Ikhtiyaarada Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)

Waxa aad dooran kartaa inaad ku darto caymiska Caafimaadka iyo Ilkaha ee kaliya caruurta aad ka masuulka tahay.

Hadii caymiskaagu yahay 1 ilme ama 4 kharashku waa isku mid! Waxa aad bixinaysaa $25 caymiskaaga* sidoo kale $100 ama $10 oo dheeraad ah ilmo kasta oo dheeraad ah.

*Caymis dheeraad ah ayaa loogu baahan yahay in lagu daro Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). 

Caymiska Shaqsi ahaaneed:
+ Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)
Caafimaadka iyo Ilkaha

$125/bishiiba.

Kharashka Wada Bixinta Billaha

Ku hel caymiska caafimaadka iyo ilkaha naftaada, oo lagu daray carruurtaada, kaliya $125 bishii.

Caymiska Shaqsi ahaaneed:
+ Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)
Kaliya Ilkaha

$35/bishiiba.

Kharashka Wada Bixinta Billaha

Ku hel caymiska caafimaadka iyo ilkaha naftaada, oo lagu daro caymiska ilkaha ee carruurtaada, oo keliya $35 bishii.

Xaq u yeelashada

Waa inaad shaqeysaa 120 saacadood oo mushaar ah ama ka badan bishii si aad ugu qalanto Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). 
Waxaad ku dari kartaa carruurta xaqa u leh ilaa iyo taariikhdooda dhalashada ee 26aad—waxaa kamid ah caruurta la dhalay, la korsaday, aayada loo yahay iyo caruurta lamaanaha la wada nool yahay.

Marka aad heysato caymis, waa in aad sameysaa sidan soo socota si aad u ilaaliso daryeelka caafimaadka oo joogto ah. 

1. Shaqee saacadaha lagaaga baahan yahay.

  • Waa inaad shaqeysaa 120 saacadood oo mushaar ah ama ka badan bil kasta si aad u sii haysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) (caymiska ku tiirsanaanta).
  • Haddii saacadahaagu ay ka hooseeyaan 120, laakiin ay ka sarreeyaan 80, waxaad lumin doontaa Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) laakiin waxaad sii haysan doontaa caymiskaaga.

2. Ku soo wargeli saacadahaaga waqtigooda.

  • Waxaad lumineysaa caymiska haddii aad seegto waqtigii loogu talagalin inaad soo sheegto saacadaha shaqadaada.
  • Waa inaad u soo gudbisaa saacadaha dambe ama hagaajinta loo-shaqeeyahaaga 60 maalmood gudahooda ee bisha aad shaqeeyse.

3. Bixi qaybtaada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah oo buuxda.

Codsasho

  1. Buuxi arjiga oo buuxi qaybta Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha).
  2. Dooro ikhtiyaarka caymiska cida laga masuulka yahay, caafimaad iyo ilkaha ama ilkaha kaliya.
  3. Gubdi Xaqiijintaada Cida Aad ka Masuulka Tahay.

Habka ugu fudud ee loo codsado ama wax looga baddelo caymiska waa onleyn.
Wax badanka oggow sida loo geli karo Akoonkaaga Gunooyinka Caafimaadka.

Haddii aad hesho Codsiga Manfacyada Caafimaadka, waxaad boostada ama fakis ahaan ugu diri kartaa codsiga oo dhammeystiran cinwaanka ama lambarka fakiska ee ku qoran codsiga. Khidmada boostada Mareykanka ayaa la iska rabaa.

Waxaad ku heli doonta rasiidka codsiga iimayl ahaan ama koontadaada manfacyada caafimaadka 1 maalin gudaheed iyo go'aanka caymiska warqad ama iimayl ahaan 30 maalmood gudahood. Haddii kale, wac 1-877-606-6705.

FAQ (Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo)

Waxaa jira 3 jeer oo aad codsan karto caymiska:

1. U qalmitaanka Hore: 60 maalmood gudaheed laga billaabo taariikhda laga bilaabo qalabkaaga diiwaangelinta ee cusub ee u qalma. U-qalmitaanka hore waa marka ugu horreysa ee aad xaq u yeelato

2. Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka): Luulyo 1-20 sanad walba.
Haddii aad horey isu diiwaan gelisay caymiskaaga si toos ah ayaa loo cusbooneysiinayaa, wax tallaabo ah looma baahna illaa aad rabto inaad isbeddel sameyso.

3. Dhacdada Nolosha ee u Qalanta (Qualifying Life Event, QLE): 30 maalmood gudahooda ee QLE oo wax ka beddeleysa baahiyahaaga caymiska caafimaadka. Tusaalooyinka QLEs waxaa ka mid ah korsashada ilmo, luminta caymiska kale ee daryeelka caafimaadka ama imaanshaha furriin. 

Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka):
Soo gudbi codsiyada ama isbeddellada ugu dambeyn 20-ka Luulyo si aad u hesho caymiska laga billaabo 1-da Agoosto.

U-qalmitaanka Hore iyo Dhacdooyinka Nolosha ee U qalma:
Daboolidu waxay billaabantaa 1-da bisha ka dib marka codsigaaga la helo oo la farsameeyo, taas oo qaadanaysa qiyaastii 2 toddobaad. Tusaale ahaan, haddii codsigaagii la dhameystiray la helo:

  • Ugu dambeyn Maarso 15, daboolidu waxay billaabanaysaa 1-da Abriil.
  • inta u dhaxaysa Maarso 16 – 31, caymisku waxay billaaban doontaa 1-da Maajo.

 

Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ma billaaban karto illaa ka dib marka la helo xaqiijinta ku tiirsanaantaada oo laga shaqeeyo.

Caruurta waxay ku biiraysaa ila caymiska caafimaadka iyo ilkaha ee aad ku jirto.

Waxay ku wada biiri karaan 1 daryeele oo kaliya. Caymiska wuxuu isku xiri karaa qorsheyaal dibadda ah hadii caruurtu ay leedahay caymis kale. Wixii macluumaad dheeraad ah, wac 1-877-606-6705.

Haddii adiga iyo xaaskaaga/seeygaaga labadiinaba aad caymis ku leedihiin SEIU Healthcare NW Health Benefits Trust, ilmahaaga waxa laga yaabaa in laga diiwaangeliyo oo keliya qorshe ceymis oo uu leeyahay hal waalid.

Caymiska ilmahaaga waxaa la isku dubaridi karaa caymisyada kale ee dibadeed ee daryeelka caafimaadka. Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan wac 1-877-606-6705.

Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan

Waa inaad ula soo gudbisaa waraaqaha Cadaynta Waaxda arjigaaga ama 60 maalmood gudahood marka aad dalbanayso. Caymiskaagu ma bilaabmayo ilaa inta waraaqahaaga la heleyo.

  • Waxaad u baahan tahay inaad soo gudbiso Caddeynaya Qofka Kugu Tiirsan ilmo walbo.*
  • Soo gudbi nuqulada kaliya oo ha soo dirin kuwa rasmiga ah.
  • Ku qor warqad kasta magacyadaada sadexan iyo afarta tiro ugu danbeeya ee lambarkaaga Sooshiyaal Sekuuritiga. 
*Xaqiijinta Ku Tiirsanaanta ayaa loo baahan yahay marka la diiwaangelinayo carruurta markii ugu horreysay. Uma baahnid inaad dib uu u gudbiso, in la codsado mooyee.

Aqbalaada Dukumiintiyada Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan

Si aad ugu biiriso carruurta aad dhashay (caruurta aad adigu dhashay) Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waa inaad soo gudbisaa mid kamid ah waraaqaha ilmo kasta.

  • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysa oo uu ku yaalo liiska magacyada caruurta/ilmaha aad ka masuulka tahay*. Waa in aad qarisaa wixii macluumaad dhaqaale ah (sida lambarka xisaabta, xadiga mushaharka).
  • Nuqulka warqadda dhalashada dawlada ay bixiso oo ay ku qoran yihiin magacaaga ka waalid ahaan.
  • Nuqulka shahaadada isbitaalka oo leh raadka ilmaha. Waa in lagu muujiyo magaca waalidka ee ku jira (ruuxa dalbanaya caymiska).
  • Nuqulka qorshaha waalidnimo ee maxkamada amartay ee ilmaha.
  • Nuqulka Wargelinta Taageerada Caafimaad ee Ilmaha ee Qaran.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.
*Hadii aad ku darto wax ka badan hal ilme, liiska cashuur celintaada oo uu ku qoran yahay dhamaan magacyada, waa inaad kaliya hal mar soo geliso.

Si aad ugu biiriso caruurta xaaskaaga (caruurta aayada loo yahay) Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waa inaad soo gudbisaa mid kamid ah waraaqaha (waraaqaha la isku daray) ilmo kasta.

  • Nuqulka warqadda dhalashada dawlada ay bixiso oo ay ku qoran yihiin Xaaska magaca xaaskaaga iyo mid kamid ah kuwa soo socda:
    • Shahaadada guurka ee dawladu bixiso oo muujinaysa xidhiidhka xaaskaaga.
    • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysay (hadii guurka la wada xareeyay), oo ay ku qoran yihiin magaca xaaskaagu. 
    • Cadaynta wada lahaanshaha (bayaanka daynta guriga, bayaanka guriga, bayaanka kaadhka daynta, heshiiska kirada).
  • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysa oo uu ku yaalo liiska magacyada caruurta/ilmaha aad ka masuulka tahay*. Waa in aad qarisaa wixii macluumaad dhaqaale ah (sida lambarka xisaabta, xadiga mushaharka).
  • Nuqulka qorshaha waalidnimo ee maxkamada amartay ee ilmaha.
  • Nuqulka Wargelinta Taageerada Caafimaad ee Ilmaha ee Qaran.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.
*Hadii aad ku darto wax ka badan hal ilme, liiska cashuur celintaada oo uu ku qoran yahay dhamaan magacyada, waa inaad kaliya hal mar soo geliso.

Si aad ugu darto caruurrta ay dhashay lamaanahaaga guriga Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso warqada dhaarta. Wac 1-877-606-6705 si wixii macluumaad dheeraad ah. 

Waa inaad raacisaa wadarta 2 waraaqadood oo aad ku xoojinayso xidhiidhka lamaanahaaga iyo xadhiidhka uu lamaanahaagu la leeyahay ilmahiisa.

Waraaqaha la ogol yahay ee lagu xoojinayo xidhiidhka lamaanahaaga iyo ilmaha:

  • Shahaadada dhalashada ilmaha oo uu ku qoran yahay magaca ilamaanahaagu.
  • Amarka maxkamada ama qorshaha amarka maxkamada ee waalidka oo lagu magacaabayo lamaanahaaga koriyaha sharciga ah.
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ugu jiraan ilmaha (carruurta) sida qof (dad) kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin sida inuu yahay cunugiisa. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed.
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waraaqaha la ogol yahay ee lagu cadaynayo xidhiidhka lamaanahaaga.

  • Cashuur celinta federalka oo 2 dii sano ee ugu danbaysay ah oo lamaanahaagu ku qoran yahay.
  • Cadaynta wada lahaanshaha ( daynta guriga, bangiga, bayaanka kaadhka daynta, heshiiska kirada).

Si aad ugu biiriso caruurta aad korsato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waa inaad soo gudbisaa mid kamid ah waraaqaha ilmo kasta.

  • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysa oo uu ku yaalo liiska magacyada caruurta/ilmaha aad ka masuulka tahay*. Waa in aad qarisaa wixii macluumaad dhaqaale ah (sida lambarka xisaabta, xadiga mushaharka).
  • Nuqulka shahaadada ama digreetada korsashada ilamaha. Waraaqaha lagugu wareejiyay waa inay ku qoran yihiin magaca ilmaha iyo magaca waalidku.
  • Nuqulka qorshaha waalidnimo ee maxkamada amartay ee ilmaha.
  • Nuqulka Wargelinta Taageerada Caafimaad ee Ilmaha ee Qaran.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.
*Hadii aad ku darto wax ka badan hal ilme, liiska cashuur celintaada oo uu ku qoran yahay dhamaan magacyada, waa inaad kaliya hal mar soo geliso.

Si aad ugu biiriso caruurta ay dalwadu koriso Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waa inaad soo gudbisaa mid kamid ah waraaqaha ilmo kasta.

  • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysa oo uu ku yaalo liiska magacyada caruurta/ilmaha aad ka masuulka tahay*. Waa in aad qarisaa wixii macluumaad dhaqaale ah (sida lambarka xisaabta, xadiga mushaharka).
  • Nuqulka shahaadada cadeeneysa barbaarinta ilmaha iyo dukumiintiyada taageerada joogtada ah ee la taaban karo ee ilmaha.
  • Nuqulka qorshaha waalidnimo ee maxkamada amartay ee ilmaha.
  • Nuqulka Wargelinta Taageerada Caafimaad ee Ilmaha ee Qaran.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.
*Hadii aad ku darto wax ka badan hal ilme, liiska cashuur celintaada oo uu ku qoran yahay dhamaan magacyada, waa inaad kaliya hal mar soo geliso.

Si aad ugu biiriso caruurta ay kaa saaran tahay masuuliyada sharci Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waa inaad soo gudbisaa mid kamid ah waraaqaha ilmo kasta.

  • Nuqulka cashuur celintaada ugu danbaysa oo uu ku yaalo liiska magacyada caruurta/ilmaha aad ka masuulka tahay*. Waa in aad qarisaa wixii macluumaad dhaqaale ah (sida lambarka xisaabta, xadiga mushaharka).
  • Nuqulka waraaqaha ay dawladu bixiso oo muujinaya xaalada masuuliyada sharciga.
  • Nuqulka qorshaha waalidnimo ee maxkamada amartay ee ilmaha.
  • Nuqulka Wargelinta Taageerada Caafimaad ee Ilmaha ee Qaran.
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS).
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.
*Hadii aad ku darto wax ka badan hal ilme, liiska cashuur celintaada oo uu ku qoran yahay dhamaan magacyada, waa inaad kaliya hal mar soo geliso.

Akoonka Dheefaha Caafimaadka

  • Ka eeg u-qalmitaankaada dheefaha caafimaadka.
  • Codso ama maamulaha caymiska daryeelka caafimaadka.
  • Hel taageerada wadahadalka tooska ah.
  • Marin u hel dukumiintiyada & foomamka qorshaha ceymiska.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.