Bilaabida ka Daryeel Bixiye ahaan
Shaqaale cusub miyaad tahay? Waatan waxa xiga.
Hadii aad bilaabayso mihnad cusub ama aad daryeeleyso qaraabadaada, daryeelaha mushaharka qaataa waxa uu ku bilaabmaa tabbabar. Oggow waxa uu yahay tabbabarka aad u baahan tahay, iyo nooca gunooyinka ee aad u qalanto.
Kahor
Intaanad Bilaabin
Baro shuruudaha & mudada uu ku eeg yahay tabbabarkaagu.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) ee ay tahay inaad qaadato iyada oo laga duulayo nooca bixiyahaaga. La xidhiidh loo shaqeeyahaaga si aad u xaqiijiso shuruudaha iyo mudada uu ku eeg yahay tabbabarkaagu. Hoos guji si aad u aragto liiska tabbabarada loo baahan yahay iyo nooca bixiyaha hoos:
Eeg Shuruudaha Tabbabarka
Hadii aad dhawr cid u shaqayso, hayso shaqooyin badan ama macmiil badan u adeegto, shuruudaha tabbabarkaagu wuu ka duwanaan karaa. Hadii ay kugu waajibaan wax ka badan hal qayb, waa inaad buuxisaa shuruudaha tabbabar iyo shahaado ee ugu sareeya.
Nooca Adeeg Bixiyaha | Baraarugga & Badqabka | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) | Waa Waajib Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) | Ikhtyaar Weeye Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) |
|---|---|---|---|---|
La dhamaystirto kahor inta aan daryeelka la bixin. | Lagu dhameeyo mudada ay ku eeg tahay. | 12 saacadood ayaa sanadkii loo baahan yahay. | Tabbabar onleyn ah oo ikhtiyaar ah. | |
Caawiyaha Daryeelka Guriga ee Caadiga ah (HCA) Daryeel bixiyaal daryeela macaamiisha, si wakhti dhiman ama waqti buuxa ah. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 | |||
Daryeel Bixiyeyaasha Carruurta Qaangaarka ah Daryeelayaasha daryeela bukaan, waxaa kamid ah ay leeyihiin xidhiidh guur ama lamaane wada nool ahaan. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 | |||
Adeeg-bixiyaha Qoyska Daryeel-bixiyeyaasha daryeela oo keliya ilmo, walaal, eedo, adeer, abti, ina abti, ina-adeer, ilmo awoowe/ayeeyo loo yahay ama waalid awoowe/ayeeyo ah, oo ay ku jiraan xiriirka ku imaadan iyadoo loo maraayo guurka ama lammaannimada guri. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 | |||
Adeeg-bixiyaha Adeegga Xaddidan Daryeel bixiyaasha shaqeeya wax ka yar 20 saacadood bishii. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 | |||
Arrimaha Halyeeyada (VA) Xaaska ama Lamaanaha Guriga Daryeel-bixiyeyaasha u shaqeeya xaas/lammaane iyaga oo u maraya barnaamijka VA homecare. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 | |||
WA Cares Daryeelayaasha WA Cares Joogtada ah iyo WA Cares Gelinka ah ee Qoyska. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 16 | |||
Adeeg-bixiyayaha Wakhtiga Nasashada Bixiyeyaasha daryeelka ee daryeela macaamiisha bixiyaha daryeelka kale ama xubnaha qoyska muddo gaaban (in ka yar 300 saacadood sanadkii). | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9 | |||
Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah (DDA) Waalidiinta daryeela ilmahooda qaba curyaanninmada korriinka. | Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7 | |||
Bixiyayaasha NAC, OSPL, NAC hore, OSPI hore, ama ku jira LPN, RN ama ARNP socda NAC: Kaaliyaha Caafimaadka Haysta Shahaado, OSPI: Taageerada Waxbarasho Gaarka ah | Waxaa lagaa dhaafay Tabbabarada Xogta Hordhaca iyo Amaanka iyo Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah). Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tabbabarada kale ee loo baahan yahay ama ikhtiyaarka ah, fadlan la xidhiidh cida aad u shaqayso. | |||
Ka eeg iimeelkaaga xogta ugu danbaysa ee tabbabarka.
Waxaa lagu soo diri doonaa macluumaad muhiim ah, sida magaca lagu galo Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha), cinwaanka iimeelka ee aad bixisay markii lagu shaqaalaysiinayay.
Wax badan ka oggow ikhtiyaradaada taageero.
Hel macluumaad wax ku ool ah oo ku saabsan siyaasadaha tabbabarka oo ka faa'idayso khayraadka taageerada, iyo kaalmada luuqada ee aad heli karto si aad si wanaagsan ugu dhamaysato tabbabarka.
Dhamayso Tabbabarkaaga
Gal Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
Kadib marka aad gasho Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) waxa aad arki doontaa jadwalkaaha, dib u dhigashada fasalada, tabbabarka aad gashay iyo wax kale oo badan. Booqo tilmaamaha tisticmaalaha si aad wax uga otaago sida loo bilaabo.
Gel Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah).
Kadib marka aad lagu siiyo Xogta Hordahca iyo Amaanka, waxaad geli doontaa Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah). Daryeelayahaasha u shaqeeya Consumer Direct Care Network Washington (CDWA) waxayku biiri karaan Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha). Dhamaan daryeelayaasha kale waa inay la xidhiidhaan cida ay u shaqeeyaan kahor inta ayna ku biirin.
Dhamayso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) kahor mudada uu ku eeg yahay.
Mudada uu kaaga eeg yahay waa 120 maalmood kadib taariikhda lagu shaqaalaysiiyo. Cida aad u shaqayso ayaa xaqiijin doonta taariikhda rasmiga ah.
Kadib Marka aad Dhamaysato Tabbabarka
Tabbabarku waxaa weeye mid kamid ah gunooyinka badan ee daryeelayaashu heleyaan! Waxaad heli kartaa gunooyinka la heli karo sida caymiska daryeelka caafimaadka ee jaban, qorshaha hawlgabka ee cdida loo shaqeeyaa bixiso, kabo aan lagu siiban iyo wax kale oo badan.
Dheefaha Caafimaadka
Kadib 80+ saacadood oo mushahar aad qaadato bishii mudo laba bilood ah oo xidhiidh ah, waxa aad u qalmi kartaa caymiska daryeelka caafimaadka aoo ah kaliya $25 bishii. Caymiska waxaa ku jira daawaynta, daryeelka ilkaha, indhaha, dawooyinka la qoro, taageerada caafimaadka maskaxda, iyo wax kale oo badan.
Caregiver Kicks
Daryeelayaasha shaqaynaya 160+ saacadood muddo laba bilood ah waxay u qalmi karaan Caregiver Kicks — kabo aan lagu siiban oo ilaalinaya amaankaaga inta aad shaqaynayso. Daryeelayaasha u qalma waxay dalban karaan kabo cusub 12 bilood kasta.
Gunooyinka Hawlgabka
Kadib 6 bilood oo aad loo shaqeeyahaaga la joogto, waxa aad si toos ah ugu biiraysaa Qorshaha Sugitaanka Hawlgabka. Gunadan waxay kaa caawinaysaa inaad kaydsato wax mustaqbalka oo aad hesho il dakhli dheeraad ah oo hawlgabka ah.
Dheefaha Waxbarashada
Waxbarashadaadu way sii soconaysaa kadib Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah). Daryeelayaasha waxay qaadan karaan oo ay la siinayaa lacagta ilaa 12 saacadood dariska Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) ah sanad kasta, sidoo kale barnaamijyo tabbabaro dheeraad ah iyo fursadaha dhismaha xirfada.
Gunooyinka Iswaafajinta Shaqada
Hel shaqo iyo daryeelka muusdanbeedka ee Carina, adee lagu kalsoon yahay oo fudud oo is waafajinta shaqada ah ee daryeelayaasha. Carina waxa ku xidhaa daryeelayaasha qoysaska u dhaw iyo shakhsiyaadka doonaya daryeel bilaash ah.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.
Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Haddii aad tahay daryeel bixiye sameynaya Tababarka Aasaasiga ah oo isku diyaarinaya inuu noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) shahaado haysta, waxaad hagis iyo taageero ka heli kartaa Waaniyeyaasha Asaagaa.Taageerada Ardeyda Naafada Ah
Ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan oo ay helaan baahi-tir macquul ah si ay u helaan dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha Training Partnership.
Qaynuunada Waxbarashada
Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.