Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah)

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) wuxuu ku siinayaa tabbabar laguu gaar yeelay oo ku saleysan nooca daryeel bixiyaha ee aad tahay wuxuuna kaa caawinayaa inaad bixiso daryeel dhamaystiran oo tayo sare leh.

Si aad iskaga diiwaangeliso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah), tag Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha).
Haddii aad tahay Adeeg Bixiyaha Hay'ada (AP), fadlan la xiriir loo-shaqeeyahaaga ka hor inta aadan isdiiwaangelinin.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70

Kaaliyaha Daryeelka Guriga Caadiga ah (HCA) ahaan, wuxuu kuu diyaariyaa inaad ku baasto imtixaanka shahaadada ee lagu noqdo HCA.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 waa tabbbar 70 saacadood ah oo kuu diyaarinaya macluumaadka iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu gudubto imtixaanka shahaadiga ah oo aad noqoto Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA). Wuxuu qaadan karaa ilaa 5 toddobaad si loo dhammaystiro.

Isdiiwaangeli sida ugu dhakhsaha badan si aad u xaqiijiso inaad dhamaystirto tabbabarkaaga marki la gaaro ama ka hor taariikhdaada kama dambaysta ah. 

Koorsada waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Amxaari, Carabi, Shiinees, Khmer, Kuuriyaan, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Fiyatnaamiis.

Waxaad codsan kartaa turjubaan xirfadle ah haddii aysan jirin wax koorsooyin ah oo kuu dhaw. 

Haddii aad sameeneysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 oo Ingiriisi ah oo leh turjubaan xirfadle ah, agabka koorsada oo turjuman ayaa sidoo kale lagu bixin karaa Nepali, Samoan, Tagalog, Yukreeniyaan, Laotiyaan, Farsi iyo Punjabi.

Wixii ah taageerada luuqadda, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30

Bixiyeyaasha Carruurta Qaangaarka ah, Bixiyeyaasha Adeegga Xaddidan iyo Adeeg Bixiyeyaasha Qoyska (waxaa ku jiro Adeeg Bixiyaha Waalidka ah, Aanaan-DDA ahayn), iyo Xaasaska ama Arrimaha Halyeeyada (VA) Xaaska ama Lamaanaha Guriga.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 waa koorso 30 saacadood oo uu qofku iswado, inta badan onleen kaliya ah. Waxaa ka mid ah:

  • Fasalka Shaybaarka Xirfadaha oo 3 saacadood iyo bar ah oo qof ahaan loo xaadiro.
  • 27 saacadood oo ah koorsooyonka onleenka ah.

Kadib markaad isdiiwaangeliso, waxaad bilaabi kartaa koorsooyinka onleenka ah wakhti walbo.

Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.

Haddii aad u baahan tahay taageero luuqad oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 9

Daryeel Bixiyeyaasha Bixiya Daryeelka Ku Simida ah.

Waxaad u baahan tahay inaad samayso 9 saacadood oo koorsooyin onleen ah si aad u dhamaystirto tababarkaaga. 

Dhammaan koorsooyinka ayaa la heli karaa kadib markaad is diiwaangeliso waxaadna bilaabi kartaa xilli walbo.

Koorsadan waxaa haddeer lagu bixiyaa Ingiriisi, Shiinees, Kuuriyaan, Isbaanish, Ruush iyo Fiyatnaamiis.

Haddii aad u baahan tahay taageero luuqad oo luuqad kale ah, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. ilaa 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7

Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah (DDA).

Waa inaad bogtaa dhammaan 7-da saacadood si aad u buuxiso shuruudahaaga. Waxaa ka mid ah:

  1. 1-saac oo waxbarasho madaxbanaan ah.
  2. 6-saacadood oo tabbabar macallin uu bixiyo ah (2 aqoon kororsiyo oo onleen ah).

Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 7 waxaa lagu heli karaa wakhti xaadirkan Ingiriisi, Amxaari, Cambodian/Khmer, Shiinees, Kuuriyaan, Ruush, Isbaanish, Soomaali Tagalog, Tigree, Yukreeniyaan iyo Fiyatnaamiis.

Haddii aad u baahan tahay taageero luuqadeed, fadlan kala xidhiidh Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC) lambarka 1-866-371-3200 (8 a.m. to 4:30 p.m. wakhtiga Pacific-ga, Isniin ilaa Jimce) ama mrc@myseiubenefits.org.

Tallaabooyinka Sida Loo Noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga ee Shahaada Haysta (HCA)

Hel Taageerada Shahaado Siinta ee HCA

Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan codsiga iyo shahaado siinta HCA?

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan codsiga ama shahaado siinta, wac Department of Health (DOH, Waaxda Caafimaadka) 360-236-2700 ama iimayl u dir hmccreview@doh.wa.gov.

Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan imtixaanka Kaaliyaha Daryeelka Guriga? 

Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan imtixaankaaga Kaaliyaha Daryeelka Guriga, wac Prometric 1-800-324-4689 ama iimayl u dir wahca@prometric.com.

Ma u baahan in lagaa caawiyo inaad noqoto HCA mushar qaato oo shahaado haysta?

Department of Social and Health Services (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka) Hogaamiyeyaasha (DSHS) ayaa kaa caawin kara geedi-socodka noqoshada HCA mushar qaato oo shahaado haysta.

Hel Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga Ah) 70 oo bilaash ah adigoo wax ka baranaya Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)

Haddii aad sameynaysid Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 70 iyo imtixaanka shahaado siinta ee HCA, waxaad la xidhiidha kartaa Waaniyaha Asaagaa si aad uga heshid hagid iyo taageero. Waxay kaa caawin karaan inaad fahamto waxa aad ku baranayso fasalka waxayna ku barayaan agabka koorsada inta aad isku diiyaarinayso inaad samayso imtixaanka HCA.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.