Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) iyo Shahaada Siinta
Hel tabbabar dhamaystiran oo kaa caawin doona inaad siiso daryeel tayo sare leh macmiilkaaga ama qofka aad jeceshahay.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) wuxuu ku siinayaa tabbabar laguu gaar yeelay oo ku saleysan nooca daryeel bixiyaha ee aad tahay wuxuuna kaa caawinayaa inaad bixiso daryeel dhamaystiran oo tayo sare leh.
Si aad iskaga diiwaangeliso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah), tag Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha).
Haddii aad tahay Adeeg Bixiyaha Hay'ada (AP), fadlan la xiriir loo-shaqeeyahaaga ka hor inta aadan isdiiwaangelinin.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70
Kaaliyaha Daryeelka Guriga Caadiga ah (HCA) ahaan, wuxuu kuu diyaariyaa inaad ku baasto imtixaanka shahaadada ee lagu noqdo HCA.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 waa tabbbar 70 saacadood ah oo kuu diyaarinaya macluumaadka iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu gudubto imtixaanka shahaadiga ah oo aad noqoto Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA). Wuxuu qaadan karaa ilaa 5 toddobaad si loo dhammaystiro.
Isdiiwaangeli sida ugu dhakhsaha badan si aad u xaqiijiso inaad dhamaystirto tabbabarkaaga marki la gaaro ama ka hor taariikhdaada kama dambaysta ah.
Koorsada waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Amxaari, Carabi, Shiinees, Khmer, Kuuriyaan, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Fiyatnaamiis.
Waxaad codsan kartaa turjubaan xirfadle ah haddii aysan jirin wax koorsooyin ah oo kuu dhaw.
Haddii aad sameeneysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 oo Ingiriisi ah oo leh turjubaan xirfadle ah, agabka koorsada oo turjuman ayaa sidoo kale lagu bixin karaa Nepali, Samoan, Tagalog, Yukreeniyaan, Laotiyaan, Farsi iyo Punjabi.
Wixii ah taageerada luuqadda, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30
Bixiyeyaasha Carruurta Qaangaarka ah, Bixiyeyaasha Adeegga Xaddidan iyo Adeeg Bixiyeyaasha Qoyska (waxaa ku jiro Adeeg Bixiyaha Waalidka ah, Aanaan-DDA ahayn), iyo Xaasaska ama Arrimaha Halyeeyada (VA) Xaaska ama Lamaanaha Guriga.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 waa koorso 30 saacadood oo uu qofku iswado, inta badan onleen kaliya ah. Waxaa ka mid ah:
- Fasalka Shaybaarka Xirfadaha oo 3 saacadood iyo bar ah oo qof ahaan loo xaadiro.
- 27 saacadood oo ah koorsooyonka onleenka ah.
Kadib markaad isdiiwaangeliso, waxaad bilaabi kartaa koorsooyinka onleenka ah wakhti walbo.
Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.
Haddii aad u baahan tahay taageero luuqad oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9
Daryeel Bixiyeyaasha Bixiya Daryeelka Ku Simida ah.
Waxaad u baahan tahay inaad samayso 9 saacadood oo koorsooyin onleen ah si aad u dhamaystirto tababarkaaga.
Dhammaan koorsooyinka ayaa la heli karaa kadib markaad is diiwaangeliso waxaadna bilaabi kartaa xilli walbo.
Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.
Haddii aad u baahan tahay taageero luuqad oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7
Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah (DDA).
Waa inaad bogtaa dhammaan 7-da saacadood si aad u buuxiso shuruudahaaga. Waxaa ka mid ah:
- 1-saac oo waxbarasho madaxbanaan ah.
- 6-saacadood oo tabbabar macallin uu bixiyo ah (2 aqoon kororsiyo oo onleen ah).
Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7 waxaa lagu heli karaa wakhti xaadirkan Ingiriisi, Amxaari, Cambodian/Khmer, Shiinees, Kuuriyaan, Ruush, Isbaanish, Soomaali Tagalog, Tigree, Yukreeniyaan iyo Fiyatnaamiis.
Haddii aad u baahan tahay taageero luuqadeed, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. to 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.
Tallaabooyinka Sida Loo Noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga ee Shahaada Haysta (HCA)
Dhameystir tababarka Shaqo Kala Barista iyo Badbaadada ka hor intaadan bilaabin inaad u shaqeyso si daryeel bixiye ahaan ah.
Tababarka Shaqo Kala Barista & Badbaadada (O&S)* ayaa looga baahan yahay qof walba ka hor intaysan bilaabin shaqada. Sameynta O&S waxay ku siinaysaa xirfadaha badbaadada aasaasiga ah ka hor inta aanad bilaabin daryeelka macmiilkaaga.
Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed (IP-yada): Fadlan la xidhiidha Consumer Direct Care Network Washington (CDWA) si aad u heshaan macluumaadka sida loo dhameystiro O&S.
Adeeg Bixiyeyaasha Hay'ada (AP-yada):Fadlan la xidhiidha loo-shaqeeyihiina si aad u heshaan tilmaamaha sida loo dhameystiro O&S.
Soo gudbi Codsiga Shahaadeynta DOH
Maalmaha 1–14
Si aad u noqoto qof shahaado u haysta Kaaliyaha Daryeelka Guriga, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso oo aad soo gudbiso Codsiga Shahaado Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) (sidoo kale loo yaqaan "Codsiga DOH") 14 maalmood gudahooda marka lagu shaqaaleysiiyo. Codsigan waxa la soo gudbin karaa ka hor inta aanu tababarka bilaabmin.
Lagaagama baahna inaad bixiso kharashka codsiga. Iyada oo qayb ka ah dheefahaaga SEIU 775, codsiga iyo khidmadaha imtixaanka wakhtiga ugu horreeya waa la daboolay.
Haddii Ingiriisigu uusan ahayn luuqadda aad doorbideyso,, waxa laga yaabaa in laguu ogolaado ilaa 60 maalmood oo dheeraad ah si aad u noqoto HCA shahaado haysta. Si aad u codsato shahaado ku meel gaadh ah, waa inaad saxdaa sanduuqa "Waxaan codsanayaa shahaado ku meel gaadh ah" oo ku qoran bogga 1 ee Codsiga Shahaadada HCA.
Codsigaaga waxaad ku soo gudbin kartaa onlayn.
- Hubi inaad saxdo "Mushaharka Gobolka".
- Su'aalaha codsiga onlaynka ah waxaa lagu hagaajin karaa DOH iimaylka hmccreview@doh.wa.gov ama taleefoonka 360-236-2700.
- Hubi galka spam-kaaga si aad u hubiso inaadan wax iimayl ah oo ka yimid DOH aadan waayin.
Iska Diiwaangeli Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70
Waxaad u baahan tahay inaad dhammaystirto Tababarka Aasaasiga ah 70 120 maalmood laga bilaabo taariikhda lagu shaqaaleysiiyo. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu xaqiijin karaa wakhtigaaga kama dambaysta ah.
Adeeg Bixiyayaasha Shaqsigaha ah
Waxaad heli doontaan iimayl wata macluumaadka ku saabsan iska-diiwaangelinta Tababarka Aasaasiga ah iyo buuxinta shuruudaha tababarkaaga.
Bixiyayaashada Hay'ada
Ka eeg cidda aad u shaqayso habka ugu fiican ee aad iskaga diwaangelin karto.
Tababarka aasaasiga ah oo Dhameystiran — Maalmaha 30-60
Qaado tababarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si aad u hubiso helida xiisadaha ugu wanaagsan aaggaaga iyo luqadda aad doorbidayso.
Isku diyaari Imtixaankaaga
60-90 Maalmo
Haddii aad imtixaankaaga ku qaadanayso Ingiriisi, waxaad ka jadwaleysan kartaa imtixaanadaada Aqoonta iyo Xirfadaha bogga websaydka ee Prometric. Waxaad jadwalsan kartaa imtixaanka isla marka aad iska diiwaan geliso Tababarka Aasaasiga ah ee 70 oo aadna hesho taariikhaha ay fasaladaada bilaabmayaan. Waa inaad ku bogto tabbabarkaaga kahor taariikhdaada imtixaanka.
Haddii aad qabtid wax su'aalo ah , fadlan kala xiriir Prometric lanbarka 1-800-324-4689.
Muhiim ah:
- Markaad jadwaleysaneyso imtixaanka, waxaad u baahan doontaa inaad si gooni ah u jadwalaysato imtixaanka Aqoonta iyo Xirfadaha.
- Waxaa jira kharash dib u jadwaleysashada oo aan lagu daboolin dheefahaada shahaado-siinta. Fadlan ka eeg bogga websaydka ee Prometric wixii macluumaad dheeraad ah.
- Haddii aad jeclaan lahayd inaad jadwaleysato imtixaanka aan Ingiriisi ahayn ama aad u baahan tahay wax sii qabanqaabinta ADA, ka wac Kooxda Wax Sii Qabanqaabinta Imtixaanka ee Prometric 1-800-967-1139.
Sida loo diyaariyo:
- Dib u eeg Agabka Diyaarinta Imtixaanka ee Prometric, oo lagu heli karo 13 luqadood.
- Ku xidhnow hage asaagaa ah.
- Waaniyeyaasha asaageed ah waa Gargaarayaal Daryeel Guri oo la aqoonsan yahay kuwaas oo ku bari kara agabyada Aqoonta iyo Xirfadaha ee aad ku baratay Tababarka Aasaasiga ah 70. Booqo bogga Peer Mentor si aad wax badan uga ogaato agabyada bilaashka ah ee ay bixiyaan iyo sida ay kuugu diyaarin karto imtixaankaaga.
- Jadwal u sameeyso koorsada tababarka xirfadaha oo bilaash ah*.
- 2-dan saacadood, kulan-fadhiyeedka qof ahaaneed ayaa kuu ogolaanaya inaad ku tababar qaadato xirfad kasta oo gacanta lagu qabto ee dookhaada ah gudaha fasalka. Ka wac Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 ama iimayl u dir MRC@myseiubenefits.org si aad isku jadwalaysato koorsadaada.
*Tabbabarka Koorsooyinka looma baahna, lacagna laguma siinayo si aad u xaadirto.
Imtixaan Qaado
90-120 Maalmo
Maalinta imtixaankaaga:
- Imow ugu yaraan 30 daqiiqo kahor imtixaankaaga la qorsheeyay. Kuwa soo daahaa looma ogolaan doono inay galaan imtixaanka waxayna u baahan doonaan inay bixiyaan kharashka imtixaanka taariikhda dib loo dhigay.
- Keen warqaddaada "Ogolaanshaha Imtixaanka" (ATT) iyo 2 nooc oo aqoonsi oo sax ah.
Sii-heyso Shahaadeyntaada
Natiijooyinkaaga waxaa lagu wargeliyay DOH, waxayna kuu soo diri doonaan warqad xaqiijinaya inaad si rasmi ah shahaado u heshay.
Ka dib markaad noqoto HCA shahaado haysta, waxaad u baahan doontaa inaad dhammaystirto 12 saacadood oo Waxbarashada Dadka waaweyn ah (CE) sannad kasta wakhtiga kama dambaysta ah ee tababarkaaga, oo badanaa ah maalintaada dhalashada. La xidhiidh cidda aad u shaqayso si aad u xaqiijiso taariikhda.
Hel Taageerada Shahaado Siinta ee HCA
Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan codsiga iyo shahaado siinta HCA?
Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan codsiga ama shahaado siinta, wac Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) 360-236-2700 ama iimayl u dir hmccreview@doh.wa.gov.
Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan imtixaanka Kaaliyaha Daryeelka Guriga?
Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan imtixaankaaga Kaaliyaha Daryeelka Guriga, wac Prometric 1-800-324-4689 ama iimayl u dir wahca@prometric.com.
Ma u baahan in lagaa caawiyo inaad noqoto HCA mushar qaato oo shahaado haysta?
Department of Social and Health Services (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka) Hogaamiyeyaasha (DSHS) ayaa kaa caawin kara geedi-socodka noqoshada HCA mushar qaato oo shahaado haysta.
Hel Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga Ah) 70 oo bilaash ah adigoo wax ka baranaya Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Haddii aad sameynaysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 iyo imtixaanka shahaado siinta ee HCA, waxaad la xidhiidha kartaa Waaniyaha Asaagaa si aad uga heshid hagid iyo taageero. Waxay kaa caawin karaan inaad fahamto waxa aad ku baranayso fasalka waxayna ku barayaan agabka koorsada inta aad isku diiyaarinayso inaad samayso imtixaanka HCA.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
Awood u yeelo inaad isticmaasho dheefahaaga waxbarashada ee Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) ee My Benefits. Si fudud iskaga diiwaangeli oo ku dhamaystir tabbabarka onleen ahaan adigoo isticmaalaya kumbiyuutar ama taleefanka casriga ah.
Qaynuunada Waxbarashada
Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.
Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.


