Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)).
Balaadhi xirfadahaaga xirfadeed.
Koorsooyinka Continuing Education (CE, Waxbarashadda Dadka Wawayn) waxay bixiyaan maadooyin kala duwan, laga bilaabo guudmarka ilaa sahminta qotada dheer ee ku saabsan mawduucyo gaar ah oo ku habboon adiga iyo kuwa aad daryeesho.
Kobac
Waxay ku dhismaan aqoonta aad ka heshay (Basic Training) Tababarka Aasaasiga ah, iyagoo siinaya xirfado gaar ah oo dheeraad ah taageereyso macaamiisha.
Lacagaha
Waxaad heli kartaa illaa 12 saacadood oo lacag bixin ah sanadkii si aad u dhammaystirto koorsooyinka CE.
Dabacsanaanta
Koorsooyinku waxay diyaar ku yihiin qaabab kala duwan—ku baro si waafaqsan xawaarahaaga iyo waqtiga kugu habboon.
Wixii su'aalo ah oo ku saabsan helitaanka lacagta CE, shuruudaha tababarka ama sii heysashada heerka HCA ee Caadiga ah, fadlan la xiriir loo-shaqeeyahaaga.
Shuruudaha Sannadlaha ah
Waxyaabaha loogu baahan yahay Continuing Education (CE, Waxbarashadda Dadka Wawayn) waxay ku xeran yihiin nooca adeeg bixiyahaaga. Ka hubso loo-shaqeeyahaaga si aad u xaqiijiso shuruudahaaga CE iyo taariikhda loo qabtay.
Bixiyeyaasha dayeelka ee wata shuruuda CE
waa in ay dhammaystiraan 12 saacadood CE ee sannad walbaba. Marka lagu daro koorsooyinka online-ka ah, waxaad heleysaa tababar uu macallin toos u hogaaminayo, iyadoo loo marayo fasalo aqoon kororsiga onleenka ah iyo xaadirida qof ahaanta ah.
Bixiyeyaasha dayeelka ee aan wadan shuruuda CE
waxay leeyihiin ikhtiyaarka inay qaataan koorsooyinka CE ee onleenka ah.
Hel & Iska Diiwaan geli Koorsooyinka
Koorsooyinka waxaa lagu bixiyaa 3 qaabood: tababar onleen ah oo aad qaadan karto wakhti kasta adigoo raacaya xawaarahaaga, fasalo aqoon kororsiga onleenka ah iyo xaadirida qof ahaanta uu macallin hogaaminayo oo la jadwaleeya oo goobta lagu dhigto.
Waxaad arki kartaa dhammaan koorsooyinka diyaarka ah oo aad iska diiwaangelin kartaa adigoo adeegsanaya Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha). Eeg tilmaamayaasha tallaabo-ka-tallaabada ah si laguugu caawiyo inaad bilowdo.
Muuqaal Muhiim oo Ku Saabsan Koorsooyinka uu Macallinku Hogaamiyo
Taageerida Daryeelka Jirka
Fasalkani wuxuu diiradda saarayaa muhiimada daryeelka jidhka iyo maqaarka iyo doorka HCA-yada ee horumarinta maqaarka caafimaadka qaba. Fasalka waxaa kamid noqon doona dib-u-eegista xakamaynta caabuqa iyo farsamooyinka jidhka.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Aqoon kororsiga onleenka ah
Caafimaadka Halbowlaha Dhiiga ee Wadnaha
Baro wax ku saabsan nidaamka halbowlaha dhiiga ee wadnaha, xaaladaha caadiga ah, iyo hababka lagu caawin karo macaamiisha si ay u maareeyaan khataraha una ilaashadaan caafimaadka wadnahooda. Koorasku wuxuu sidoo kale daboolayaa jawaabta degdegga ah iyo sida loo bixiyo taageero.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Soo Xaadiritaanka Qof ahaaneed
Ka Ilaalinta HCA Daalka Naxariistu Keento
Fasalkan waxaa diirada lagu saarayaa fahamka waxa uu yahay daalka naxariistu keento iyo sida uu u saamayn karo daryeelka macmiilka. Fasalka waxaa ku jira astaamaha iyo calaamadaha iyo farsamooyinka kahortagga.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Aqoon kororsiga onleenka ah
Daryeelida Macaamiil
qaba Xanuun Aan Dhammaad Lahayn
Baro sida loo taageero macmiil qaba xanuun aan dhammaad lahayn, oo ay ku jiraan daryeelka dhamaadka nolosha, maaraynta murugada, iyo taageeridda dadka kale ee murugaysan. Kooraskani wuxuu sidoo kale sahmiyaa arrimaha caafimaadka, sharciga, iyo maaliyadda.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Soo Xaadiritaanka Qof ahaaneed
Daryeel Xushmad leh, Xasaasi ah
Fasalkani wuxuu diiradda saarayaa hubinta in HCA-yadu ay ku ilaaliyaan raaxaada macmiilka gurigiisa dhexdiisa iyaga oo siinaya daryeel guri oo dhaqan ahaan xasaasi ah. Fasalka waxaa ku jira tilmaamaha sida loo muujiyo xasaasinimada dhaqanka.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Aqoon kororsiga onleenka ah
Soo Wargelinta Waajibka ah
Baro sida loo garto calaamadaha xadgudubka, loogu gudbiyo walaacyada hay'adaha saxda ah, iyo sida loo caawiyo macaamiisha inay maareeyaan arrimaha halista ah. Kooraskani wuxuu sidoo kale daboolayaa istaraatiijiyooyinka looga hortago xadgudubka dadka waaweyn iyo carruurta.
Dhibcaha CE: 3 saacadood
qaabka Koorsada: Soo Xaadiritaanka Qof ahaaneed
Tools for Calm (Qalabka Maskax Dejinta)
Koorsadani waxay dabaraysaa aaladaha iyo xirfadaha garashada ee la taaban karo ee daryeelayaashu u adeegsan karaan hawl maalmeedkooda si ay u kordhiyaan maan ku fekerka, tusaale ahaan inay kordhiyaan wacyigooda deegaankooda, jidhkooda, dabeecadahooda, iyo fikradaha iyo shucuurta gudaha.
Dhibcaha CE: 6 saacadood
qaabka Koorsada: Aqoon kororsiga onleenka ah
Ka Bilow Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
- Arag shuruudaha tababarkaaga ee wakhti xaadirkan.
- Sahmi koorsooyinka Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ee la heli karo.
- Isku Diiwaangeli Koorsooyinka CE.
- Ku dhamaystir koorsooyinka onleenka ah luuqado badan.
Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
Awood u yeelo inaad isticmaasho dheefahaaga waxbarashada ee Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) ee My Benefits. Si fudud iskaga diiwaangeli oo ku dhamaystir tabbabarka onleen ahaan adigoo isticmaalaya kumbiyuutar ama taleefanka casriga ah.
Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.
Daliil-Hayaha Koorsada
Sahmi dheefahaaga waxbarashada iyo noocyada koorsada ee tayada sare leh si aad u kobciso xirafadaada shaqo ee daryeel bixinta. Daliil-hayaha wuxuu bixiyaa macluumaad ku saabsan manhajka koorsada, noocyada iyo qaabka koorsooyinkaaga.


