Dheefaha Gunnooyinka
Dheefo badan oo aad ku helayso lacag la'aan*—oo loo qaabeeyay inay kaa caawiyaan inaad caafimaad-qab ahaato, walbahaarka kaa yaraado, aad badqab ku hesho goobta shaqada.
Sharciyada xaq u yeelashada ayaa shaqaynaya.
U bood:
Caregiver Kicks
Kabo bilaash ah oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha oo raaxo, badqab iyo xarago leh—dukaameyso in ka badan 70 nooc oo ay soo saareen shirkadaha sida Reebok iyo Skechers.
Qalabka loogu talagalay Xassiloonida
Baro agab muuqda oo lagu daweeyo walbahaarka. Koorsada waa kulamo la qabto 6-di toddobaadba mar, muddo 1 saac ah waxaana lagu qaadan karaa dhibcaha Waxbarashadda Dadka Wawayn.
Headspace Care
Ku xidho tababare khabiirka ah adigoo adeegsanaya App-ka Headspace Care si aad u hesho talo iyo hagitaan ku saabsan dhimista walbahaarka, la socodka yoolasha nolosha iyo jimicsiga iyo helida dhiirigelin – dhammaan iyada oo loo marayo fariin-diritaano qoraal ah oo sugan.
Ilmaha kugu tiirsan ayaa sidoo kale ku helaysaa Daryeelka Headspace Care lacag la'aan.
Resource Finder
Haddii adiga ama xubnaha qoyskaaga aad caawin u baahan tihiin, sida caawinta baahiyaha aasaasiga ah, kheyraadka dareenka shucuurta ama kaalmo sharci, waa jira dhawr nooc oo bilaasha ah, qiimo jaban oo aad heli karto.


