• Dul istaaji muuskaaga sawirka si aad u joojiso.
  • Jiid si aad ugu kala wado sawirada dhexdooda.
  • Taabo sawir si aad u joojiso.
  • Jiid aad si aad ugu kala wado sawirada dhexdooda.

Tilmaamahan ayaa ku dhex qaadsiinaya bilaabida akoonkaaga cusub ee Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha), oo ay kujirto gelitaanka akoonkaaga markaagii kuugu horreysay, barashada sida loo dhex maro bogagga iyo maaraynta wajahadaada iyo dookhahaaga. Haddii aad kaliya galeyso markaagii kugu horreysay ama aad u baahan tahay inaad dib u hagaajiso baasweerkaaga, aqriso tilmaamahan kaa caawinaya inaad bilowdo.

Gal akoonkaaga markaagii kugu horreysay
ama Dib u hagaaji baasweerkaaga

Si aad u gasho koontadaada markii koobaad ama aad u badesho baasweerkaaga, waxaad u baahan tahay inaad taqaano aqoonsigaaga (ID) ardayga ee 12-ka god ah si aad u gasho. Haddii aadan aqoon, wac 1-866-371-3200 ama iimeyl u dir mrc@myseiubenefits.org.

  1. Aad caregiverlearning.org oo guji Xiriiriyaha Dib-u-deji baasweerkaaga .
  2. Geli aqoonsiga (ID) ardaygaaga kadibna guji badhanka Dir Linkiga Dib-u-hagaajinta.
  3. Waxaa laguu soo diri doonaa iimeyl ciwaankiisu yahay “New Password (Baasweer Cusub)”. Guji xiriiriyaha ku jira iimeylka.
  4. Geli oo xaqiiji baasweerkaaga cusub oo guji Badel Baasweerkaaga.
  5. Guji lifaaqa Sign In si laguugu qaado bogga gelitaanka. Geli aqoonsigaaga Ardayda 12-ka god ah iyo baasweerka cusub kadibna guji batoonka Sign In.

Haddii ay tahay markii koobaad ee aad gelayso waxaad u baahan tahay inaad akhrido aadna aqbasho Shuruudaha Heshiiska adoo tigsaaraaya bokiska kadibna gujinaaya batoonka I Agree (Waan aqbalay).

Shuruudaha Qalabka iyo Nidaamka

Haddii aad adigu heli karto, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad isticmaasho aalada la bixiyay ee SEIU 775 Benefits Group. Haddii aad dooratid inaad kaligaa isticmaasho, hagida soosocota ayaa la bixiyaa si loogu oggolaado khibradda isticmaalaha ee ugu fiican.

Waxaa si weyn lagula talinayaa inaad isticmaasho nooca ugu casri san biraawsarkaaga. Waxaan taageeri doonnaa 2-da nooc ee ugu waaweyn biraawsar kasta.

  • Microsoft Edge
  • Mozilla Firefox
  • Google Chrome

Waxaa si weyn lagula talinayaa inaad isticmaasho nooca ugu casri san ee nidaamkaaga howlgalka.

 

Desktop / Laptop

  • Microsoft Windows
  • OSX (labada nooc ugu dambeeyay ee lasoo saaray)
  • Qeybo badan oo ka mid ah Linux

 

Moobayl / Tablet

Waxaad adeegsan kartaa abka moobaylka ee Go.Learn ama biraawsarkaaga moobaylka. Khibradda ugu fiican ee aan kugula talineyno isticmaalka abka, taas oo taageeraysa cabir kasta oo shaashad ah iyo aaladaha duuga ah. Waad soo degsan kartaa app-ka adoo raadinaya “Go.Learn” Apple Store ama Google Play Store.

  • iOS: Biraawsarka Safari laguma talinayo, u isticmaal biraawsarka Chrome si aad u hesho waayo-aragnimo wanaagsan.
  • Android: Nooca biraawsarka kaliya wuxuu taageeraa tabletyada Android-ka ah kaas oo leh shaashad 8” ah.

My Benefits (Dheefaheyga)

Kani waa bogga wajahada hore ee aad arkayso ka dib markii aad gasho.

Muuqaal Shaqsiyeedka:

Eeg oo tafatir sawirkaaga astaanta, luqadda aad doorbideyso iyo waqtiga. Sidoo kale waad beddeli kartaa baasweerkaaga haddii aad taqaanid lambarkaaga baasweerka ee hada.

Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)

Dhaashboodhkaaga halkaas halka aad ka arki karto shuruudaha tababarkaada hadda, soo koobitaanka macluumaadka muhiimka ah iyo xiriiriyeyaal dhaqsi ah oo kaa caawinaya inaad dhammaystirto tababarkaaga.

Jadwalkeyga

Eeg liiskaaga ee loo jadwaleeyay Aqoon kororsiga onleenka ah iyo Xaadirida qof ahaanta ah ee waqti cayiman.

Hawsheyda Tabbabarka

Eeg koorsooyinka iyo wadarta saacadaha tababarka loo baahan yahay ee aad dhameystirtay.

Koorsooyinkayga

Fiiri koorsooyinka aad hada ka diiwaangashan tahay. Koorsooyinka waxaa loo habeeya u diiwaan gashan, ku hawl jira iyo la dhameeyay.

Raadi Koorsooyinka

Shaandhey ama raadi si aad u hesho Koorsada Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ee adiga kugu habboon. (Boggan waxaa kaliya arki kara oo keliya ardayda Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn).

Macluumaadkayga

Ka eeg macluumaadka shuruudahaaga xiriirka, shaqada iyo tababarka diiwaanada loo shaqeeyahaaga.

Maaree Wajahadaada iyo Dookhahaaga

Dib u eeg macluumaadka shuruudahaaga xiriirka, shaqada iyo tababarka.

  1. Guji calaamada dookhyada kadibna dooro My Information.
  2. Dib u eeg xogtaada. 
  3. Si aad wax ka beddelaadyo ugu sameysid, la xiriir shaqo-bixiyahaaga.

Fadlan la Xiriir shaqo-bixiyahaaga si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga, wax ka beddlaadyo ah kama sameyn kartid akoonkaaga onleenka ah.

Haddii aad tahay Daryeel Bixiye Shaqsi ah (IP), la xariir CDWA si toos ah ood kala xariiri karto 866-214-9899. Haddii aad tahay Hay'ad Daryeel Bixisa (AP), la xiriir loo-shaqeeyahaaga. Marka shaqo-bixiyahaaga oo uu usoo diro macluumaadkaaga la cusboonaysiiyay SEIU 775 Benefits Group, macluumaadkaaga wajahada waa la cusboonaysiin doonaa.

Wax ka beddelaadyo ku samey astaanta akoonkaaga ama dookhahaaga.

  1. Guji astaanta menu-ga oo guji astaanta qalinka ee si aad u aragto bogeyga My Profile .
  2. Guji taababka dhanka bidixda si aad: 
  • U eegto macluumaadkaaga shaqsiyeed oo beddel sawirkaaga wajahada.
  • U beddesho baasweerkaaga (haddii aad garaneyso baasweerkaaga hadda).
  • U beddesho luqaddaada aad doorbidayso ama aaggaaga waqtiga.

Beddel baasweerkaaga.

  1. Bogga Wajahadeyda, isticmaal tababka dhanka bidixda si aad u doorato Beddel Baasweerkaaga.
  2. Geli baasweerkaaga hadda ah iyo midka cusub.
  3. Guji badhanka Change Your Password.

Beddel luqaddaada aad doorbidayso ama aaggaaga waqtiga.

  1. Bogga Wajahadeyda, isticmaal tababka dhanka bidixda si aad u doorato Luuqadda iyo Aaga Waqtiga
  2. Guji liiska hoos u jiitama si aad u doorato luuqada aad doorbideyso iyo aagaaga waqtiga.
  3. Guji badhanka Save Changes.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.