Akoonka Hawlgabka ee Onlaynka
Ka qeybgalayaasha Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) waxeey marin u heli karaan akoonkooda onlaynka, oo ay martigeliso Milliman.
Daawo lacagtaada oo badanayso
Eeg baaqigaaga akoonka oo arag wax-ku-bixinta uu kuu sameeyo loo-shaqeeyahaaga.
Marin u hel dukumentiyadaada
Dib u eeg dukumentiyada qorshahaaga, warbixinaha billaha ah iyo wax kaloo badan.
Hel agabyada qorsheynta hawlgabka.
Marin u hel qalabka xisaabinta hawlgabka, oo si gaar ah loogu naqshadeeyay daryeel-bixiyeyaasha, iyo qalabyada kale ee qorsheynta wakhti kasta.
Magacaaw ka-faa'iidayste
U qoondee ka-faa'iidayste ama qof heli doona lacagahaaga haddii aad dhimato.
Cusbooneysii macluumaadkaaga
Ku ilaali macluumaadkaaga xiriirka mid cusub si aad u hesho warbixinaha iyo cusboonaysiinta muhiimka ah.
Marin U Helka Akoonka & Caawinta
Akoonkaaga onleenka ah waxaa lagu heli karaa iyadoo ku qoran Ingiriisi, Isbaanish, Fiyatnaamiis, Kuuriyaan iyo Shiinees.
Guji falaadha ku taala dhinaca midig ee kore ee shaashada ee websaydhka Milliman si aad ugu isticmaasho akoonkaaga luuqadda aad doorbideyso.
Haddii aadan waligaa akoon samaysanin ama haddii aadan galin laga soo bilaabo Juun 2020, way sahlan tahay inaad furato. Sababo amni aawadood, waxaa jira dhowr tallaabo oo lagu xaqiijinayo aqoonsigaaga si loo hagaajiyo akoonkaaga. Tallaabooyinkan waxay gacan ka gaystaan in laga hortago dadka kale inay helaan lacagta ku jirta akoonkaaga.
- Tag Retirement: My Plan (oo uu marti-geliyo maamulaha dheefaha hawlgabka, Milliman).
- Guji “Register (Isdiiwaan geli)”.
- Waxaad u baahan doontaa PIN-ka (Lambarka Aqoonsiga Shaqsiga) Diiwaangelinta si aad u sii wado hannaanka gelitaanka.
PIN-ka waxaa laguugu soo diri doonaa cinwaanka iimayl ee kuugu fayl garaysan markaad furato Retirement: My Plan. addii aadan cinwaan iimayl lahayn, websaydhka ayaa ku waydiin doona inaad codsato PIN-ka Diiwaangleinta kaas oo laguugu soo diri doono cinwaanka boostada ee kuu fayl faraysan. Markaad hesho, gali PIN-ka si aad u sii wado hannaanka diiwaangelinta. - Samayso magac isticmaal iyo eray-sireed.
- Gal.
- Waxaa lagaa codsan doonaa inaad samaysato "Distribution PIN (BIINKA Qaybinta)" ee 8-da god ah*.
Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo gelidda ama aad su'aalo qabto, kala xidhiidh wakiilka Milliman Secure Retirement lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqaddaada. Wax badan ka Ogoow.
*Qaybtaan amaanka ayaa kaa caawinaysa kahortaga qaybinnada sharci darada ah; waxaad u baahan doontaa inaad adeegsato BIINKA Qaybinta marka aad diyaar tahay si aad lacag ugala soo baxdo koontadaada.
Ka-faa'iidaystaha waa qofka(dadka) heli doona lacagta ku jirta akoonkaaga haddii aad dhimato.
- Gal Retirement: My Plan.
- Guji sawir calaamadeedka Cinwaanka ee jira dhinaca midig ee kore oo dooro Beneficiaries (Ka-faa'iidaystayaal).
- Waxaad u baahan doontaa lambarada Sooshiyaal Sekuuritiga iyo taariikhaha dhalashada ee qof walbo oo aad go'aansato inaad doorato.
Xitaa haddii aadan wali daryeel bixiye ahaan u sii shaqaynaynin, dheeftaada hawlgabka ayaa wali ka sii shaqaynaya Retirement: My Plan.
Milliman ayaa ah maamulaha Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP). Milliman ayaa kuugu soo diri doona bayaanada akoonka iyo macluumaad dheeraad ah iimaylka ama boostada.
Retirement: My Plan Taageerada
Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo gelidda ama aad su’aalo qabto, kala xidhiidh wakiilka Milliman Secure Retirement lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.
Hawlgabka Daryeel Bixiyeyaashi Hore
Xitaa haddii aadan weli u shaqaynin daryeel bixiye ahaan, waxaad wali haysataa Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan (SRP) iyo khayraad kaa caawiya inaad isku diyaariso hawlgabka.
Erayada Guud ee Hawlgabka ee Ay Tahay in La Ogaado
Baro qeexitaannada erayada guud ee hawlgabka iyo qeexitaannada aad u baahan tahay si aad u ogaato si aad go’aan uga gaadho mustaqbalkaaga maaliyadeed.
Tilmaamaha Maaraynta Lacagta ee Daryeel Bixiyaha
Raadi kheyraadka mawduucyada sida caawinta cashuurta, qorshaynta hawlgabka, xisaabiyeyaasha hawlgabka, miisaaniyadda iyo wax kale oo badan.