Kaiser Permanente of Washington
Haddii aad is-diiwaangelinayso markii ugu horreysay ama aad hore ugu jirto, waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad ka faa'ideysato daryeel caafimaad oo la awoodi karo, oo tayo sare leh oo aad heli karto daryeel bixiye ahaan.
Qoddobada Kooban ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee KPWA
Marka laga soo tago daryeelka ka hortagga, caymiskaaga waxaa ku jira siyaabo badan oo lagu helo daryeel iyo taageero, sida tababarka fayoobida iyo barnaamijyada maaraynta ee loo shakhsi ahaaneeyay xaaladaha daba dheeraada.
Wax badan ka oggow faa'idada muhiimka ah ee qorshahaaga oo soo dejiso Faahfaahintaada Qorshaha KPWA.
Qorshaha faahfaahsan waxa uu bilaabmayaa Agoosto 1, 2025.
Daryeelka Caafimaad & Kahortag
Booqashooyinka Daryeelka Aasaasiga ee Bilaashka ah
Kharash ma jiro* si aad u aragto bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah (PCP). Waxaad arki kartaa PCP-kaaga wixii ah baaritaanada si fayo-qabka iyo marka aad xanuunsan tahay. Caymiskaaga waxaa sidoo kale ku jira fursado kala xulasho daryeel oo fogaan arag ah, si aad daryeel u hesho adoo ku nafisayo guriga.
*Booqashooyinka aad ugu tageyso PCP-gaaga ma lahan khidmada adeegga ceymiska, sikastaba ha ahaatee haddii dhakhtarkaaga uu amro baaritaano ama shaqo shaybaar, waxaad bixin kartaa khidmada adeegga ceymiska ee adeegyadaas.
Daryeelka Degdegga ah & Gurmadka Degdegga Ah ee Qiimaha Jaban
Daryeelka degdegga ah waa xulasho jaban oo loogu talogalay arrimaha aan gurmadka deg degga ahayn sida dhaawacyo fudud ama astaamaha hargabka marka dhakhtarkaaga aan la heli karin. Booqashada qolka degdegga ah waxay loo isticmaali karaa xaaladaha halista ah sida xanuunka xabadka, neefsashada oo dhib ah, ama dhaawacyada daran.
Lacag hormaris ama lacag bixin dheeraad ah ayaa laga yaabaa inaad bixiso.
Lacag Wada Bixinta Booqshada Caafimaadka (ku jira dalada) | |
|---|---|
Bixiyaha Daryeelka Aasaasiga ah / Booqashooyinka Onleenka | $0 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Daryeelka Degdegga ah | $0 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Qolka Gurmadka Degdegga ah | $200 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Booqashooyinka Khabiirada | $15 Khidmada Adeegga Ceymiska |
Dheefaha Daawada Dhakhtarka Uu Qoro
Daawooyinka la qoray (Rx)
Dheefaha daawooyinka dhakhtarka uu qoro (Rx) ayaa ku jira caymiskaaga wayna fududahay inaad wareejisato daawooyinkaaga dhakhtarka uu qoro! Kaliya gal akoonka onleenka ah ee Kaiser Permanente ama wac Adeegyada Xubnaha.
Dalabka boosta ayaa ah ikhtiyaarka ugu jaban. Waxaa ku biixin kartaa onleyn dawada laguu qoray, wicitaanka taleefonka ama adiga oo isticmaalaya app-ka taleefonka casriga ah ee Kaiser Permanente.
Insuliin: Daawooyinka baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo (Tier 1)/Daawooyinka shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo (Tier 2) $0/$0 Khidmada Adeegga Ceymiska
Booriyaasha neefsiga iyo cirbadda EPI Daawooyinka baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo (Tier 1)/Daawooyinka shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo (Tier 2) $8/$25 Khidmada Adeegga Ceymiska
Lacag bixinta Rx ( 30 – maalmood La Qaato) | Farmasi | Ku Iibsashada Boostada |
|---|---|---|
Daawooyinka Ka Hortagga Uurka ee Baddelka u ah Kuwa Kale* | $0 | $0 |
Daawooyinka Lagu Qiimeeyo Waxtarkooda** | $4 | $0 |
Daawooyinka Baddelka u ah Kuwa Kale ee La Doorbidayo | $8 | $3 |
Daawooyinka Shirkadaha Gaarka ah ee La Doorbidayo | $25 | $20 |
*Haddii aad u shaqeyso hay'ad diimeed ceymiskaaga caafimaadka waxaa ka reeban ceyminta ka hortagga uurka sida lagu oggolaaday ee ku xusan ka reebitaanka diimeed ee Affordable Care Act (Sharciga Daryeelka Caafimaad ee La Awoodi Karo). Sikastaba, waxaad midan si bilaash ah kaga heleysaa (adiga oo walibana wax ficil ah sameynin) Kaiser Permanente, inta aad ka diiwaangashan tahay ceymid caafimaad. **Daawooyinka lagu qiimeeyo waxtarkooda waa daawooyin baddel u ah kuwa kale oo loogu talagalay in lagu daaweeyo xaalado caafimaad oo kala duwan.
Dheefaha Dheeraadka ah
Caafimaadka Dhimirka
Kaalmada dhax mushaaxa mushkiladaha waawayn ee nolosha ama maamulida mushkiladaha sida isku buuqa ama muruqada. Kaiser Permanente waxay bixisaa daryeelka indhaha oo dhamaystiran, oo waxaa kamid ah:
Daryeelka xirfadle, dawooyinka, dabiibka koox iyo waxkale oo badan.
Helitaanka app bilash ah sida Calm ( fiirsi) iyo Headspace Care (tobobarka foolka-foolka ah).
- Qiimaynta fogaan araga ah iyo booqashooyinka elektaroonigga ah si dib loogu eego calaamadahaaga oo aad u hesho xulashooyinka kugu habboon.
La hadal 1-888-287-2680, Isniin ilaa Jimce, 8 subaxnimo ilaa 5 galabnimo KPWA waxay waafajin kartaa khabiirkaaga caafimaadka maskaxda aagaaga ama in lagaa caawiyo inaad hesho daawaynta balwada.
Booqashooyinka Caafimaadka Maskaxda
ee Bukaan Socodka: $0 khidmada adeegga ceymiska
Bukaan jiif: $100 khidmada adeegga ceymiska, maalintiiba ilaa iyo 5 maalmood halki isbitaal dhigisba. Oggolaanshaha hore ayaa loo baahan yahay ama ceymis ma lahaan doono.
Aragga
Si aad u hesho daryeelka indhaha oo dhamaystiran, waxaa kamid ah hal shaybaadh indhaha ah iyo $600 oo agabka araga ah (sida leensiyada, fireemyada iyo leensiyada gudaha indhaha) 12 bilood oo kasta. Ka dooro xulashooyin badan oo muraayado u qalma ah si loo waafajiyo dookhaaha iyo miisaaniyadaada-sidoo kale, waxa aad heli kartaa habayn bilaash ah iyo dayactir wakhti kasta.
Xubnayaasha 19 jirka ah iyo ka wayn: $600 12-ki biloodba
Xubnayaasha ka yar 19 jir: 1 joog oo fareemyo iyo muraayado ah sanadkiiba ama dhalooyinka isha la saaro oo lagu dabarayo 50% lacagaha haraaga lacag jarista kadib
Tababarka Fayoqabka & Barnaamijyada
Tobobarka badqabka ayaa lagu heli karaa bilaash oo uma baahna gudbin. Ka hel taageero foolka-fool ah tobobarka badqabka si ay kaaga caawiso inaad si caafimaad dhaama u cunto, yarayso warwarka, aad u firfircoonaato, u maamusho miisaanka, u joojiso sigaarka iyo waxkale oo badan.
Hadii aad maamulayso xaalado caafimaad oo mudo dheer ah sida macaan ama dhiikar, qorshahaaga ayaa sidoo kale waxaa kamid noqon doona taageero koox daryeel oo shakhsi ahaaneed (gudbin ayaa loo baahan yahay) iyo app-bab iyo barnaamijyo si fudud loo isticmaali karo.
Waxbadan ka oggow tobobarka badqabka ama la hadal 1-877-751-1053 si aad u qabsato balan tobobarka badqabka. Adeegyada turjubaada ayaa la heli karaa.
Duugis, Lafaha & Toobin
Daawaynta duug duugista, lafaha iyo toobista iyo lafaha waxaa lagu heli karaa $0 wada bixin. Xadidaad booqasho ayaa jirta oo F gudbin ayaa loo baahan yahay daliigo wixii duug duugniin ah. Eeg qorshaha faahfaahsan.
Adeegyadan waxa ay kaa caawin karaan daawaynta iyo kahortaga damqashada muqaha iyo laalaabatooyinka. Si loo xaqiijiyo in bixiyahaagu u aqbalay caymiska marka la qabanayo balanta.
Daawaynta dabiiciga ah
Booqashooyinka Naturopathy: $0 khidmada adeegga ceymiska.
Naturopathy waxay isticmaashaa dawooyin dabiici ah sida nafaqada, iyo isbedelada qaab nololeedka si loo taageero caafimaadkaaga.
Daaweynta Jirka
Dabiibka jidhka waxaa lagu heli karaa $15 khidmada adeegga ceymiska.
Xadidaad booqasho ayaa jirta oo gudbin ayaa loo baahan yahay. Eeg qorshaha faahfaahsan.
Dabiibka jidhka waxa uu kaa caawin karaa inaad kasoo kabato dhaawaca, maamulida danqashada, iyo hormarinta dhaqdhaqaaqa. Ku dalbashada gudbinta Daaqada Xubinta Kaiser Permanente ama la hadal Adeegyada Xubinta.
Kadib booqashadaada, waxa aad ku geli kartaa si bilaash ah MedBridge, app-ka dabiibka jidhka ee jimicsiga shakhsi ahaaneed iyo barnaamijyada is kala bixinta loogu talo geley yoolashaada iyo awoodahaaga.
Caafimaadka Taranka
Booqashooyinka Caafimaadka Taranka $0/$15 Khidmada Adeegga Ceymiska booqashadii.
Booqashooyinka kahortagu waa $0/ Khidmada Adeegga Ceymiska. Xadiyada kale ee khidmadaha adeega ceymiska waxay ku yaalaan koodhka xanuunka.
Dhalmo baajiye ayaa lagu helayaa $0 khidmada adeegga ceymiska*.
$0 khidmada adeegga ceymiska dawooyinka ay ansixisay FDA iyo dawooyinka aan la qorin, aaladaha iyo agabka.
Adeegyada Iska Xaadhitaanka Uurka waa $0 Khidmadaha adegga ceymiska
ee ka ku jira iyo ka baxsan dalada, habdhismeedka bukaan jiifka iyo bukaan socodka iyo sidoo kale dawooyinka. (Adeega uu bixiyo caymiska meel kasta)
*Haddii aad u shaqeyso hay'ad diimeed ceymiskaaga caafimaadka waxaa ka reeban ceyminta ka hortagga uurka sida lagu oggolaaday ee ku xusan ka reebitaanka diimeed ee Affordable Care Act (Sharciga Daryeelka Caafimaad ee La Awoodi Karo). Sikastaba, waxaad midan si bilaash ah kaga heleysaa (adiga oo walibana wax ficil ah sameynin) Kaiser Permanente, inta aad ka diiwaangashan tahay ceymid caafimaad.
Daryeel Ku Habboon Jinsiga uu Qofka Doorto
Kaiser Permanente waxay bixisaa daryeel loo dhan yahay, daryeel ku habboon jinsiga uu qofka doorto iyada oo ah amaan, oo leh deegaan taageero. Adeegyada qaad dabiibka hormoonada, taageerada caafimaadka dhimirka, nidaamka qaliinka, iyo daryeelka caruurta iyo kurayga.
Caymiska La Balaadhiyay
KPWA waxaa weeye caymiska kowaad ee caafimaad, laakiin caymiska daryeelka caafimaadka sidoo kale waxaa kamid ah gunooyinkan dheeraadka ah:
Dookha Caymiska Ilkaha
Waxaad ka dooran kartaa laba qorshe ceymis oo ilkaha ah oo aadna go'aan ka gaari kara midka adiga kugu fiican. Labada ikhtiyaarba waxa ka mid ah baaritaanada joogtada ah, faa'iidooyinka ilko iyo daan qurxinta iyo shabakadaha adeeg bixiyayaal ee ballaaran.
Isticmaal shaxda si aad isu barbardhigto qorshayaasha oo aad dib ugu eegto kharashka aad ka bixiso jeebkaaga ee suurtogalka ah ee adeegyada caadiga ah ee guudmarka qorshaha.
Dheefta Ugu Badan Sanadka | $5,000 | Waxbo |
Lacagta la jaro | $0 | $0 |
Baaritaanada Joogtada ah | Waxaa Loo Dabaraa Si Dhameystiran | Waxaa Loo Dabaraa Si Dhameystiran |
Dheefaha Qurxinta Ilkaha | Haa | Haa |
Bixiyeyaasha ah Shirkada Ceymiska | Delta Dental waxa ay leedahay shabakad ceymis oo balaadhan oo bixiyayaal ah, oo ay ku jiraan goobaha miyiga ah. Waxaad u baahan doontaa inaad hesho dhakhtarka ilkaha ee Delta Dental PPO si aad u kordhiso dheefahaada. | Willamette Dental waxay goobo badan oo haboon ku leedahay galbeedka Washington, taasoo kuu sahlaysa inaad hesho dhakhtarka ilkaha ee Willamette haddii aad ku nooshahay hareeraha wadada I-5 corridor. |
Hel Dhakhtarka Ilkaha ee Kuu Dhaw | 1-800-554-1907 DeltaDentalWA.com | 1-855-433-6825 willamettedental.com |
Dheefaha Maqalka
Dhamayasiga EPIC, adiga iyo carruurtaada ayaa tashado baaritaanka maqalka ee sanadlaha ah oo bilaash ah oo lahala tashanayo bixiyae ku jira dalada ilaa $3,000 oo ah qalabka maqalka eoo leh kordhin damaanad 36 bilood walba oo kasta.
Daryeelka Guriga Qoyska, Taranka & Badhtamaha Nolosha
Ku hel dheefo marxalad kasta oo nolosha ah, laga bilaabo tarmida iyo qoys-dhisida ilaa uur qaadida, dhalmada ka dib iyo xilliga caado joogsiga. U hel caymis daaweynti ugu dambeeyse, taageero shakhsiyadeed oo ka timid u-doodayaasha Daryeelka Bukaanka ee loogu talagalay (PCAs) iyo qof ahaan ama daryeelka fogaan aragga. Haddana waxaad heli kartaa illaa $15,000 kharashaadka la xiriira korsashada (faa'idada nolosha oo dhan).
Faahfaahinta Qorshaha KPWA
Arag faahfaahin buuxda oo ku saabsan qorshahaaga caafimaadka iyo ilkaha, oo ay ku jiraan kharashyada jeebka ka baxsan, faa'iidooyinka, iyo caymiska dawooyinka, booqashooyinka iyo daawaynta.
Liiska Eegitaanka Arjiga
Waxa aad qabataa tilmaamaha nidaamka arjiga si loo wanaajiyo. Waxa uu ku dul marin doonaa talaabo kasta-laga bilaabo barashada gunooyinkaaga ilaa gudbinta arjigaaga iyo wax kale oo badan.
Erayada Caamka ah
Baro qeexitaanada erayada caamka ah si ay kaaga caawiso inaad wanaagsan ugu fahanto gunooyinka ceymiskaaga.
Illaha iyo Taageerada
Adeega Macmiilka Dheefaha Caafimaadka
Caawin u hel su'aalaha ku saabsan caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan.
Adeegga macaamiisha wuxuu diyaar yahay Isniin-Jimce, 8 subaxnimo illaa 6 fiidnimo.
1-877-606-6705
taageerada luuqada ee la heli karo.
Live Chat Support
Gal Xisaabtaada Gunada Caafimaadka si aad ula sheekeysato taageerada.
SEIU775BG-caregiver@magnacare.com
Lama xidhiidh kartid miyaa adeega macmiilka saacadaha shaqada?
Iimayl dir oo hel jawaab 2 maalmood oo shaqo gudahood.
Kaiser Permanente of Washington
Adeegyada Xubinka Cusub:
1-888-844-4607
myseiu.be/kp-new-member
Adeegyada Xubnaha:
1-888-901-4636
myseiu.be/kp-member
Adeegyada Caafimaadka Dhimirka
1-888-287-2680
myseiu.be/kaiser-bh
Khadka Caawinta Kalkaaliyaha
1-800-297-6877
myseiu.be/kp-nurse
Caawimada Dhinaca Luuqadda ee Xubinka
1-888-901-4636
myseiu.be/kp-language
Ilkaha
Delta Dental
1-800-554-1907
deltadentalwa.com
Willamette Dental
1-855-433-6825
myseiu.be/willamette
Dheefaha Kale
Maqalka EPIC
1-866-956-5400
myseiu.be/epic
Progyny (Taranka iyo Qoys-dhisida)
1-877-363-5638
myseiu.be/progyny
Taageerada Luuqadda
La xidhiidh Adeega Macmiilka Dheefaha Caafimaadka oo waxay kugu xidhi doonaan ruux aad kula hadasho luuqadaada oo kaa caawin kara inaad dalbato oo aad maamusho gunooyinkaaga.
Kadib marka aad ku biirto, taageerada luuqada waxaa laga heleyaa adeegyada xubinta KPWA.
Akoonka Dheefaha Caafimaadka
- Ka eeg u-qalmitaankaada dheefaha caafimaadka.
- Codso ama maamulaha caymiska daryeelka caafimaadka.
- Hel taageerada wadahadalka tooska ah.
- Marin u hel dukumiintiyada & foomamka qorshaha ceymiska.
Taageerada Dheefaha Caafimaadka
Caawin u hel caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan adigoo booqanaya ama ka wacaya Adeegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705.
Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)
Haddii aad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishiiba, Ilmahaaga waxay helayaan dhammaan dheefooyinka wanaagsan ee aad hesho, oo ay ku jiraan fayo-qabka dareenka, qurxinta Ilkaha, booqashooyinka fayo-qabka iyo wax kale oo badan.
Xaq U Yeelashada Caymiska Daryeelka Caafimaad
Baro sida xaq loogu yeesho caymiska daryeelka caafimaadka ee adiga ama carruurtaada iyo sida saacadaha aad shaqeyso u saameeyaan caymiskaaga.
Erayada Guud ee Caymiska Daryeelka Caafimaadka
Baro qeexitaanada erayada guud ee ceymiska si aad si wanaagsan ugu fahanto ceymiskaaga.