Ku Soo Laabo Daryeel Bixinta
Markaad noqoto daryeele mar labaad, waxaad heli kartaa dhammaan dheefaha wanaagsan ee ay heli karaan daryeel bixiyayaasha gobolka Washington.
U bood:
- (Dooro Qeybta)
Dheefta Hawlgabka
Qorshaha howlgabnimo oo loo-shaqeeyahaaga uu qayb ka bixiyo.
Dheefaha Caafimaadka
Caymiska daryeelka caafimaad oo tayo-sare leh, kharash ahaan la awoodi karo iyo dheefo kale oo wanaagsan.
Dheefaha Waxbarashada
Barashada dheefaha kuu oggolaanaya inaad mushahar hesho adigoo wax baranaya oo kobcinayo xirfadaada shaqo.
Dheefta Shaqa Ku Beegida
Adeggyada shaqo ku beegida bilaashka ah ee loogu talagalay IP-yada, si markaas aad u shaqeyso saacadaha aad rabto inaad shaqeyso.
Adeeg bixiyaha shaqsigaha ah (IP)
Haddii aad tahay daryeel bixiye hore oo aad jeceshahay inaad noqoto Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed (IP) markale, waxaad u baahan doontaa inaad raacdo tilmaamahan si aad u noqoto shaqaalaha Consumer Direct Care Network Washington, or CDWA. CDWA ayaa ahayd loo-shaqeeyaha IP-yada gobalka Washington laga soo bilaabo 2022.
Sida loo noqdo IP
Ku buuxi codsiga websaydhkan dhexdiisa, adigoo isticmaalaya tilmaamaha isdaba yaala ee CDWA. Haddii aad ahaan jirtay IP la shaqeeya CDWA, waxaad awoodi kartaa inaad isticmaasho macluumaadka horay ugu jiray nidaamka adigoo dooranayo “Use My Last Application” (“Isticmaal Codsigayga Ugu Danbeeyay”).
CDWA ayaa ku siin doonta tilmaamo ku saabsan tallaabooyinka xiga ee geedi-socodka. Ka hel macluumaad dheeraad ah qaybta “Bilaabida Hannaan Shaqaalaysiinta ee CDWA” ee websaydhkooda.
- Dulmar Baaritaanka Taariikhda Qofka iyo habka Faro-qaadida.
- Halaguugu beego macmiil. Waxaad dhacda inaad haddaba haysato macmiil xaq leh, ama waxaad macmiil ka heli kartaa websaydhka shaqa ku beegida ee bilaashka ah, Carina. Macmiilkaaga wuxuu u baahan doonaa inuu xaqiijiyo inuu rabo inaad daryeel siiso.
- Dhameystir hawlaha shaqaaleysiinta, sida foomka I-9 warqadaha kale.
- Dhameystir shan saacadood oo ah tabbabarka Shaqa Barista & Badqabka ee waajibka ah.
- Waxaad heli doontaa taariikhda “Okay To Provide Care” (“Diyaar Loo yahay In Daryeel La Bixiyo”). Markaad hesho midaan waxaad bixin kartaa daryeel waxaadna soo gudbin kartaa saacadaha.
- Kahor intaan mushahar laguu bilaabin, waa inaad soo gudbiso Caddeynta Xariirka Kaala Dhexeeya Macmiilka.
Adeeg bixiyaha Hay’ada (AP)
Haddii aad rabto inaad markale dareel bixiye noqoto, waxaad haysta dookhyo badan. Loo-shaqeeyeyaashan soo socda ayaa wax ku biiriya Qorshaha Howlgabnimada Sugan (SRP) ee SEIU 775. Guji gujo-raacyadan hoose si aad wax badan uga akhriso sida loo codsado si loo noqdo daryeel bixiye.
Benefits Group waxay bixiyaan caymiskan caafimaadka ee wanaagsan ... Haysashada caymiska caafimaadka waxay i dareensiisaa badqab.
Haysashada hawlgabnimo sugan waa waxa ka baddeli doona daryeelka guriga inay ahaato shaqo oo kaliya oo ka dhigaya xirfad shaqo.
Waxaan jeclahay qorshaha aan la leeyahay macmiilka aan kula kulmay Carina, wayna fududayd oo degdeg bay ahayd inaan helo!


