Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Taageerada Wax-barida iyo Xirfadaha HCA
Hel wax-barid iyo hagitaan bilaash ah oo ku saabsan xirfadaha iyo aqoonta aad ugu baahan tahay si aad ugu baasto tabbabarkaaga iyo imtixaankaaga.
855-803-2095
Nagula soo xidhiidh adigoo adeegsanaya luuqadaada aad doorbideyso taleefoon ahaan ama iimayl barta peer.mentorship@myseiubenefits.org.
Waxaa nala heli karaa 9 a.m. – 5 p.m., Isniin-Jimce.
Waxaa laga yaabaa inaan caawinayno daryeel-bixiyayaasha kale, fadlan fariin nooga tag adigoo qeexaya waqtiga ugu habboon ee dib lagula soo xidhiidhi karo, oo waxaana dib kuu soo wici doonaa 48 saacadood gudahood.
Dhiiro-gelinta
iyo Aragtiyada
Anagoo naftigeena oo leh waayo'aragnimo xagga daryeel-bixinta ah, waxaan wadaagnaa talooyin, sheekooyin iyo xeelado dhab ah oo dhisaya kalsoonida oo aanba laga heleynin aqoonta buugaagta waxbarashada.
Taageerada
Shakhsi Ahaaneed
Haddii aad isku diyaarinayso HCA-gaaga ama aad baranayso xirfado cusub, waxaan bixinaa hagitaan ku habboon baahiyahaaga, kaas oo ka dhigaya hanaanka mid ka sii sahlan sidii hore.
Xulashooyinka Taageerada
Taageerada Iimaylka
Waxaad iimayl ugu diri kartaa Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) wixii ah su'aalahaaga iyo baahiyahaaga wakhti walbo. Waxaad filan kartaa jawaab 24-48 saacadood gudahooda.
Kulan Taleefan oo 30-Daqiiqo ah
Kalfadhigu wuxuu kaa caawin karaa inaad dib u cusboonaysiiso xirfadaha lagu barto fasalka oo aad kalsooni ku hesho daryeel-bixinta. Waxaad ballansan kartaa kulan taageero wakhti kasta—marka aad bilowdo daryeel bixinta, isku diyaari imtixaankaaga shahaado-qaadashada ee HCA ama xitaa ka dib markaad kolhore ku baastay imtixaanka.
Aqoon Isweydaarsiga Onleenka ah ee La Qorsheeyay
Xaadir aqoon isweydaarsiga onleenka ah ee tooska ah oo ka dhacaya Zoom si aad ugu hesho taageerada Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) oo bilaash ah onleen ahaan ku dhacaya oo aad ka helayso daryeel bixiyeyaasha kale ee adigoo kale ah. La xiriir Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) si aad wax badan uga ogaato aqoon isweydaarsiga onleenka ka dhacaya ee la heli karo.
Codsiga HCA ama Taageerada Imtixaanka
Ogaaw cida ay tahay inaad la xidhiidho haddii aad qabto wax su’aalo ah oo ku saabsan habraaca shahaadeynta, codsiga ama imtixaanka ee HCA.
Macluumaad Bilaash ah
iyo Bulsho
Waxaan ka jawaabi karnaa su’aalaha, sidoo kale waxaan kugu xiri karnaa agabyo waxtar leh iyo bulsho ku taageerta markaad bilaabayso daryeel-bixinta.
Kooxdaada Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Waxaan nahay daryeel-bixiyayaal shahaadeysan oo leh sannado khibrad ah oo ku aadan bixinta daryeel iyo ku hagidda dadka kale habraaca shahaadeynta ee HCA.
Minjie
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 13 sano ah, waxaana ku hadlaa Kantoniis iyo Mandarin.
“Noqoshada daryeel-bixiso waa hab wanaagsan oo aad ugu bilaabi karto safarkaaga Maraykanka—taasoo ku siinaysaa fursad aad ku dhisato xirfad, ku hesho dheefo wanaagsan, isla markaana aad dib ugu celiso taageero bulshada.”
Ghenet
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 13 sano ah, waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis, Amxaari iyo Tigrinya.
"Ha iskudayin inaad samayso wax walbo halmar. Xusuusnow inaad firfircoonaato, waqti u samaysato inaad nasato, si fiican aad cunto u cunto oo aadna raadsataa caawimaad"
Tammy
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 12 sano ah, waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis.
"Xaqiiji inaad waqti u jadwaleysato daryeelida naftaada – waxba lagama soo shubi karo koob madhan!"
Cecilia
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 9 sano ah waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis iyo Af-Isbaanish.
"Caawinta dadka laga yaabo inay dhibaato ka heysato sameynta hawlahooda maalinlaha ah waxeey noqon kartaa mid abaal-marin leh; samir lahaw oona faham yeelo, waxaadna arki doontaa farqiga aad sameyso."
Khahn
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 9 sano ah waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis iyo Af-Fitnaamiis.
"U shaqee si qalbigaada ka soo go'day, oo nala soo xiriir markaad u baahan tahay caawimaad!"
Kadro
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 8 sano ah waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis, Af-Soomaali iyo Af-Carabi.
"Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo noqoshada daryeele. Waxaad qabato waa wax aad u muhiim ah oona macne leh. Ku Faan!
Halima
Waxaan ahaa daryeel-bixiso soo shaqaynaysay muddo 11 sano ah waxaana ku hadlaa Af-Ingiriis iyo Af-Carabi.
"Samir lahaw, taageero raadso, oo nala soo xidhiidh haddii aad qabto wax su’aalo ama walaac ah! Kaligaa marnaba ma tihid! "
Ardeyda la shaqeysa peer mentor (waaniyeyaasha asaagaa) waxay noo sheegaan inay dareemaan kalsooni dheeraad ah oo ay ku qabaan xirfadahooda oo ay ugu diyaarsan yihiin inay sameeyaan imtixaankooda shahaado siinta.
Waad ku mahadsan tahay dhammaan taageeradaada. Waxaan ku baasay imtixaanka shahaado siinta ee HCA! Runtii waxay ahayd mid waxtar leh la hadalka Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa) Sunny, oo muuqaalada Xirfadaha runtii waxtar bay lahaayeen.
Waxaan dareemayaa kalsooni...waxaana diyaar u ahay inaan imtixaankeyga sameeyo!
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.
Taageerada Ardeyda Naafada Ah
Ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan oo ay helaan baahi-tir macquul ah si ay u helaan dhammaan barnaamijyada iyo hawlaha Training Partnership.
Qaynuunada Waxbarashada
Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.