinka dhakhtarku qoro ama kharashaadka la xiriira caafimaadka 

Isku gee dhammaantood. Wadartan ka jar dakhligaaga billaha ah. Lacagta soo hartay waa waxa aad u isticmaali karto dhammaan kharashaadka kale.

Talaabada 3-aad: Kala Qaybi Kharashaadkaaga Isbeddela

Qaado lacagta soo hartay oo u qaybi afar qaybood: 

  • Cunto – raashinka, cuntada la soo qaato, iyo cuntada bannaanka lagu cuno 
  • Gaadiid – gaaska, gaadiidka dadweynaha, baarkinka, iyo dayactirka gaariga 
  • Kayd – xitaa qaddar yar waa muhiim 
  • Waxyaabaha Kale – kharashaadka dharka, madadaalada, hadiyadaha, iyo xaaladaha degdegga ah 

Si aad u qiyaasto inta aad caadi ahaan ku bixiso qayb kasta, dib u eeg warbixinnada bangigaaga ee 3-dii bilood ee la soo dhaafay. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad samaysato tirooyin macquul ah oo ku salaysan hab dhaqankaaga dhabta ah. 

Talaabada 4-aad: Bilow Lacaga kaydinta—Xitaa HaddiiAy Yar tahay

Haddii ay lacag kuu soo harto ka dib markaad bixiso kharashaadka cuntada iyo gaadiidka, u qaybi laba qaybood oo isle’eg: 

  • Kala badh geli kaydka 
  • Kala badhka kale u isticmaal kharashaadka kale duwan 

Haddii ay lacag kuu soo harto dhammaadka bisha, u dabbaal deg guushaas kuna dar kaydkaaga. Xitaa 10 ama 25 doolar bishii way bataan muddo ka dib waxayna dhisaan kayd dhaqaale oo ku taageera. 

Tallo: Ku bixinta lacagta dheeraadka ah deymaha dulsaarka leh sida kaararka kiridhitka iyo amaahda shakhsi ahaaneed waa nooc ka mid ah kaydinta lacagta. Lacag kasta oo dheeraad ah oo aad halkaas ku bixiso wuxuu yareeyaa dulsaarka aad bixinayso, taas oo mustaqbalka lacag kuu badbaadinaysa. 

Talooyin Lagu Fududaynayo Samaynta Miisaaniyadda

  • Isticmaal app-ka miisaaniyadda si uu si toos ah ula socdo kharashaadkaaga. Bangiyada qaarkood xitaa waxay app-yadooda ku leeyihiin adeegyo lacag la’aan ah oo lagula socdo kharashaadka 
  • Samee xasuusinno jadwalka taariikhaha biilasha la bixinayo si aad uga fogaato ganaaxyada dib u dhaca
  • Haddii aad u baahan tahay inaad biil bixiso ka dib taariikhda kama dambaysta ah, wac si aad u codsato muddo dheeraad ah
  • Tijaabi habka lacagta loogu qaybiyo baqshado kala duwan haddii aad caado u leedahay isticmaalka kharash badan
  • Dib u eeg miisaaniyaddaada bil kasta oo wax ka beddel hadba sida loogu baahdo. Kharashaadka bil kasta isku mid ma noqon doonto, taasina waa wax caadi ah
  • Tixgeli inaad cuntada hal mar wax badan iibsato. Ku biir kooxaha si wadajir ah cunto badan u iibsada ama mid la samee saaxiibbada, qoyska, ama deriska si aad lacag uga kaydsato cuntada. 
  • Akhri bloheena Debt Management (Maareynta Deynta) si aad u hesho talooyin ku saabsan sida loo fududayn karo bixinta biilasha. 

Ugu dhambayn 

Ku noolaanshaha mushahar kaliya waa arrin walaac leh, balse ma aha inay sidaas weligeed ahaato. Miisaaniyad samayntu waxay ku siinaysaa awood aad si cad ugu maamusho lacagtaada oo aad ku gaarto go’aanno xog ogaal ah. Uma baahnid inaad wax walba si qumman u qabato—waxa keliya ee aad u baahan tahay waa inaad bilowdo. Tallaabo kasta oo aad u qaaddo dhinaca wacyiga dhaqaalaha waa tallaabo kuu dhoweynaysa xorriyad dhaqaale. 

* Macluumaadkani waa talooyin ee ma aha xeerar. Miisaaniyadda ugu wanaagsan waa tan adiga kuu shaqaysa sidaas darteed wax ka beddel hadba sida loogu baahdo. 

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.