Resource
Finder
Awood u yeelo inaad hesho khayraadka iyo taageerada ee loogu talagalay fayo-qabkaaga shaqsiyadeed.
Haddii adiga ama xubnaha qoyskaaga aad caawin u baahan tihiin, sida caawinta baahiyaha aasaasiga ah, kheyraadka dareenka shucuurta ama kaalmo sharci, waa jira dhawr nooc oo bilaasha ah, qiimo jaban oo aad heli karto.
Khadka Taleefanka 24/7 ah
Dhammaan khadadka taleefanka ee hoose waxaa lagu heli karaa Ingiriisi iyo Isbaanish, iyadoo lagu heli karo kaalmo luqadeed in ka badan 150 luqadood. Waa kuu bilaash inaad wacato adeegyadan 24 saacadood maalinti, maalin kasta toddobaadki.
Wixii xaaladaha gargaarka degdega ah wac 911.
Wac 988, ee 988 Suicide & Crisis Lifeline (988 Shabakadda Is-dilka & Masiibada), oo horay loo yaqiinay Shabakadda Ka hortaga Is-dilka ee Qaranka.
Khadkaan teleefanka wuxuu taageero bilaash ah oo qarsoodi ah siiyaa dadka leh dareenka niyad-jabka kaas oo laga helo la-taliyaal tabbabaran, iyo sidoo kale tilmaamo ku saabsan sida loo caawiyo dadka noloshaada qaybta ka ah ee dhibaataysan.
Wac 211 ama booqo 211.org ama caawinta noolasha shaqsiyeed ee muhiimka ah, si aad u hesho adeegyada sida cuntada, guryaha, tilmaamaha maaliyadeed, qabatinka, rabshadaha qoyska, waxbarashada ama shaqada, fayo-qabka dareenka iyo in ka badan.
Washington Recovery Help Line (Khadka Taleefonka Soo Kabsashada ee Washington): 1-866-789-1511.
Wac si lagaaga caawiyo walaacyada caafimaadka dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha.
National Domestic Violence Hotline (Qadka Taleefoonka Tooska ah ee Rabshadaha Guryaha ee Qaranka): 1-800-799-7233.
Wac haddii adiga ama qof aad taqaano uu la kulmay rabshadaha guryaha. Waxaad sidoo kale qoraalka “start” u diri kartaa 88788.
Dhigaalada Is-Daryeelidda iyo Caafimaadka Dareenka
Daryeel-bixiyayaashu waxay inta badan hormariyaan baahiyaha macaamiishooda, laakiin waa muhiim inaad sidoo kale daryeesho naftaada. Waxaa jira dheefo badan oo loogu talagalay daryeel-bixiyeyaasha kuwaas oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada walbahaarka, walaaca iyo niyad-jabka. Dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxay awood u leeyihiin inay helaan:
- Headspace Care*: App awood kuu siinaysa inaad hesho gacan qabashada caafimaadka shucuureed, daawayn, khilaawaha la hago, jimicsiyada maan ku fikirka leh iyo kheyraadka shaqada/nolasha.
- Qalabka Is-Dejinta: Koorsada waxbarashadda dadka wawayn ee 6 dhibcood leh oo lagu barto hababka la taaban karo ee maan ku fikirka looga qayb dhigo noloshadaada.
Daryeel bixiyeyaasha ka diiwaangashan qorshaha caymiska caafimaadka ee SEIU 775 Benefits Group, caymiskaaga daryeelka caafimaadka waxaa ku jira la-talin fool-ka-fool ah iyo la-talin fogaan arag ah, maareynta daawada iyo macluumaadka onlaynka.
Kheyraad Onleen Ah
Haddii aad ku nooshahay Degmada King, hel gudbin (adeegyada turjumaada ayaa la heli karaa):
- King County Bar Association Lawyer Referral Service (Adeegga Gudbinta Qareenka ee King County Bar Association): 1-206-267-7010.
Adeeg gudbin oo lagu helo taageero sharci oo bilaash ah ama qiimo-jaban.
Hel dhigaalo sharci oo bilaash ah oo gobalka oo dhan ah:
- Washington LawHelp.
Dhigaalo loogu talagalay taageero sharci oo bilaash ah. - Diiwaanka Washington State Bar Associations.
Diiwaanka ururada qareenada ee gobolka ee loo hagaajiyay degmo ahaan, kuwaas oo badankood leh adeegyada gudbinta qareenka oo bilaashka ah. - Northwest Justice Project.
Caawimada sharci ee bilaashka ah ee baahiyaha aadanaha sida guryaha, bad-qabka qoyska, amniga dakhliga, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.
Therapy for Black Girls: Saamaynta uu Leeyahay Dhaawaca Jinsiyadeed. (Ingiriis): Dhakhtarka cilmi-nafsiga aqoonsiga leh Dr. Candice Nicole Hargons ayaa ka hadlaysa shaqadii ay qabatay iyo mida ay hadda sii waddo in ay ku awood siiso dadka Madowga ah agab ay kaga hortagaan dhaawaca jinsiyadeed.
Project Lotus (Ingiriisi): Bulsho onleenka ka dhisan oo awoodsiisa Aasiyaanka Ameerikaanka ah si ay wax uga qabtaan oo ay uga hadlaan fayo-qabkooda dareenka iyada oo aysan jirin dhaleeceyn.
Black Emotional and Mental Health Collective (Ingiriisi): Hay’ad qaran oo la dagaallanta caqabadaha jinsiyadda ee daryeelka caafimaadka dareenka iyada oo adeegsanaysa tababaro iyo barnaamijyo waxbarasho.
Washington State Department of Social and Health Services (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka ee Gobolka Washington): Awood u yeelo inaad hesho kaararka cuntada, guriyaynta iyo kaalmada carruurta, caafimaadka shucuurta, iyo adeegyda qabatinka iyo wax kale oo badan.
Feeding America: Ka hel cunto iyo alaab bilaash ah deegaankaaga. Booqo websaydhka Feeding America si aad u hesho goobaha gargaarka cuntada.
Find Your Words (Ingiriisi iyo Isbaanish): Dhigaalo onleen ah oo kaa caawiya inaad si fiican u daryeesho naftaada, inaad caawiso dadka kale ee ku jira xaaladaha adag, inaad kaalmo dalbato iyo sida loogala hadlo carruurtaada fayo-qabkooda dareen.
Emotional Support Human (Taageerada Dareen ee Bini’aadanimo): Dhigaalo lagu helo taageero oo lagu taageero dadka kale ee la kulmaya caqabadaha fayo-qabka dareenka.
American Red Cross Resources for Emotional Support and Grief Counseling (Dhigaalada Laanqayrta Cas ee Maraykanka ee Taageerada Dareenka iyo La-talinta Murugada) (Ingiriisi iyo Isbaanish): Dhigaalada iyo kooxaha taageerada ee kuu dhaw ee bixiya taageerada iyo la-talinta dareenka ee murugada iyo tacsida.
A Self-care Guide for Professional Caregivers (Hagaha Is-daryeelidda ee Daryeel Bixiyeyaasha Xirfada Leh): Talooyin iyo dhigaalo lagaga caawiyo daryeel bixiyeyaasha inay ku dhaqmaan is-daryeelidda.
ational Institutes of Health Emotional Health Toolkit (Sanduuqa Caafimaadka Dareenka ee Machadyada Caafimaadka Qaranka) (Ingiriisi iyo Isbaanish): Maqaallo iyo talooyin aad ku daryeesho fayo-qabkaaga dareenka, oo ay ku jiraan walbahaarka, miyir-qabka, wax ka qabashada dareenka iyo la qabsashada tacsida.
National Alliance on Mental Illness (NAMI) (Isbaheysiga Qaranka ee Jirada Maskaxda): NAMI waxay bixisaa kooxaha taageerada ee la xaadiro iyo kuwa fogaan-aragga ah si lguugu xidho dadka kale ee waawayn ee ee la dhibaatoonaya xaaladaha caafimaadka maskaxda, iyo sidoo kale kheyraad onleen ah oo bilaash ah. Find a Support Group (Hel Koox Taageero) adigoo u maraya kooxaha deegaankaaga.