Hel Kaalmo Luuqadeed
Koorsoyin sida dhamaystiran loo turjumay waxay awood kuu siinayaan inaad hesho khibrado waxbarasho oo tayo sare leh.
Xitaa haddii aad si fiican ugu hadasho Ingiriisiga ama aad rabto inaad barato Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku habboonaan karta inay kuu diyaariso inaad guulaysato oo aad si dhakhso leh ugu shaqeyso daryeel bixiye ahaan.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) ayaa kaa caawin karta:
-
Inaad ku hesho koorsooyinka kuu dhaw luuqadda aad jeceshahay.
-
Ka baddel doorbiditaanka luuqaddaada Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha).
-
Wax badan ka ogoow noocyada taageerada luqaddaada.
Shaqa Barista iyo Badqabka waxaa lagu heli karaa luuqadahaan:
- Amxaar
- Carabi
- Cantonese
- Khmer
- Kuuriyaan
- Nepali
- Punjabi
- Ruush
- Somali
- Isbaanish
- Tagalog
- Tigree
- Ukrainian
- Fiyatnaamiis
Koorsooyinka Tababarka Aasaasiga Ah oo si dhamaystiran loo fasiray ayaa lagu heli karaa luuqadahaan:
- Ingiriis
- Carabi
- Amxaar
- Chinese
- Khmer
- Kuuriyaan
- Ruush
- Isbaanish
- Yukreeniyaan
- Fiyatnaamiis
Hubi nooca Tabbabarka Aasaasiga ah ee lagaaga baahan yahay inaad dhamaystirto si aad u aragto noocyada luuqadaha ee la heli karo.
Waxaad la xidhiidhi kartaa Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) si aad u codsato turjubaan xirfadle oo bilaash ah, koorsooyinka Tabbabarka Aasaasiga ah ee la xaadiro oo ku baxa luuqadda aad rabto oo laga heli karo meel 50 mayl u jirta aaggaaga. Adiga misa loo-shaqeeyahaaga waa inuu diro codsiga turjubaanka 3-4 toddobaad ka hor taariikhda uu bilaabanayo Tabbabarkaaga Aasaasiga Ah.
Haddii aad samaynayso koorsada Tabbabarka Aasaasiga ah oo Ingiriis ah oo leh turjubaan, agabyada koorsada oo la turjuma ayaa lagu bixin karaa:
- Nepali
- Samoan
- Tagalog
- Ukrainian
- Laotian
- Farsi
- Punjabi
Koorsooyinka CE qaarkood waxaa lagu bixin karaa luuqada aad doorbideyso. Waxaad wici kartaa MRC si aad u hesho oo aad iskuugu diiwaangeliso koorsooyinkan. Waxaad sidoo kale heli kartaa 2 nooc oo turjubaan ah.
- Turjubaanka Xirfada Leh: Haddii aysan jirin fasalada qof ahaanta loo xaadiro ama aqoon kororsiyo onleen ah oo lagu heli karo luuqadda aad doorbideyso, la xidhiidh MRC si aad u codsato turjubaan xirfadle oo bilaash ah.
- Turjubaanka Bulshada: Turjumaanka bulshada waa saaxiib ama qaraabo ka wayn da’da 18 oo aanan ahayn macmiilkaaga. Waxaad u isticmaali kartaa turjubaanka bulshada aqoon kororsiyada onleenka ah* iyo koorsooyinkaa onleenka ah.
Aqoon kororsiyada onleenka ah, waa inaad la xidhiidho MRC si aad u ogaysiiso inuu jiro turjubaanka bulshada oo ku caawin doona inta lagu jiro koorsada. Waxaad mas’uul ka tahay inaad u sheegto turjubaanka xilliga fasalka la qaban doono.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Haddii aad tahay daryeel bixiye sameynaya Tababarka Aasaasiga ah oo isku diyaarinaya inuu noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) shahaado haysta, waxaad hagis iyo taageero ka heli kartaa Waaniyeyaasha Asaagaa.Taageerada Ardeyda Naafada Ah
Ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan oo ay helaan baahi-tir macquul ah si ay u helaan dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha Training Partnership.
Qaynuunada Waxbarashada
Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.