Taageerada Waxbarashada
Kheyraadka Waxbarashada iyo Taageerada Daryeel Bixiyaha
Hoos waxaa ku qoran qaar kamid ah su'aalaha ugu badan ee la iska weydiiyo Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC). Haddii aadan heli karin jawaabta aad raadinayso, ogoow inaad la soo xidhiidhi karto MRC.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
1-866-371-3200
Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan shahaado siinta ama ma u baahan tahay taageero?
Waxaad kala xidhiidhi kartaa Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) taleefanka ama iimaylka, cinwaanka mrc@myseiubenefits.org.
Isniin ilaa Jimce 8 a.m. ilaa 4:30 p.m. Pacific Time. Xiritaannada Xilliyada Fasaxa
Waxaad ku heli kartaa caawimo Ingiriisi, Ruush, Isbaanish, Cantonese, Fiyatnaamiis iyo Kuuriyaan, iyadoo taageero kale loo heli karo luqado dheeraad ah.
Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Haddii aad tahay daryeel bixiye sameynaya Tababarka Aasaasiga ah oo isku diyaarinaya inuu noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) shahaado haysta, waxaad hagis iyo taageero ka heli kartaa Waaniyeyaasha Asaagaa.Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.
Taageerada Ardeyda Naafada Ah
Ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan oo ay helaan baahi-tir macquul ah si ay u helaan dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha Training Partnership.
Qaynuunada Waxbarashada
Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.
Su'aalaha Ugu Badan
Hoos waxaa ku qoran qaar kamid ah su'aalaha ugu badan ee la iska weydiiyo xarunteena Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC).
Tabbabar
Wax badan ka ogoow tababarka lagaaga baahan yahay nooca bixiyaha ahaan.
Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed: Fadlan la xidhiidh Consumer Direct Care Network Washington (CDWA) si aad u xaqiijiso inaad haysato taariikhda saxda ah.
Adeeg Bixiyeyaasha Hay'ada: Fadlan la xidhiidha loo-shaqeeyihiina.
Loo-shaqeeyahaaga ayaa ka jawaabi kara su'aalaha ku saabsan lacag ku helidda wakhtiga tabbabarka. SEIU 775 Benefits Group kama jawaabi karto su'aalaha ku saabsan mushaharka.
Waxaad arki kartaa koorsooyin walbo oo aad bogtay adigoo tagaya My Training Activity (Hawsha Tabbabarkayga) oo ku jirta Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) ee My Benefits (Dheefaheyga). Waxaad sidoo kale kala soo degi kartaa shahaadaada koorsada ee rasmiga ah halkan si aad meel u dhigato.
Uma baahnid inaad u soo gudbiso shahaadooyinka dhammaystirka koorsada loo-shaqeeyahaaga si aad dhibco ugu hesho tababarkaaga. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu heli doonaa diiwaano cusub oo ku saabsan dhammaystirka koorsadaada 5 maalmood oo shaqo gudahood.
Haddii uu fasal ku seegay, gal My Benefits (Dheefaheyga) oo tag Hagaha Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) si aad uga doorato noocyada soo socda oo aad u gudo fasalka u ogaato.
Booqo Hagaha Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) si aad wax badan u barato.
Warqada natiijooyinka ee rasmi ah waxaa ku jiro diiwaanada tabbabarada aad u qalanto ee ku aadan shahaada siintaada. Tani waa diiwaan rasmi ah oo la mid ah warqada natiijooyinka ee kuleejka.
Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed (IP): iimayl transcripts@myseiubenefits.org.
Adeeg bixiyaha Hay'ada (AP): la xidhiidh loo-shaqeeyahaaga si aad u codsato warqada natiijooyinka ee rasmi ah.
Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
Wixii su'aalo ah ee ku saabsan gelidda, iska diiwaangelinta tabbabarka iyo ku dhameystirida koorsooyinka onleen ahaan booqo Hagaha Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha).
Shahaada Siinta Caawiyaha Daryeelka Guriga (HCA)
Wax badan ka ogoow noqoshada HCA iyo Imtixaanka Prometrics.
Codsiga iyo Shahaado Siinta
Waaxda Caafimaadka: hmccreview@doh.wa.gov | 360-236-2700
Imtixaanka Kaaliyaha Daryeelka Guriga
Prometric: wahca@prometric.com | 1-800-324-4689
Noqoshada HCA Mushahar Qaata oo Shahaado Haysta
Shaqaalaha daryeelka Muddada Dheer ee Department of Social and Health Services (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka, DSHS) Hogaamiyeyaasha ayaa kaa caawin kara geedi-socodka noqoshada HCA mushar qaato oo shahaado haysta.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) way xiran tahay maalmahan fasaxa ee soo socda:
Maalinta Koowaad ee Sannadka Cusub
Maalinta Martin Luther King Jr.
Memorial Day (Xuska Ciidamada Maraynkan ee Geeriyooday)
Juneteenth observed (Maalinta Dhamaadka Addoonsiga)
Maalinta Xorriyada
Maalinta Shaqaalaha
Veterans Day (Maalinta Halyeeyada Ciidanka)
Maalinta Mahadnaqa
Kirismaska 12/25 – 12/29