Qorshaha Ceymiska Caafimaadka ee
Aetna
Marka laga soo tago daryeelka ka hortagga, caymiskaaga waxaa ku jira siyaabo badan oo lagu helo daryeel iyo taageero, sida tababarka fayoobida iyo barnaamijyada maaraynta ee loo shakhsi ahaaneeyay xaaladaha daba dheeraada.
Qoddobada Kooban ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Aetna
Marka laga soo tago daryeelka ka hortagga, caymiskaaga waxaa ku jira siyaabo badan oo lagu helo daryeel iyo taageero, sida tababarka fayoobida iyo barnaamijyada maaraynta ee loo shakhsi ahaaneeyay xaaladaha daba dheeraada.
Wax badan ka oggow faa'idada muhiimka ah ee qorshahaaga oo soo dejiso Faahfaahintaada Qorshaha.
Qorshaha faahfaahsan waxa uu bilaabmayaa Agoosto 1, 2025.
Daryeelka Caafimaad & Kahortag
Booqashooyinka Daryeelka Aasaasiga ee Bilaashka ah
Kharash ma jiro* si aad u aragto bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah (PCP). Waxaad arki kartaa PCP-kaaga wixii ah baaritaanada si fayo-qabka iyo marka aad xanuunsan tahay. Caymiskaaga waxaa sidoo kale ku jira fursado kala xulasho daryeel oo fogaan arag ah, si aad daryeel u hesho adoo ku nafisayo guriga.
*Booqashooyinka aad ugu tageyso PCP-gaaga ma lahan khidmada adeegga ceymiska, sikastaba ha ahaatee haddii dhakhtarkaaga uu amro baaritaano ama shaqo shaybaar, waxaad bixin kartaa khidmada adeegga ceymiska ee adeegyadaas.
Daryeelka Degdegga ah iyo Gurmadka Degdegga Ah ee Qiimaha Jaban
Daryeelka degdegga ah waa xulasho jaban oo loogu talogalay arrimaha aan gurmadka deg degga ahayn sida dhaawacyo fudud ama astaamaha hargabka marka dhakhtarkaaga aan la heli karin. Haddii aanad ka heli karin ballan-qabsiga isla maalinta ah dhakhtarkaaga ama aad leedahay baahi caafimaad oo degdeg ah, xarunta daryeelka degdegga ah ee Aetna ee kuugu dhow ayaa kuu ah xal aad kharash ahaan awoodi karto.
CVS Health®
Qorshahaaga caymiska waxaa sidoo kale ku jira daryeel lagu helo CVS Health® taas oo awood kuu siinaysa inaad ku hesho qaab fogaan-arag ah caafimaadka dhimirka iyo daryeelka assaasiga ah markaad u baahato adigoo ikhtiyaar u leh inaad qof ahaan u xaadirto.
Booqashada qolka degdegga ah waxay loo isticmaali karaa xaaladaha halista ah sida xanuunka xabadka, neefsashada oo dhib ah, ama dhaawacyada daran.
Lacag hormaris ama lacag bixin dheeraad ah ayaa laga yaabaa inaad bixiso.
Lacag Wada Bixinta Booqshada Caafimaadka (ku jira dalada) | |
|---|---|
Bixiyaha Daryeelka Aasaasiga ah / Booqashooyinka Onleenka | $0 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Daryeelka Degdegga ah | $15 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Qolka Gurmadka Degdegga ah | $200 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Khabiirada | $15 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Dheefaha Daawada Dhakhtarka Uu Qoro
Daawooyinka la qoray (Rx)
Aaetna waxay u isticmaashaa Shabakada Farmasiyada Tafaariiqda ee Sav-Rx dheefaha daawada dhakhtarka uu qoro, taas oo ku jiraan 75,000 farmashiye oo dalka oo dhan ah. Waxaa muhiim ah inaad la tagto farmasiga Kaarkaaga Aqoonsiga ee Sax-Rx.
ku heli hesho Sav-Rx kaarkaaga boostada kowaad, booqo savrx.com si aad u furato akoon oo aad u hesho dheefahaaga daawada dhakhtarka uu qoro. Wixii su'aalo ah, kala xidhiidh Sav-Rx lambarka 1-800-228-3108.
Insuliin: Daawooyinka baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo (Tier 1)/daawooyinka shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo (Tier 2)/shirkadaha aan la doorbideynin (Tier 3) $0/$0/$25 khidmada adeegga ceymiska neefsiga &
EPI: Daawooyinka baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo (Tier 1)/daawooyinka shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo(Tier 2)/aan la doorbideynin (Tier 3) $8/$25/$35 khidmada adeegga ceymiska
Lacag wada bixinta Rx | Farmashyaha- Daawada ah Saadka 30-ka maalin | Ku Iibsashada Boostada- Daawada ah Saadka 90-ka maalin |
|---|---|---|
Daawooyinka Ka Hortagga Uurka ee Baddelka u ah Kuwa Kale* | $0 | $0 |
Daawooyinka Lagu Qiimeeyo Waxtarkooda** | $4 | $8 |
Daawooyinka Baddelka u ah Kuwa Kale ee La Doorbidayo | $8 | $16 |
Daawooyinka Shirkadaha Gaarka ah ee La Doorbidayo | $25 | $50 |
Aan La Doorbideynin | $50 | $100 |
*Haddii aad u shaqeyso hay'ad diimeed ceymiskaaga caafimaadka waxaa ka reeban ceyminta ka hortagga uurka sida lagu oggolaaday ee ku xusan ka reebitaanka diimeed ee Affordable Care Act (Sharciga Daryeelka Caafimaad ee La Awoodi Karo). Sikastaba, waxaad midan si bilaash ah kaga heleysaa (adiga oo walibana wax ficil ah sameynin) Kaiser Permanente, inta aad ka diiwaangashan tahay ceymid caafimaad. **Daawooyinka lagu qiimeeyo waxtarkooda waa daawooyin baddel u ah kuwa kale oo loogu talagalay in lagu daaweeyo xaalado caafimaad oo kala duwan.
Dheefaha Dheeraadka ah
Caafimaadka Dhimirka
Kaalmada dhax mushaaxa mushkiladaha waawayn ee nolosha ama maamulida mushkiladaha sida isku buuqa ama muruqada. Aetna waxay bixisaa daryeelka indhaha oo dhamaystiran, oo waxaa kamid ah:
Daryeelka xirfadle, dawooyinka, dabiibka koox iyo waxkale oo badan.
Helitaanka app bilash ah sida AbleTo iyo Headspace Care (tobobarka foolka-foolka ah).
- Qiimaynta fogaan araga ah iyo booqashooyinka elektaroonigga ah si dib loogu eego calaamadahaaga oo aad u hesho xulashooyinka kugu habboon.
Baadhitaanka khayraadka ku jira linkiga sare ama bilaabida Alma si loo helo bixiye si foolka-fool ah ama maqal iyo muuqaal ah oo waafaqsan baahiyahaaga, aqoonsigaaga iyo luuqadaada.
Booqashooyinka Caafimaadka Maskaxda
ee Bukaan Socodka: $0 khidmada adeegga ceymiska
Bukaan jiif: $0 khidmada adeegga ceymiska, maalintiiba ilaa iyo 5 maalmood halki isbitaal dhigisba. Oggolaanshaha hore ayaa loo baahan yahay ama ceymis ma lahaan doono.
Aragga
Si aad u hesho daryeelka indhaha oo dhamaystiran, waxaa kamid ah hal shaybaadh indhaha ah iyo $600 oo agabka araga ah (sida leensiyada, fireemyada iyo leensiyada gudaha indhaha) 12 bilood oo kasta. Ka dooro xulashooyin badan oo muraayado u qalma ah si loo waafajiyo dookhaaha iyo miisaaniyadaada-sidoo kale, waxa aad heli kartaa habayn bilaash ah iyo dayactir wakhti kasta.
Tababarka Fayoqabka & Barnaamijyada
Tobobarka badqabka ayaa lagu heli karaa bilaash oo uma baahna gudbin. Ka hel taageero foolka-fool ah tobobarka badqabka si ay kaaga caawiso inaad si caafimaad dhaama u cunto, yarayso warwarka, aad u firfircoonaato, u maamusho miisaanka, u joojiso sigaarka iyo waxkale oo badan.
Hadii aad maamulayso xaalado caafimaad oo mudo dheer ah sida macaan ama dhiig kar, qorshahaaga ayaa sidoo kale waxaa kamid noqon doona taageero koox daryeel oo shakhsi ahaaneed (gudbin ayaa loo baahan yahay) iyo app-bab iyo barnaamijyo si fudud loo isticmaali karo.
Talaabooyin Fudud oo Nolol Caafimaad Dhaanta ah waxaa weeye barnaamij tobobar onleyn oo loogu talo geley dadka da'o kasta. Waxaad dooran kartaa aaga caafimaad oo aad doonayso inaad diirada saarto, waxaa kamid ah maamulida miisaanka, cunista cuntada caafimaadka qabta iyo yaraynta warwarka.
Si aad u bilawdo, gal websaytka xubinta Aetna si aad u buuxiso qiimaynta caafimaadka.
Duugis, Lafaha & Toobin
Daawaynta toobista iyo lafaha waxaa lagu heli karaa $0 wada bixin. Xadidaad booqasho ayaa jirta. Eeg qorshaha faahfaahsan.
Dabiibka duugduugista waxaa lagu heleyaa $15 wada bixin ah ilaa 20 booqasho is ah sanadkii. Eeg qorshaha faahfaahsan.
Adeegyadan waxa ay kaa caawin karaan daawaynta iyo kahortaga damqashada muqaha iyo laalaabatooyinka. Si loo xaqiijiyo in bixiyahaagu u aqbalay caymiska marka la qabanayo balanta.
Daawaynta dabiiciga ah
Booqashooyinka Naturopathy: $0 khidmada adeegga ceymiska.
Naturopathy waxay isticmaashaa dawooyin dabiici ah sida nafaqada, iyo isbedelada qaab nololeedka si loo taageero caafimaadkaaga.
Daaweynta Jirka
Dabiibka jidhka waxaa lagu heli karaa $15 khidmada adeegga ceymiska.
Xadidaad booqasho ayaa jirta oo gudbin ayaa loo baahan yahay. Eeg qorshaha faahfaahsan.
Dabiibka jidhka waxa uu kaa caawin karaa inaad kasoo kabato dhaawaca, maamulida danqashada, iyo hormarinta dhaqdhaqaaqa. Si aad u hehso dhakhtark jidh, lahadal 1-855-736-9469 ama waxa aad gashaa Daaqadaada Xubinta Aetna si aad uga dalbato gudbin dhakhtarkaaga kowaad oo aad u hesho dhakhtar dabiibka jidhka oo ku jira dalada.
Waxa aad sidoo kale la geli kartaa Hinge Health, app-ka dabiibka jidhka oo si bilaash lagu heli karo. Barnaamijku wuxuu ku siinayaa dhammaan qalabka aad u baahan tahay si aad xanuunka nafis uga hesho adigoo gurigaaga raaxo ku jooga. Maanta isdiwaangali si aad u hesho koox daryeel oo aad u hesho barnaamij jimicsi iyo iskala bixinta adiga kuu gaar ah.
Looma baahna u gudbinta Hinge Health.
Caafimaadka Taranka Dumarka
Booqashooyinka Caafimaadka Taranka $0/$15 Khidmada Adeegga Ceymiska booqashadii.
Booqashooyinka kahortagu waa $0/ Khidmada Adeegga Ceymiska. Xadiyada kale ee khidmadaha adeega ceymiska waxay ku yaalaan koodhka xanuunka.
Dhalmo baajiye ayaa lagu helayaa $0 khidmada adeegga ceymiska*.
$0 khidmada adeegga ceymiska dawooyinka ay ansixisay FDA iyo dawooyinka aan la qorin, aaladaha iyo agabka.
Adeegyada Iska Xaadhitaanka Uurka** waa $0 wadaaga kharashka
ee ka ku jira iyo ka baxsan dalada, habdhismeedka bukaan jiifka iyo bukaan socodka iyo sidoo kale dawooyinka.
Hey Jane
waxaa weeye xarun caafimaad oo maqal iyo muuqaal ah oo bixiya daryeel caafimaad oo amaan ah oo jaban oo haboon oo taranka & jinsiga ah. Waxa aad heli kartaa kiniinka uurka la iskaga soo xaadho, lagu daweeyo caabuqa xubinta taranka iyo uur baajiyaha oo boosta laguugu soo diro.
*Haddii aad u shaqeyso hay'ad diimeed ceymiskaaga caafimaadka waxaa ka reeban ceyminta ka hortagga uurka sida lagu oggolaaday ee ku xusan ka reebitaanka diimeed ee Affordable Care Act (Sharciga Daryeelka Caafimaad ee La Awoodi Karo). Sikastaba, waxaad midan si bilaash ah kaga heleysaa (adiga oo walibana wax ficil ah sameynin) Kaiser Permanente, inta aad ka diiwaangashan tahay ceymid caafimaad.
**Xubnaha Aetna ee u baahan daryeelka uur iska soo xaadhitaanka ama madhalaysnimada oo degan gobol adeegyada sidan ah aan lagu bixin waxa uu qaban karaa goob kale oo lagu bixiyo adeegyadan oo ay sharci ka yihiin. Gunooyinka socdaalka iyo hudheelka ayaa la bixin doonaa si loo taageero doonashada adeegyadan. Si aad u hesho caymiska caafimaadka taleefanka ee ilmo iska soo xaadhka, xubintu waa inay ku jirtaa caymiska oo sida ay dhigayso siyaasada xarunta caafimaadka Aetna, xubintu waxay kaliya heli kartaa caafimaadka kasoo xaadhitaanka ilmaha ilaa 10 todobaad uurka ah.
Daryeel Ku Habboon Jinsiga uu Qofka Doorto
Aetna waxay bixisaa daryeel loo dhan yahay, daryeel ku habboon jinsiga uu qofka doorto iyada oo ah amaan, oo leh deegaan taageero. Adeegyada qaad dabiibka hormoonada, taageerada caafimaadka dhimirka, nidaamka qaliinka iyo wax kale oo badan.
Caymiska La Balaadhiyay
Aetna waxaa weeye caymiska kowaad ee caafimaad, laakiin caymiska daryeelka caafimaadka sidoo kale waxaa kamid ah gunooyinkan dheeraadka ah:
Dookha Caymiska Ilkaha
Waxaad ka dooran kartaa laba qorshe ceymis oo ilkaha ah oo aadna go'aan ka gaari kara midka adiga kugu fiican. Labada ikhtiyaarba waxa ka mid ah baaritaanada joogtada ah, faa'iidooyinka ilko iyo daan qurxinta iyo shabakadaha adeeg bixiyayaal ee ballaaran.
Isticmaal shaxda si aad isu barbardhigto qorshayaasha oo aad dib ugu eegto kharashka aad ka bixiso jeebkaaga ee suurtogalka ah ee adeegyada caadiga ah ee guudmarka qorshaha.
Dheefta Ugu Badan Sanadka | $5,000 | Waxbo |
Lacagta la jaro | $0 | $0 |
Baaritaanada Joogtada ah | Waxaa Loo Dabaraa Si Dhameystiran | Waxaa Loo Dabaraa Si Dhameystiran |
Dheefaha Qurxinta Ilkaha | Haa | Haa |
Bixiyeyaasha ah Shirkada Ceymiska | Delta Dental waxa ay leedahay shabakad ceymis oo balaadhan oo bixiyayaal ah, oo ay ku jiraan goobaha miyiga ah. Waxaad u baahan doontaa inaad hesho dhakhtarka ilkaha ee Delta Dental PPO si aad u kordhiso dheefahaada. | Willamette Dental waxay goobo badan oo haboon ku leedahay galbeedka Washington, taasoo kuu sahlaysa inaad hesho dhakhtarka ilkaha ee Willamette haddii aad ku nooshahay hareeraha wadada I-5 corridor. |
Hel Dhakhtarka Ilkaha ee Kuu Dhaw | 1-800-554-1907 DeltaDentalWA.com | 1-855-433-6825 willamettedental.com |
Dheefaha Maqalka
Dhamayasiga EPIC, adiga iyo carruurtaada ayaa tashado baaritaanka maqalka ee sanadlaha ah oo bilaash ah oo lahala tashanayo bixiyae ku jira dalada ilaa $3,000 oo ah qalabka maqalka eoo leh kordhin damaanad 36 bilood walba oo kasta.
Daryeelka Guriga Qoyska, Taranka & Badhtamaha Nolosha
Ku hel dheefo marxalad kasta oo nolosha ah, laga bilaabo tarmida iyo qoys-dhisida ilaa uur qaadida, dhalmada ka dib iyo xilliga caado joogsiga. U hel caymis daaweynti ugu dambeeyse, taageero shakhsiyadeed oo ka timid u-doodayaasha Daryeelka Bukaanka ee loogu talagalay (PCAs) iyo qof ahaan ama daryeelka fogaan aragga. Haddana waxaad heli kartaa illaa $15,000 kharashaadka la xiriira korsashada (faa'idada nolosha oo dhan).
Qorshaha Faahfaahsan ee Aetna
Arag faahfaahin buuxda oo ku saabsan qorshahaaga caafimaadka iyo ilkaha, oo ay ku jiraan kharashyada jeebka ka baxsan, faa'iidooyinka, iyo caymiska dawooyinka, booqashooyinka iyo daawaynta.
Liiska Eegitaanka Arjiga
Waxa aad qabataa tilmaamaha nidaamka arjiga si loo wanaajiyo. Waxa uu ku dul marin doonaa talaabo kasta-laga bilaabo barashada gunooyinkaaga ilaa gudbinta arjigaaga iyo wax kale oo badan.
Erayada Caamka ah
Baro qeexitaanada erayada caamka ah si ay kaaga caawiso inaad wanaagsan ugu fahanto gunooyinka ceymiskaaga.
Illaha iyo Taageerada
Adeega Macmiilka Dheefaha Caafimaadka
Caawin u hel su'aalaha ku saabsan caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan.
Adeegga macaamiisha wuxuu diyaar yahay Isniin-Jimce, 8 subaxnimo illaa 6 fiidnimo.
1-877-606-6705
taageerada luuqada ee la heli karo.
Live Chat Support
Gal Xisaabtaada Gunada Caafimaadka si aad ula sheekeysato taageerada.
SEIU775BG-caregiver@magnacare.com
Lama xidhiidh kartid miyaa adeega macmiilka saacadaha shaqada?
Iimayl dir oo hel jawaab 2 maalmood oo shaqo gudahood.
Aetna
Adeegyada Xubnaha:
1-855-736-9469
Adeegyada Caafimaadka Dhimirka
1-800-424-4047
Khadka Kalkaaliyaha 24-saac
1-800-556-1555
Hel PCP-ga Saxda ah
1-888-982-3862
Caawimada Dhinaca Luuqadda ee Xubinka
1-855-736-9469
myseiu.be/aetna-language
Ilkaha
Delta Dental
1-800-554-1907
deltadentalwa.com
Willamette Dental
1-855-433-6825
myseiu.be/willamette
Dheefaha Kale
Maqalka EPIC
1-866-956-5400
myseiu.be/epic
Progyny (Taranka iyo Qoys-dhisida)
1-877-363-5638
myseiu.be/progyny
Taageerada Luuqadda
La xidhiidh Adeega Macmiilka Dheefaha Caafimaadka oo waxay kugu xidhi doonaan ruux aad kula hadasho luuqadaada oo kaa caawin kara inaad dalbato oo aad maamusho gunooyinkaaga.
Kadib marka aad ku biirto, taageerada luuqada waxaa laga heleyaa adeegyada xubinta Aetna.
Akoonka Dheefaha Caafimaadka
- Ka eeg u-qalmitaankaada dheefaha caafimaadka.
- Codso ama maamulaha caymiska daryeelka caafimaadka.
- Hel taageerada wadahadalka tooska ah.
- Marin u hel dukumiintiyada & foomamka qorshaha ceymiska.
Taageerada Dheefaha Caafimaadka
Caawin u hel caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan adigoo booqanaya ama ka wacaya Adeegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705.
Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)
Haddii aad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishiiba, Ilmahaaga waxay helayaan dhammaan dheefooyinka wanaagsan ee aad hesho, oo ay ku jiraan fayo-qabka dareenka, qurxinta Ilkaha, booqashooyinka fayo-qabka iyo wax kale oo badan.
Xaq U Yeelashada Caymiska Daryeelka Caafimaad
Baro sida xaq loogu yeesho caymiska daryeelka caafimaadka ee adiga ama carruurtaada iyo sida saacadaha aad shaqeyso u saameeyaan caymiskaaga.
Erayada Guud ee Caymiska Daryeelka Caafimaadka
Baro qeexitaanada erayada guud ee ceymiska si aad si wanaagsan ugu fahanto ceymiskaaga.