Dheefaha Taranka iyo Qoys-Dhisida
Hel dheefo markaad ku sugan tahay marxalad kasta oo nolosha ah, laga bilaabo wakhtiga tarmida iyo qoys dhisida ilaa uur qaadida, dhalmada ka dib iyo xilliga caado joogsiga.
Dheefaha taranka ee la xoojiyay ayaa waxaad hadda ka heli kartaa Progyny.
Progyny waxa ay bixisa caynsanaanta ku aadan daaweynadii ugu dambayay, taageerada la shakhsi ahaaneeyay iyo hagida ka socota U-doodayaasha U heelan Daryeelka Bukaanka (PCAs) iyo helitaanka daryeel qof ahaanta ah iyo mid fogaan araga oo tayo sare leh.
PCA-yadu waa meesha ugu horeysa ee la taaban karo ee safarkaaga ku aadan qoys dhisida. Waxay kugu hagi doonaan dhammaan muddada tarankaaga, qoys dhisida ama safarkaaga wakhtiga caado istaaga iyagoo ku siinaya waxbarasho ku saabsan barnaamijyada jira, xulashooyinka daawaynta, isku-duwidda daryeelka iyo taageerada loo heeganeeyay.
Marka lagu daro taageerada PCA-ga, waxaad marin u heli kartaa bogga interneetka iyo app-ka xubinta Progyny, halkaas oo aad ka arki karto faahfaahinta caymiska, dib uga eegi karto ballamaha soo socda, si toos ah ula xiriiri karto PCA-gaaga oo aadna marin uga heli karto waxbarashada taranka iyo qoys dhisida.
Wax badan baro ama hawlgeli dheeftaada adigoo wacaya 833-233-0517.
Daryeel bixiyayaasha ka diiwangashan caymiska daryeelka caafimaadka waxay heli karaan dheeftan laga bilaabo Agoosto 1, 2024.
Ka hor Uur-qaadida iyo Taageerada
Bilaabidda inaad ka fikirto qoys dhisida waxay dareemi kartaa culays badan. Iyada oo loo marayo Progyny, waxaad heli kartaa barnaamij 12 bilood ah oo loogu talagalay taageerada shakhsi ahaaneed, waxbarashada iyo agabka uur-qaadida caafimaadka leh iyo ilmaha faraxsan.
Taranka iyo Qoys-Dhisida
Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato ilaalinta taranka, isku dayeeyso inaad uur yeelato ama aad raadinayso daawaynta taranka, Progyny waxay kugu taageeri kartaa talaabo kasta oo jidka ku sii qaadeyso ayagoo kaa caawinaya:
- Helitaanka habboon ee shabakadaha takhasuska u leh taranka.
- Taageerada caafimaad iyo mid shucuureed oo aan xadidnayn oo aad ka heleyso PCA u heellan shaqadaas.
- Helida dhammaan adeegyada gaarka ah, baaritaannada iyo daawaynta aad u baahan karto.
Wakhtiga Caado Joogsiga iyo Daryeelka Nolosha Dhexe
Ka hel daryeelka ku baxaya sida fogaan araga ah dhammaan heerarka marxalada caado joogsiga dhakhaatiirta shahaadaysan, dhakhaatiirta cuntada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee shabakada Progyny. Ka dib sameynta qiimaynta hore, waxaad heli doontaa qorshe daryeel shakhsiyeed kaas oo isticmaalaya isku darka:
-
Daawooyinka aan hormoonnada ahayn iyo daawooyinka hormoonnada.
-
Taageerada qaab-nololeed ee nafaqada, miisaanka, hurdada iyo caafimaadka shucuureed.
-
Baaritaannada khatarta caafimaad ee da’da la xiriira. Waxaad sii wadi kartaa inaad hesho dib u buuxinada daawooyinka iyo taageerada la dalbado ilaa inta aad u baahan tahay.
U-soo Guurida Daryeelka
Haddii aad hadda ku helayso daawaynta taranka qorshahaaga ceymiska caafimaad oo ayna daawayntaaduna dhammaan doonin dhamaadka sanadka ceymiseedka (Luulyo 31, 2024), Progyny waxa ay bixisa isku-duwida u soo guurida daryeelka si ay kuu sii siiyo taageerada joogtada ah ee safarkaaga bacriminta iyo qoys dhisida .
Wac 1-833-233-0517 si aad ula hadasho PCA-ga kaas oo awood u yeelan doona inuu kaa caawiyo habka u soo guurida daryeelka oo uuna u xaqiijiyo inaysan dhicin wax carqalad oo ku aadan daryeelka.
Hel Ceymiska Daryeelka Caafimaad
Ku dhowr caafimaadkaaga ceymis tayo sare leh oo ka bilaabanaya $25 bishiiba! Caymiska waxaa ka mid ah, caafimaadka, ilkaha, aragga, oo ay la socdaan helitaanka tababbarka fayoobaanta, barnaamijyada la shakhsi ahaaneeyay iyo wax kaloo badan.
Taageerada Dheefaha Caafimaadka
Caawin u hel caymiska, xaq u yeelashada, codsashada iyo wax kale oo badan adigoo booqanaya ama ka wacaya Adeegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705.
Akoonka Dheefaha Caafimaadka
Si fudud ugu maareey dheefahaaga caafimaadka onleen ahaan. Akoon sameeyso si aad u hubiso xaq u yeelashadaada dheefaha, aad u codsato caymiska daryeelka caafimaadka iyo wax kale oo badan.
Isticmaal Caymiskaaga Daryeelka Caafimaadka
Ogaanshaha sida loo adeegso caymiskaaga caafimaadka waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga iyo fayo-qabkaaga. Baro sida looga helo faa’iidada ugu badan dheefahaaga.