Kabo shaqo oo aan simbiriiraxo lahayn, oo loogu talagalay daryeel-bixiyeyaasha.
Daryeel-bixiyeyaasha u qalma waxay heli karaan hal joog oo bilaash ah sannad kasta!
Raaxo, Badbaado iyo Qurux
Daryeel bixiyeyaashu waxay dhahaan Caregiver Kicks waxay wanaajin karaan xanuunka cagaha iyo dhabarka, waxayna kaa caawin karaan sagxadaha simbiririxashada leh ee guryaha. Looma nashqadeeynin in lagu isticmaalo barafka, xaaladaha barafka ah ama qolka jimicsiga. Daawo muuqaalka badqabka.
Waxaad ka dooran kartaa in ka badan 180+ nooyo oo ka mid ah noocyada shirkadaha sida Reebok, Skechers, Crocs iyo kuwo badan.
Hel 1 joog oo BILAASH ah 12 bilood Walbo.
Si aad ugu qalanto: shaqey ugu yaraan 80 saacadood laba bilood oo isku xigta (wadarta 160+ saacadood). Waxaad u qalmi doontaa bisha 4 aad oo aad dalban kartaa joogaaga kuugu horeeya. Intaas ka dib, waxaad dalban kartaa joog cusub 12-kii biloodba mar, inta aad sii buuxinayso shuruudaha u-qalmitaanka.
Sida Loo Dalbado:
- Ku Dalbo Onleen ahaan: Gal adigoo isticmaalaya macluumaadka xiriirka. Marka haddii lagu xaqiijiyo, dooro kabahaaga oo dhigo dalabkaaga.
- Ku dalbo wicitaanka taleefonka: Ka dhex raadi buugga alaabta ee onleenka ah, kadibna wac 1-877-606-6705 (Isniin–Jimce, 8 a.m.–6 p.m. waqtiga PT).
Wixii ah su’aalo ku saabsan u-qalmitaanka ama dalabaadka, wac
(Isniin–Jimce, 8 a.m.-6 p.m. PT).
Su'aalaha Ugu Badan:
Ma beddeli karaa dalabkayga?
Haa. Ka Wac SR Max lambarka 1-833-599-9621 (Isniin–Jimce, 5 a.m.–5 p.m. waqtiga PT) sida ugu dhakhsaha badan si aad u codsato in dalabka wax laga beddelo.
Miyaan ka dalban karaa kabahayga websaydhka SR Max?
Maya. Waa inaad marka hore ka gashaa bogga dalabka Caregiver Kicks. Haddii aad si toos ah uga dalbato bogga dadweynaha ee SR Max, waxaa lagaa doonayaa inaad lacag bixiso. Haddii aad su’aalo qabto, wac 1-877-606-6705 (Isniin–Jimce, 8 a.m.–6 p.m. waqtiga PT).
Ka waran haddii kabahayga aysan dukaanka yaalin?
SR Max ayaa kugu soo diri doonta iimayl muddo ku dhow toddobaad gudihiis, iyadoo ku siinaysa taariikhda la filayo in kabuhu mar kale la heli karo iyo tilmaamo ku saabsan sida loo doorto nooc kale haddii aadan rabin inaad sugto.
Goorma ayay kabahaygu imanayaan?
Waxaad iimayl ku heli doontaa warbixinno ku saabsan taariikhda la filayo in laguugu keeno kadib markaad dalabka gudbiso. Haddii dalabkaagu dib u dhaco ama dhibaato ka timaaddo, SR Max ayaa kula soo xiriiri doonta iimayl ahaan.
Miyaad ku soo dirtaan P.O. Boskisyada?
Haa.
Ka waran haddii kabahaygu ay lumaan ama la xado?
Haddii aad u malaynayso in xirmadaadu luntay ama la xaday, wac 1-833-599-9621 (Isniin–Jimce, 5 a.m.–5 p.m. waqtiga PT). SR Max ayaa xaqiijin karta xaaladda gaarsiinta. Kabaha uu xaqiijiyay in uu gaarsiiyay shirkadda qaadaysa lama beddeli karo.
Kabahan waa inuu xidho daryeel bixiye walba.
Aad bay u raaxo badan yihiin waxayna kuu oggolaanayaan inaad si badqab leh u qabato shaqadaada, si aadan u taraarixin oo aadan u dhicin. Waxayna u fiican yihiin dhabarkaaga. Waxaan ka helay sida ay iila eg yihiin, wayna qurux badan yihiin!
Mid kamid ah dheefaha aan ugu jeclahay waa Caregiver Kicks. Waxaad u baahan tahay inaad raaxo ku dareento shaqada. Haddii cagahaagu ay raaxo leeyihiin, waxaad ahaanaysaa adeeg bixiye faraxsan!