Is-daryeelidda Daryeel Bixiyeyaasha
Caafimaadka shucuurtaada wuxuu muhiim u yahay si la mid ah caafimaadkaaga jidhka.
Daryeel-bixiyayaashu waxay inta badan hormariyaan baahiyaha macaamiishooda, laakiin waa muhiim inaad sidoo kale daryeesho naftaada. Waxaa jira dheefo badan oo bilaash ah iyo kuwo ku kaca kharash jaban oo loogu talagalay daryeel-bixiyeyaasha kuwaas oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada walaaca iyo niyad-jabka.
U bood:
Headspace Care
App-ka Gacan Qabashada Caafimaadka Shucuureed.
Ku xidho tababare khabiirka ah adigoo adeegsanaya App-ka Headspace Care si aad u hesho talo iyo hagitaan ku saabsan dhimista walbahaarka, la socodka yoolasha nolosha iyo jimicsiga iyo helida dhiirigelin – dhammaan iyada oo loo marayo fariin-diritaano qoraal ah oo sugan.
Ilmaha kugu tiirsan ayaa sidoo kale ku helaysaa Daryeelka Headspace Care lacag la'aan.
Qalabka loogu talagalay Xassiloonida
Koorsada waxbarashadda dadka wawayn.
Baro siyaabo aad uga gudbi karto walbahaarka iyo caqabadaha kale ee nolosha adigoo la baranaayo daryeelayaasha kale. Kaliya 1 saac toddobaadkiiba 6 todobaad, gal casharka ku baxaya muuqaalka tooska ah ee uu hogaamiyo macalin oona qaad tillaabooyin aad ku wanaajineyso fayoobi-qabidaada adigoo adeegsanaya farsamooyinka maan ku fekerka leh.
Calm
App-ka maan ku fekerka, khilaawada iyo hurdada.
App-ka Calm ee loogu talagalay miyir-qabka iyo si qotoda-dheer jawi u qaadashada ayaa kugu xiraysaa jawi qaadashada qotoda-dheer ee la hago, laylisyo aasaasi ah, sheekooyin hurdo iyo qalabyo badan oo diiradda saaraya inay kaa caawiyaan inaad nasato oo aadna soo kabsato. Haddii aad rabto in aad si fiican u seexato, aad rabto inaad dareento nasasho badan ama aad wanaajiso wax diirad saarka iyo wax soo saarkaaga, Calm ayaa wax kuu haysa.
Calm waa u bilaash daryeel bixiyayaasha leh caynsanaanta Kaiser Permanente.
Resource Finder
Haddii adiga ama xubnaha qoyskaaga aad caawin u baahan tihiin, sida caawinta baahiyaha aasaasiga ah, kheyraadka dareenka shucuurta ama kaalmo sharci, waa jira dhawr nooc oo bilaasha ah, qiimo jaban oo aad heli karto.
Taageerada Xirfadlaha
Waxaad haysataa ikhtiyaaro badan oo wanaagsan oo laga heli karo caymiskaaga caafimaadka, oo ay ku jiraan la-talin fool-ka-fool ah iyo la-talin fogaan arag ah, maareynta daawada iyo macluumaadka onlaynka.
Faahfaahin dib uga eeg qoraalka kooban ee qorshahaaga.
Adigoo isticmaalaya caymiska Kaiser Permanente, waxaad helaysaa:
- App-yada Caafimaadka Shucuureed iyo Is-daryeelka: Marin u hel app-ka Calm si aad u hesho hurdo wanaagsan iyo qaadashada jawi wanaagsan, iyo MyStrength si aad u hesho taageerada caafimaadka shucuureed ee gaarka ah.
- Tabbabarka Fayoqabka: La saaxiib tababare fayoobi-qabitaaneed kaas oo kaa caawin kara dhimista walaaca, dejisashada yoolalka caafimaadka oo kadibna arag natiijooyinka.
- Taageerada Taleefonka: Caawintu waxay uun kuu jirtaa hal telefoon wicitaan oo keliya, haddii aad raadinayso gargaar degdeg ah, daryeelka caafimaadka maskaxda ee takhasus u baahan ama ka soo kabashada balwadda.
Wax badan ka Ogoow dheefahaaga Kaiser Permanente:
Kaiser Permanente of Washington (KPWA)
Kaiser Permanente Northwest (KPNW)
Adigoo adeegsanaya caymiska Aetna, waxaad helaysaa:
- Alma: Ka hel la-talin waji-ka-waji ah ama mid fogaan arag ah dabiibayaal tababaran. Adigoo adeegsanaya Alma, waxaad si degdeg ah u heli kartaa bixiye ku habboon daboolida baahiyahaaga, aqoonsigaaga iyo luqaddaada.
- Headway: Ka raadso bixiye ka caawin kara mawduucyada laga bilaabo walaaca ilaa caqabadaha qoyska ilaa la'aanta dhiirigelin, iyo sidoo kale doorbiditaanada ku aadan luqadda iyo aqoonsiga
- AbleTo: Ka hel taageero iyo tababar caafimaad barnaamij 8-todobaad soconaya oo la gaar yeelay oo ay hogaaminayaan kooxdaada daryeelka si aad u dhinto niyad-jabka, walbahaarka iyo welwelka.
Wax badan ka baro dheefahaaga Aetna.
Waxaan awood u yeeshay inaan isticmaalo app-ka caafimaadka dhimirka. Taasi waxay dhabtii iga caawisay oo ay iga taageertay inaan ka bogsado murugadi iyo niyad-jabki aan ku sugnaa. Wax wayn ayay ii tartay.


