Maareynta
Lacagtaada
Macluumaadka iyo talooyinka loogu talagalay daryeel-bixiyeyaasha.
Sahmi mowduucyo ku saabsan miisaaniyad sameynta, qorsheynta hawlgabka, caawinta ku aadan canshuuraha, maaraynta deynta ama kiridhitka iyo kuwo kaloo badan.
Ka Faa'ideyso Dheefaha Goobta Shaqada
Ceymiska Daryeelka Caafimaad
Daryeel-bixiyeyaasha u qalma waxay heli karaan caymiska daryeelka caafimaadka oo ku bilaabmaya kaliya $25 bishii. Waxaad naftaada u kaydsan kartaa kharashaadka aad ku bixin lahayd caafimaadka, adigoo sidoo kale heysta xulashada aad ugu soo dari karto carruurtaada caymiskaaga.
Shaqa Ku Beegida
Carina waa adeeg onlayn ah oo bilaash ah oo ka caawiya daryeel-bixiyeyaasha inay helaan macaamiil cusub oo ayna ku buuxiyaan jadwalkooda shaqo. Iyada oo kugu beegaysa dadka u baahan daryeel, waa hab sahlan oo lagu kordhin karo saacadahaaga shaqada iyo dakhligaaga.
Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)).
Mushahar ku hel adigoo baranaya xirfado cusub adoo u marayo koorsooyinka Continuing Education (Waxbarashada Dadka Waaweyn). Markaad baraneyso xirfado cusub, waxaad si wanaagsan u taageeri kartaa macaamiishaada hadda jira isla markaana diyaar ugu noqon kartaa inaad qaadato kuwo cusub.
Kabo Bilaash ah oo Loogu Talagalay Daryeel Bixiyeyaasha
Daryeel-bixiyeyaashu waxay sanad kasta helaan hal joog kabo oo bilaash ah iyadoo loo maraayo barnaamijka Caregiver Kicks, taas oo kuu badbaadineysa kharashka aad ku bixin lahayd kabaha shaqada. Waxaad ka dooran kartaa in ka badan 90 nooc oo ah kabo aan simbiriirixanayn oo ka socda shirkaddaha ugu caansan.
Dheefta Hawlgabka
Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) waxaa maalgelinaya loo-shaqeeyahaaga, mana ahan mid ka go'eysa mushaharkaaga. Taasi waxay ka dhigan tahay inaad dhisan karto kaydka hawlgabka, taasoo ku siinaysa xasilooni maskaxeed mustaqbalka.
Miisaaniyad Sameynta Maalinlaha ah
Hagitaan Fudud
oo ku aadan Samaynta Miisaaniyad
Maareynta lacagtaada waa inaysan noqon mid kugu culeys kugu keenta. Miisaaniyaddu waa hab fudud oo lagula socdo dakhligaaga, lagu xakameeyo kharashaadka, sida ugu fiicana looga faa'ideysto lacagtaada.
Maareynta
Dakhliga Aan Joogtada Ahayn
Daryeel-bixintu badanaa waxay la macno tahay mushahar isbedbeddelaya toddobaad ilaa toddobaadkiisa kale, kaas oo qorsheynta ka dhigi karta mid adag. Hase yeeshee, adigoo adeegsanaya qalabyada ku habboon, waad maareyn kartaa dakhligaas oo waxaadna dareemi kartaa inaad si wanaagsan u xakameyn karto lacagtaada.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Maareynta Deynta:
Tallooyinka Waxku Oolka ah
Daryeel-bixiyeyaal badan ayaa la daalaa dhaco deymaha ka dhasha biilasha caafimaadka ama kaararka kiridhitka. Inaad fahamto sida deyntu u shaqeyso iyo inaad isticmaasho xeelado fudud oo lagu bixiyo deynta waxay kaa caawin karaan inaad si fiican u maareyso xaaladdaas oo aadna u jihaysato ka shaqeynta mustaqbal maaliyadeed oo wanaagsan.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Sida Kiridhitku u Shaqeeyso
& Sababta ay Muhiim u Tahay
Kiridhitku waxay muujisaa sida aad u maareyso lacagta aad soo amaahatay, dhibcahaaguna waxeey saameyn karaan waxyaabaha sida guriyeynta, amaahyaha iyo qorshayaasha taleefanka. Fahanka nidaamka kiridhitku wuxuu kaa caawin karaa inaad kalsooni badan ka yeelato maaliyaddahaaga.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Qorshaynta Hawlgabka
Qorsheynta Hawlgabka:
Bilaabida
Qorsheynta wakhti sii hore waa furaha nolosha hawlgabeed ee raaxada leh. Baro wax ku saabsan ilaha dakhliga ee caanka ah ee hawlgabka iyo sida aad u heli karto macluumaadka iyo agabyada qorsheynta sida qalabka xisaabinta ee lacagta hawlgabka.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
ICanRetire:
Macluumaad Qorsheyn oo Bilaash ah
ICanRetire waxeey bixisaa agabyo, su’aalo kedis ah, maqaallo iyo muuqaallo kaa caawinaya inaad qorshaysato hawlgabkaaga — ha noqoto mid soo dhow ama mid sanado ay kaa xigto. Wax walba waxaa lagu sharraxay si fudud oo u sahlan in la fahmo.
Hagahaaga ku aadan Akoonada Hawlgabka ee Shakhsiyeed (Individual Retirement Accounts, IRAs)
Bilaabida IRA waa mid fudud — waxeeyna kaa caawin kartaa inaad lacag badan u kaydsato wakhtigaada hawlgabka. Baro sida IRA-yadu u shaqeeyaan, faa’iidooyinkooda canshuureed, iyo haddii aad u qalanto lacag-keydinta dheeraad ah iyadoo loo maraayo dhibcaha canshuurta.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Fahmida Dulsaar Ka Helida Lacagtaada Dulsaarka Ku Darsamay
Baro sida dulsaar ka helida lacagtaada dulsaarka ku darsamay ay kaaga caawinayso lacagtaada inay korodho waqti ka dib. Hal doollar la geliyo akoonka wax kaydsiga maanta wuxuu ka qiimo badan yahay doollar la kaydiyo goor dambe, sababtoo ah wuxuu helayaa waqti uu ku koro.
Diyaarinta Canshuurta
Diyaarinta Canshuurta & Xareynta Bilaashka ah
Ma aha inaad bixiso lacag si aad u xareyso canshuurahaaga — waxaa jira barnaamijyo ammaan ah oo sahlan oo kaa caawin kara. Baro waxyaabaha ku saabsan adeegyada bilaashka ah ee bixiya diyaarinta canshuurta si aad lacag badan ugu keydsato jeebkaaga.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Dhibcaha Canshuurta ee loogu talagalay Daryeel-bixiyeyaasha
Dhibcaha canshuurta waxay dhimi karaan waxa lagugu leeyahay xitaa waxayna kuu soo celin karaan lacag. Laga soo bilaabo Dhibcaha Canshuurta Carruurta ilaa Dakhliga La Kasbaday, waxaa jira siyaabo badan oo lagu kaydsan karo. Baro dhibcaha aad u qalanto iyo sida ay u caawin karaan qoyskaaga.
GOOR DHAW SOO BIXI DOONA
Taageerada Dheefta Hawlgabka
Haddii aad su’aalo qabto, booqo bogga taageerada ama ka wac wakiilka Milliman Secure Retirement lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.
Erayada Guud ee Hawlgabka ee Ay Tahay in La Ogaado
Baro qeexitaannada erayada guud ee hawlgabka iyo qeexitaannada aad u baahan tahay si aad u ogaato si aad go’aan uga gaadho mustaqbalkaaga maaliyadeed.
Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775
Qorshaha Howlgabnimada Sugan (Secure Retirement Plan, SRP) wuxuu siiyaa daryeel bixiyeyaasha dakhli badan marka ay hawlgab noqdaan. Waxaa loo sameeyay in laguugu siiyo il dakhli oo kale marka lagu daro akoonadaada kale ee hawlgabka.
Hawlgabka Daryeel Bixiyeyaashi Hore
Xitaa haddii aadan weli u shaqaynin daryeel bixiye ahaan, waxaad wali haysataa Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan (SRP) iyo khayraad kaa caawiya inaad isku diyaariso hawlgabka.