Hagaha Caregiver
Learning Center
(Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)

Hagahan ayaa kaa caawin doona inaad bilowdo.

Haddii aad markii ugu horreysay isdiiwaangelinayso ama dib ugu soo laabanayso Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)), hoos ka hel macluumaad waxtar leh iyo tilmaamo tallaabo-ka-tallaabo ah.

Aasaaska

Marka ugu horeysa ee aad gasho, waxaad arki doontaa muuqaal soo dhaweyn ah iyo shuruudaha tababarkaaga. Guji Meesha Xigtaa (Next) si aad isu diwaangeliso ama u aragto Dashboardkaaga, halkaas oo aad ku arki doonto dulmarka tababarka iyo koorsooyinka diiwaangashan.

Isticmaal taabisyada hoose si aad u barato sida loo galo akoonkaaga, u dhex mari lahayd bogga, oo aad u maamuli lahayd astaantaada.

Si aad u gasho markii ugu horreysay ama aad dib ugu dejiso eraygaaga sirta ah, waxaad u baahan doontaa Aqoonsigaaga Qofka (ID) oo ka kooban 12 lambar. Haddii aadan aqoon, wac 1-866-371-3200ama iimayl u dir mrc@myseiubenefits.org

  1. Tag caregiverlearning.org oo guji Dib U Celi Baasweerkaaga (Reset Your Password). 
  2. Geli Aqoonsigaaga Qofka (ID) oo ka kooban 12 lambar, dabadeed guji Send Reset Link.
  3. Ka hubi iimaylkaaga farriinta cinwaankeedu yahay “New Password”, ka dibna guji xiriiriyaha ku jira iimaylka.
  4. Geli oo xaqiiji eraygaaga sirta ah ee cusub, dabadeed guji ”Change Your Password”.
  5. Ku noqo bogga gelitaanka, kadibna geli Aqoonsigaaga Qofka (ID) iyo eraygaaga sirta ah. Ka dibna guji Sign In.

Haddii ay tahay markaagu kuugu horreysay ee aad soo gasho, waxaad u baahan doontaa inaad akhrido oo aqbasho Shuruudaha Heshiiska adigoo calaamadinaya sanduuqa kadibna gujinaya I Agree. 

Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) waxay ku shaqaysaa kombiyuutarrada, tablet-yada, iyo aaladaha moobaylada.
Hubi in qalabkaaga iyo biraawsarkaaga ay yihiin noocyadii ugu dambeeyay.

  • Si aad u hesho khibradda ugu wanaagsan marka aad iska diiwaangelinayso tababarrada, isticmaal kombiyuutar, tablet, ama taleefan casri ah oo leh nooca ugu dambeeya ee Google Chrome ama Microsoft Edge.
  • Si aad u dhammaystirto koorsooyinka onleenka ah, abka GoLearn waa ikhtiyaari, balse wuxuu ku siinayaa khibradda waxbarasho ee ugu wanaagsan.
Fiiro gaar ah oo ku socota isticmaalayaasha Apple: Safari laguma talinayo. Si aad u hesho khibrad wanaagsan, isticmaal Google Chrome.


Kombiyuutarrada Desktop-ka iyo Laptop-ka

Nidaamyada hawlgalka ee la taageero:
• Microsoft Windows 8 ama ka sareeya
• macOS (labadii nooc ee ugu dambeeyay ee lasoo saaray)
• Inta badan nidaamyada Linux



Moobayl iyo Tablet

Waxaan ku talineynaa inaad tababarrada iskaga diiwaangeliso biraawsarka Google Chrome ama Microsoft Edge, isla markaana aad isticmaasho abka Go.Learn si aad u dhammaystirto koorsooyinka onleenka ah. Waxaad ka heli kartaa app-ka Apple App Store ama Google Play Store.

Nidaamyada hawlgalka ee mobaylka la taageero:
• iOS 13 ama ka sareeya
• Android 9.0 ama ka sareeya

Si aad u gasho bogag kala duwan:
Kombiyuutarka, isticmaal baarka hagidda ee ku yaala dusha sare ee bogga si aad u gasho bogagga muhiimka ah.
Moobaylka,
, guji astaanta menu-ga ee ku taala geeska bidix ee sare.

Haddii aad gashay xiriiriyeyaashu waxay si toos ah kuu geynayaan bogga.

Dhaashboodhka:
Dhaashboodhkaaga waxaad awoodaa inaad: 
• Eegto shuruudaha tababarka iyo taariikhda kama dambaysta ah.  
• Hubiso xaaladda isdiiwaangelintaada.  
• Aragto koorsooyinka laguu qorsheeyay (kuwa qof ahaanta loo xaadiro iyo webinar-rada).  
• La socoto horumarkaaga koorsooyinka onleenka ah.

Horusocodka Tabbabarka: 
Eeg koorsooyinka laguu diiwaangeliyay oo dhameystir Koorsooyinka. 

Jadwalkeyga:
Eeg webanaradaada la jadwaleeyay iyo fasalada xaadirida qof ahaanta loo xaadiro. 

Qorshayaasha Waxbarashada: 
Eeg Qorshahaaga Waxbarasho ee aad iska diiwaangelisay. Tani waxay khusaysaa Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) iyo qaar ka mid ah barnaamijyada ka kooban koorsooyin badan, sida Tools for Calm. Waxaad gujin kartaa Qorshaha Waxbarashada si aad u aragto koorsooyinka lagu soo daray.  

Bogga Astaanta
Guji astaanta menu-ga ee ku taala geeska bidix ee sare si aad u furto menu-ga.
Kadib guji astaanta qalinka si aad u furto bogga Profile-ka si aad:
 
• U beddesho baasweerkaaga
• U cusboonaysiiso luqaddaada ama aaggaaga waqtiga  
U beddesho sawirkaaga profile-ka  

Bogga Macluumaadkayga
Guji astaanta menu-ga ee ku taala geeska bidix ee sare si aad u furto menu-ga.
Kadib guji My Information (Macluumaadkeyga) si aad u aragto macluumaadkaaga xiriirka iyo faahfaahinta loo-shaqeeyahaaga.
 
Adigu ma cusboonaysiin kartid macluumaadkan. Haddii aad rabto isbeddel, la xiriir loo-shaqeeyahaaga. Marka macluumaadkaaga la cusboonaysiiyay loo soo gudbiyo SEIU 775 Benefits Group, akoonkaaga waa la cusboonaysiin doonaa.  

Isku Diiwaangeli Tabbabarka

La xiriir loo-shaqeeyahaaga si aad u xaqiijiso shuruudaha tababarkaaga iyo sida aad isaga diiwaangelin karto.
Si aad u hesho khibradda ugu wanaagsan marka aad iska diiwaangelinayso tababarrada isticmaal kombiyuutar, tablet, ama taleefan casri ah oo leh nooca ugu dambeeya ee Google Chrome ama Microsoft Edge.

Tababarka Jiheynta iyo Badqabka wuxuu kaa caawinayaa inaad shaqada ku bilowdo adigoo dareemaya diyaar-garow iyo kalsooni. Wuxuu daboolayaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan badbaadada, filashooyinkaiyo doorkaaga daryeel-bixiye ahaan. 


Is-diwaangeli:

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta. 
  2. Dooro oo guji luqadda aad doorbidayso ee ku qoran liiska.
    EN = Ingiriisi. Luqadaha kale la xiriir Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC).
  3. Riix badhanka Is-diwaangeli.
  4. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada.

Waad bilaabi kartaa, hakad galin kartaa, oo dib ugu laaban kartaa koorso waqti kasta.  

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 waa barnaamij tababar oo soconaya 70 saacadood kaas oo kuu diyaarinaya imtixaanka shahaadada Home Care Aide (HCA). Si aad u dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70, waxaad u baahan doontaa inaad: 
• Iska diiwaangeliso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70  
• Ka qayb gasho 8 maalmood oo buuxa (qiyaastii 49 saacadood) oo fasallada qof ahaanta loo xaadiro  
• Dhammaystirto 21 saacadood oo webinar-ro onleen ah 


Is-diwaangeli: 

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta. 
  2. Dooro Luuqadaada. 
  3. Guji badhanka Select ee ku yaala Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) si aad u sii waddo. 
  4. Isticmaal shaandhooyinka si aad u doorato taariikhda aad rabto inaad bilowdo iyo goobta aad doorbidayso. 
  5. Guji View Full Schedule si aad u eegto jadwalka oo dhan.  
  6. Haddii jadwalku kugu habboon yahay, guji badhanka Enroll. Haddii kale, guji X si aad u aragto xulashooyinka kale. 
  7. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada. 

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 waa barnaamij tababar oo soconaya 30 saacadood, inta badanna lagu qaato onleen adigoo ku baranaya xawaarahaaga.
Si aad u dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30, waxaad u baahan doontaa inaad: 

  • Iska diiwaangeliso oo aad dhammaystirto Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) ee Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30. 
    Qorshaha Waxbarashada waxaa ku jiraan 7 saacadood oo koorsada aasaasiga ee oonlaynka ah iyo Shaybaarka Xirfadaha ee qof ahaanta loo xaadiro muddo 3.5 saacadood ah.
  • Iska-diiwaangeli oo ku dhammaystir 20 saacadood oo ah koorsooyonka la doorto ee onleenka ah.  
    Waxaad dooran kartaa koorsooyinka la doorto ee ku habboon baahiyahaaga iyo baahiyaha dadka aad daryeesho. 

Tallaabada 1:
Iska Diiwaangeli Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) iyo Skills Lab

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta.
  2. Dooro Luuqadaada. 
  3. Guji badhanka Select ee ku yaala Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) si aad u sii waddo. 
  4. Isticmaal shaandhooyinka si aad u doorato taariikhda aad rabto inaad bilowdo iyo goobta aad doorbidayso. 
  5. Guji View Full Schedule si aad u eegto jadwalka oo dhan.  
  6. Haddii jadwalku kugu habboon yahay, guji badhanka Enroll. Haddii kale, guji X si aad u aragto xulashooyinka kale.
  7. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada. 

Talaabada 2:
Isku Diiwaangeli Koorsooyinka La Doorto:

  1. Ku noqo Dashboard-kaaga, kadibna guji badhanka Enroll ee ku jira Doorashooyinka.
  2. Dooro luuqadaada 
  3. Guji koorsada si aad wax badan uga ogaato. 
  4. Guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) ee bogga Koorsada.  

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 16 waa barnaamij tababar oo soconaya 16 saacadood, ee qaato onleen adigoo ku baranaya xawaarahaaga.
Si aad u dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 16, waxaad u baahan doontaa inaad: 

  • Iska diiwaangeliso oo aad dhammaystirto Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) ee Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 16. 
    Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) wuxuu ka kooban yahay 10 saacadood oo koorsooyin onleen ah.
  • Iska-diiwaangeli oo ku dhammaystir 6 saacadood oo ah koorsooyonka la doorto.  
    Waxaad dooran kartaa koorsooyinka la doorto ee ku habboon baahiyahaaga iyo baahiyaha dadka aad daryeesho. 

Tallaabada 1:
Iska Diiwaangeli Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) iyo Skills Lab

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta.
  2. Dooro Luuqadaada. 
  3. Guji badhanka Select ee ku yaala Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) si aad u sii waddo. 
  4. Isticmaal shaandhooyinka si aad u doorato taariikhda aad rabto inaad bilowdo iyo goobta aad doorbidayso. 
  5. Guji View Full Schedule si aad u eegto jadwalka oo dhan.  
  6. Haddii jadwalku kugu habboon yahay, guji badhanka Enroll. Haddii kale, guji X si aad u aragto xulashooyinka kale.
  7. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada. 

Talaabada 2:
Isku Diiwaangeli Koorsooyinka La Doorto:

  1. Ku noqo Dashboard-kaaga, kadibna guji badhanka Enroll ee ku jira Doorashooyinka.
  2. Dooro luuqadaada 
  3. Guji koorsada si aad wax badan uga ogaato. 
  4. Guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) ee bogga Koorsada.  

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9 wuxuu ka kooban yahay 9 saacadood oo koorsooyin onleen ah oo aad ku baranayso xawaarahaaga. 
Si aad u dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9, waxaad u baahan doontaa inaad: 

  • Iska diiwaangeliso Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) ee Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9 oo aad dhammaystirto 4 saacadood oo koorsooyin onleen ah oo waajib ah.
  • Iska-diiwaangeli oo ku dhammaystir 5 saacadood oo ah koorsooyonka la doorto ee onleenka ah.  
    Waxaad dooran kartaa koorsooyinka la doorto ee ku habboon baahiyahaaga iyo baahiyaha dadka aad daryeesho. 

Step1:
Iska diiwaan Geli Qorshaha Waxbarashada

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta.
  2. Ka dooro oo guji luqadda aad doorbidayso ee ku jirta liiska.
    EN: Ingiriis
    ES: Isbaanash
    KO: Kuuriyaan
    RU: Ruushka
    VI: Fitnaamiis
    ZN: Shiineys
  3. Riix badhanka Is-diwaangeli.
  4. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada.

Talaabada 2:
Isku Diiwaangeli Koorsooyinka La Doorto:

  1. Ku noqo Dashboard-kaaga, kadibna guji badhanka Enroll ee ku jira Doorashooyinka.
  2. Dooro luuqadaada 
  3. Guji koorsada si aad wax badan uga ogaato. 
  4. Guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) ee bogga Koorsada.  

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7 wuxuu ka kooban yahay 7 saacadood oo waxbarasho ah. 
Si aad u dhammaystirto Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7, waxaad u baahan doontaa inaad:
 
• Dhammaystirto 1 saac oo waxbarasho madaxbanaan ah. 
• Iska diiwaangeliso oo dhammaystir 6 saacadood oo tababar webinar ah oo uu hoggaaminayo macallin. 


Is-diwaangeli:

  1. Soo gal akoonkaaga, ka dibna raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta.
  2. Guji badhanka Select ee ku yaala Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) si aad u sii waddo 
  3. Isticmaal shaandhooyinka si aad u doorato taariikhdaada bilowga. 
  4. Guji View Full Schedule si aad u eegto jadwalka oo dhan. 
  5. Haddii jadwalku kugu habboon yahay, guji badhanka Enroll. Haddii kale, guji X si aad u aragto xulashooyinka kale.
  6. Guji Confirm (Xaqiiji) si aad u dhammaystirto isdiiwaangelintaada. 

Soo Degso Agabkaaga :
Si aad ugu diyaar garowdo fasalkaaga ugu horreeya, soo degso oo dhammeystir Ready or Not Questionnaire (Su'aalo-waydiimo diyaar ah iyo mid aan ahayn) iyo Agabkaaga Dijitaalka ah. Waxaad faylashan ka heli kartaa qaybta hoose ee bogga Qorshaha Waxbarashada (Learning Plan) ee Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7.   

Koorsooyinka Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) waxay kaa caawinayaan inaad dhisto xirfadahaaga oo aad xirfad ahaan korto. Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) ayaa looga baahan yahay qaar kamid ah daryeel bixiyaasha, waxaad kala xaqiijisan kartaa shuruudahaaga loo-shaqeeyahaaga.

Daryeel-bixiyeyaasha looga baahan yahay Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)): 
Waa inay dhammaystiraan 12 saacadood oo Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) ah sannad kasta.
Koorsooyinka ayaa lagu heli karaa 3 qaabood:
 
• Onlayn ahaan: Qaado koorsooyinka wakhti kasta adigoo onleen ku qaadanaya.  
• Aqoon kororsiyada onleenka ah: Koorsooyinka onlaynka ku baxaya ee la jadwaleeyay 
• Qof ahaanta loo xaadiro: Tababarro fasal oo jadwalaysan 

Daryeel-bixiyeyaasha AAN LOOGA baahnayn Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)): 
Waxay qaadan karaan koorsooyin onleen ah oo ah faa'iido ikhtiyaari ah ahaan. 

Si aad Iskugu Diiwaangeliso Koorsooyinka Onleenka ah:

  1. Soo gal akoonkaaga, oo raac tilmaamaha si aad u gaarto boggaaga Isdiiwaangelinta si aad u baadho koorsooyinka aadna iskaga diiwaangeliso. 
  2. Ku kala shaandhee Luqad Ahaan
  3. Guji koorsada si aad wax badan uga ogaato. 
  4. Guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) ee bogga Koorsada. 


Si aad Iskaga Diiwaangeliso Webinar-rada ama Fasallada Qof ahaanta Loo Xaadiro:

  1. Raac tallaabooyinka 1-2 ee kor ku xusan.
  2. Ku shaandhee nooca: dooro kuwa Qof Ahaanta Loo Xaadiro
  3. Guji koorsada si wax badan aad uga ogaato. 
  4. Qaybta Casharada Koorsada, guji badhanka Enroll ee jadwalka adiga kugu habboon. 
    (Isticmaal shaandhooyinka si aad u doorato taariikhda aad rabto inaad bilowdo iyo goobta)

Koorsooyinka Onlaynka Ku Baxaya

Waxaad bilaabi kartaa, hakad galin kartaa, oo dib ugu laaban kartaa koorso khadka tooska ah waqti kasta. Bog kasta oo koorsada kamid ah ayaa muujinaaya hormarkaaga waxaana ku jira qeexitaanka koorsada iyo agabka aad soo degsan karto oo ku jira salka hoose ee bogga. 

Si aad u dhammaystirto koorsooyinka onleenka ah, isticmaalka app-ka moobaylku waa ikhtiyaari, balse wuxuu ku siinayaa khibradda waxbarasho ee ugu wanaagsan.

  1. Hoos ugu rog bogga dashboard-ka si aad u aragto koorsooyinka aad iska diiwaangelisay. 
  2. Guji koorsada 
  3. Guji badhanka Start ama Resume, kadibna raac tilmaamaha. 

Inta badan koorsooyinka onleenka ahi waxay ku bilaabmaan qiimayn hordhac ah si loo ogaado waxa aad hore u taqaanay, waxayna ku dhammaadaan qiimayn gabagabo ah si dib loogu eego waxa aad baratay. Koorsadaada ayaa loo calaamadin doonaa inay dhammaystiran tahay marka aad dhammayso qiimaynta gabagabada ah kadib. 

  1. Hoos ugu rog bogga dashboard-ka si aad u aragto koorsooyinka aad iska diiwaangelisay. 
  2. Guji koorsada. 
  3. Guji badhanka Ikhtiyaarada/ ee ku yaala dusha sare ee bogga koorsada, kadibna dooro Unenroll. 

Koorsooyinka Qof Ahaanta Loo Xaadiro iyo Kuwa Aqoon Kororsiga Onleenka ah

Fasallada qof ahaanta loo xaadiro iyo webinar-radu waa koorsooyin jadwalaysan oo ay tahay inaad ka qayb gasho taariikhda iyo waqtiga la cayimay.

Ka eeg jadwalkaaga Dashboodhka ama Bogg jadwalkeyga 
Waxaad gujin kartaa kooraska si aad u aragto faahfaahin dheeraad ah. 

  1. Ka eeg jadwalkaaga bogga bogga Dashboard-ka.  
  2. Guji koorsada si aad ugu gudubto boggeeda. 
  3. Guji badhanka Ikhtiyaarada Jedwalka ee ku yaala dusha sare ee bogga.
  4. Dooro Beddelka Xiisada Diiwaangelinta si aad u aragto doorashooyinka kuu bannaan. 
  5. Guji badhanka Beddel ee ku yaala qeybta koorsada ee aad jeclaan lahayn inaad iska diiwaan geliso.   

Waxaad ku arki doontaa jadwalka cusub boggaaga Dashboard-ka.

  1. Hoos ugu rog bogga dashboard-ka si aad u aragto koorsooyinka aad iska diiwaangelisay. 
  2. Guji koorsada. 
  3. Guji badhanka Schedule Options/Unenroll ee ku yaala dusha sare ee bogga koorsada, kadibna dooro Unenroll. 
Fiiro gaar ah: Waxaad dib u jadwalayn kartaa koorsada Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah), balse kama bixi kartid (unenroll).

Ka eeg jadwalkaaga Bogga Dashboard-ka.  
Guji xiriiriyaha ee ku yaal dhinaca midig ee magaca koorsada si aad u bilowdo tababarkaaga webinar-ka. 

Si aad u isticmaasho Zoom, waxaad u baahan doontaa kombiyuutar, tablet ama taleefan casri ah oo leh cod iyo muuqaal, iyo sidoo kale xiriir internet ama WiFi oo deggan. Waxaan kugula talinaynaa inaad soo dejisato oo rakibto Zoom ugu yaraan hal maalin ka hor webinar-kaaga.

Ka soo dejiso Zoom qalabkaaga adigoo booqanaya zoom.us/download. 
Adeegso hagayaasha Bilaawida Zoom iyo fiidiyow, cod, iyo qoraal zoom ah si aad u barato sida loo xalliyo dhibaatooyinka codka iyo muuqaalka, loo isticmaalo astaamaha wada sheekaysiga, loona cusboonaysiiyo dejimahaaga ee Zoom.

Qoraalada & Dhibcaha Wareejinada

Eeg tababarrada aad dhammaystirtay, soo dejiso qoraalkaaga tababarka, oo hubi xaaladda codsiyada wareejinta dhibcaha tababarka ee aad gudbisay.

Si aad u aragto ama u soo dejisato qoraalkaaga tababarka (koorsooyinka aad dhammaystirtay iyo taariikhda tababarradaada), booqo Bogga qoraalka.

Kombiyuutar miis

  1. Guji Horumarka Tabbabarkaee ku yaala baarka hagidda ee dusha sare ee bogga.
  2. Dooro ka dooro Transcript liiska hoos u furmaya.
  3. Guji Eeg ama Soo Dejiso.

Moobayl & Tablet

  1. Guji astaanta menu-ga ee ku taal geeska bidix ee sare.
  2. Ka dooro Transcript menu-ga.
  3. Guji Eeg ama Soo Dejiso.
*Xogta Transcript-ka badanaa waxay ka muuqataa koorsooyinka la dhammaystiray 2 maalmood oo shaqo gudahood.

Isticmaal Bogga Wareejinada Dhibcaha si aad u aragto xaaladda codsiyada wareejinta dhibcaha tababarka ee aad gudbisay iyo dhibcaha tababarka ee la ansixiyay ee lagu daray diiwaankaaga ee koorsooyin lagu dhammaystiray meel ka baxsan Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha).

Kombiyuutar miis

  1. Guji Horumarka Tabbabarkaee ku yaala baarka hagidda ee dusha sare ee bogga.
  2. Dooro ka dooro Wareejinada Dhibcaha liiska hoos u furmaya.
  3. Guji Eeg ama Soo Dejiso.

Moobayl & Tablet

  1. Guji astaanta menu-ga ee ku taal geeska bidix ee sare.
  2. Dooro Wareejinada Dhibcaha menyuuga.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.