Xakamee Caafimaadkaaga

Caymiska daryeelka caafimaadka ee SEIU 775 Benefits Group, waxaad heli kartaa dheefo badan oo loogu talagalay inay kaa caawiyaan ka hortaga iyo maareynta xaaladaha daba-dheeraada.

Booqashooyinka dhakhtarka oo bilaasha ah

Booqashooyinka daryeelka ka hortagga ah waa bilaash. Dhakhtarkaaga (oo sidoo kale loogu waco Adeeg Bixiyeyaasha Daryeelka Assaasiga ah, ama PCP) ayaa sidoo kale kuu gudbin kara takhasusleyaal iyo barnaamijyada xaaladaha gaarka ah.

Tabbabarka Fayoqabka

Macallinka fayoqabka oo bilaash ah ayaa bixin kara hagid fool-ka-fool ah si loo yeesho caadooyin caafimaadqab ah sida wax cunida wanaagsan, yaraynta walbahaarka iyo dhaqdhaqaaqa jirka.

Barnaamijyada Maaraynta

Barnaamijyo gaar ah ayaa la heli karaa markuu dhakhtarkaaga kuu soo gudbiyo. Barnaamijyadan, koox daryeel laguu gaar yeelay ayaa kaa caawin doona inaad maarayso xaaladaada.

Sonkorowga iyo Sonkorta Dhiigga ee Korraysa

Caymiskaaga waxaa kamid ah barnaamijyada maaraynta cudurka macaanka ee shakhsi ahaaneed, tababbarka fayo-qabka ee qaab nololeed caafimaad qaba, dawooyin iyo sahay qiimo yar iyo kuw lacag la'aab ah.

Xubnayaasha KPWA iyo KPNW, dhakhtarkiina ayaa idiin gudbin karo barnaamijyada maaraynta sonkorowga oo la idiin gaar yeelay.

  • Barnaamijka Bilawida Qaadashada Insuliinta: Barnaamij 12 toddobaad ah oo loogu talagalay kuwa qaadanaya insuliinta marki ugu koowaad, oo uu hago kalkaaliyaha sonkorowga.
  • Qorshaha Daryeelka ee Gaarka ah: Barnaamij 12-24 toddobaad ah oo uu hago kalkaaliyaha cudurka sonkorta ee u heelan kaas oo ku bari doona xirfadaha aad iskaaga ugu maarayn karto sonkorowgaaga.
  • Maaraynta Kiisaska Sonkorowga ee Socota* Barnaamij loogu talagalay hagida iyo taageerada sonkorowga ee guud ee uu bixiyo maamulaha kiiska.

Haddii uu xiiso geliyo mid kamid ah barnaamijyadan, ka bilow inaad la hadasho dhakhtarkaaga.

*Xubnaha KPWA oo kaliya: Haddii aad haysato app-ka taleefonka casriga ah ee Kaiser Permanente, waxaad ku heli taageerada maaraynta kiiska sonkorowga taleefonkaaga. Kani waa adeeg uu qofku doorto (Ingiriisi oo kaliya).

 

Looma baahna gudbinta dhakhtarka barnaamijyada maaraynta sonkorowga ee Aetna.

Haddii aad qabto sonkorow ama aad leedahay sonkorta dhiigga ee korraysa, ka wac Adeegyada Xubnaha ee Aetna lambarka 1-855-736-9469 oo dalbo maamulaha kiiska. Waxay:

  • Ku siin karaan taageero iyo tabbabarid.
  • Ogaan karaan daldaloolada daryeelka.
  • Kula wadaagi karaan macluumaad ku saabsan dheefaha.
  • Eegi karaan faahaafinta daawooyinka.
  • Kuu gudbin karaa takhasusle.
  • Daryeel kugu siin karaan luuqadda aad doorbidayso ama waxay kuu keeni karaan turjubaan.

Soo dejiso App-ka Caafimaadka ee Aatna si aad ugu hesho barnaamijyada maaraynta sonkorowga Ingiriisi iyo Isbaanish.

Xubnayaasha KPWA iyo KPNW, tabbabarka fayoqabka waxay ku heli karaan lacag la'aan wuxuuna u wanaagsan yahay dadka qaba sonkorowga, sonkorta dhiigga ee korraysa iyo qof walbo oo rabo inuu horumariyo caafimaadkiisa. Looma baahna inuu dhakhtarkaaga ku soo gudbiyo, waxaadna heli kartaa tabbabarka adiga gurigaaga iska raaxaysanaya. Macallinka fayoqabka ayaa kaa caawin kara:

  • Inaad hadafyo degsato oo aad raacdo.
  • Inaad si caafimaadqab ah wax u cunto.
  • Inaad yareyso walbahaarka.
  • Iska daay sigaar cabista.
  • Badi waxqabadka jirka.
  • Inaad maareyso dheefahaaga.

Wac 1-866-862-4295, Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 7 a.m. ilaa 7 p.m. si aad balllan uga qabsato macallinka fayoqabka ama wax badan ka ogoow barta Kaiser Permanente – Tabbabarka Fayoqabka. Adeegyada turjumaada ayaa loo heli karaa dheeftan.

 

Xubnaha Aetna waxay si bilaash ah ku isticmaali karaan AbleTo.

AbleTo waxay bixisaa taageero fogaan-arag oo gaar ah si loo maareeyo xanuunka joogtada ah oo loo horumariyo caafimaadka jirkaaga iyo dareenkaaga. Iyada oo la isticmaalayo
daawayn iyo tabbabarid isku dhafan, waxaad dejisan kartaa hadafyo oo waxaad baran kartaa sida loo fuliyo muddo 8 toddobaad ah.

Wac 1-866-287-1802, Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 9 a.m. ilaa 8 p.m EST. ama booqo AbleTo.com/Aetna si aad u bilowdo.

AbleTo waxaa lagu heli karaa Ingiriisi iyo Isbaanish, iyada oo adeegyada fasiraada loo heli karo luuqadaha kale.

Insuliin: $0 insuliinta baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo ama insuliinta shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo. 

Agabka: $0 oo loogu talagalay sahayda cudurka sonkorta ee shabakada ka tirsan sida irbadaha, saliingadaha iyo faashadaha iyo qalabka sida bamamka insulinta iyo aaladaha lagu cabiro gulukoosta dhiiga.

Kala xiriir Adeegyada Xubinta ee Bixiyaha Adeegyada Caymiskaaga wixii faahfaahin ah.  

Xanuun Daba-dheeraada

Inta badan xanuunka daba-dheeraada waxaa lagu dawayn karaa lagana hortagi karaa daryeel haboon iyo taageero, sida daaweynta jirka, daliigitaanka iyo duritaanka maqaarka ee daaweyn ahaaneed — oo laga heli karo caymiskaaga.

$15 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah). Soo gudbin ayaa loo baahan yahay. 

Si aad u hesho dabiibaha jir ahaaneed: Wac Adeegyada Xubinta ama aad Boga Websaytka Xubinta ee Kaiser Permanente oo gal. Halkaa, waxaad ka codsan kartaa u gudbinta dhakhtarkaaga daryeelka aasaasiga ah oo aad ka heli kartaa dabiibaha jir ahaaneed ee shabakada.

$15 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah). Soo gudbin looma baahna.

Si aad u hesho dabiibaha jir ahaaneed: Wac Adeegyada Xubinta (1-855-736-9469) ama aad Boga Websaytka Xubinta Aetna oo gal. Halkaa, waxaad ka heli kartaa dabiibaha jir aahaaneed ee shabakada ka tirsan 

MedBridge waa barnaamij ab ah ee daawaynta jir ahaaneed oo aad ku heli karto lacag la'aan. Ka dib markaad booqatid dhaqtarkaaga jirka, waxaad heli doontaa gujo-raac si aad si sahlan ugu gasho barnaamijka jimicsiga iyo iskala-bixinta ee loo gaar yeelay baahiyahaaga, yoolalkaaga iyo awoodaada.

 

Hinge Health waa barnaamij daaweynta jir ajhaaneed ee aad ku heli karto si lacag la'aan ah. Barnaamijku wuxuu ku siinayaa dhammaan qalabka aad u baahan tahay si aad xanuunka nafis uga hesho adigoo gurigaaga raaxo ku jooga.

Looma baahna u gudbinta Hinge Health. Maanta isdiwaangali si aad u hesho koox daryeel oo aad u hesho barnaamij jimicsi iyo iskala bixinta adiga kuu gaar ah.

Wakhti xaadirkan, Hinge Health waxaa lagu heli karaa oo kaliya Ingiriis iyo Isbaanish.  

KPWA:

Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daaweynta daliiga, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah: $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah). Soo gudbinta ayaa loo baahan yahay daaweynta daliiga oo keliya.

 

KPNW: 

  • Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah: $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin — ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah).
  • Daaweynta daliiga: $25 khidmada adeegga ceymiska ilaa iyo 12 booqasho oo uu qofka is-geeyo sanadkiiba. Soo gudbin ayaa loo baahan yahay.

 

  • Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah: $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin — ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah).
  • Daaweynta daliiga: $15 khidmada adeegga ceymiska ilaa iyo 20 booqasho oo uu qofka is-geeyo sanadkiiba.

Dhiig Karka Sareeya

Haddii lagaa helay dhiig kar sareeya ama aad rabto inaad la qabsato qaab nololeed caafimaad leh—caymiska waxaa kamid ah kheyraadka sida casharadka khadka onlaynka ah ee lacag la'aanta ah, tababar kooxeed, daryeel fogaan araga ah iyo la socodka dhiiga karka.

Booqashooyinka sanadlaha ah waa wakhti aad u fiican oo lagu hubiyo dhiig karkaaga. Xubnaha KPWA waxay heli karaan aalada lagu cabiro dhiig karka oo kiro ah haddii loo baahdo.

Ka bood sugitaanka oo isku day daryeelka la helo marka loo baahan yahay adiga oo adeegsanaya CVS Virtual Primary Care. Markaad isdiiwaangaliso, waxaad heli doontaa aalada lagu cabiro dhiig karka iyo wadna garaaca si aad ugu isticmaasho booqashadaada.

Kheyaadka dheeraadka ah ee ku nolaanshaha si caafimaad qab leh, heshiisyo jir-dhiska, iyo tababarka fayoqabka ayaa laga heli karaa qorshahaaga caafimaad.

Baro 4 hab oo lagu gaaro hadafyada fayo-qabka jirkaaga.

Bar 5 hab oo lagu maareeyo dhiig karkaaga.

Caafimaadka Dhimirka

Waxaad haysataa ikhtiyaaro badan oo waaweyn oo laga heli karo caymiskaaga kuwaas oo kaa caawin kartaa walbahaarka, walaaca, niyad-jabka iyo niyad la'aanta, oo ay ku jiraan la-talin fool ka foola ah iyo la-talin iyo daawaynta, dawooyinka iyo kheyraadka ee khadka fogaan araga ah.

Ma hubtid nooca qorshaha caymiska ee aad haysato?
Hubi kaararkaaga Aqoonsiga Xubinta ama isticmaal Health Plan Finder.

Si aad wax badan uga ogaato qorshahaaga caymiska gaarka ah ama si aad u isticmaasho Hagahaaga Dheefaha Caafimaad, Geli qorshahaaga Zip code-ka xaga hoose.

Qorshaha caymiska caafimaadka ee aad heli karto waxa uu ku saleysan yahay koodhka Zip-ka gurigaaga. Si aad u xaqiijiso nooca qorshaha caymiska ee aad haysato ama nooca aad heli karto, waxaad geli kartaa Akoonkaaga Dheefaha Caafimaadka.

Aetna waa qorshaha caymiska ee aad ku heli karto lambarka zip-kaaga. Eeg qoddobada kooban ee qorshaha ceymiska.

Kaiser Permanente of the Northwest (KPNW) waa qorshaha caymiska ee aad ku heli karto lambarka zip-kaaga. Eeg qoddobada kooban ee qorshaha ceymiska.

Kaiser Permanente of Washington (KPWA waa qorshaha caymiska ee aad ku heli karto lambarka zip-kaaga. Eeg qoddobada kooban ee qorshaha ceymiska.

Lambarka zip-ka lama helin.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.