- Learning
Arag CE-yada Cusub ee Onlaynka Laga Heli Karo ee La Sii Daayay Sanadkan
Sannad kasta, koorasyo cusub oo Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE) ah ayaa la curiyaa si loo bixiyo fursadaha waxbarashada ee ku habboon baahiyaha kala duwan ee daryeel bixiyaha iyo macmiilka. Waa fursad weyn in laga war doono haddii ay jiraan bixinno cusub oo wax ka beddeli kara daryeel-bixintaada ama noloshaada.
Sannadkan waxa jira koorsooyin kaa caawin kara inaad naftaada ama nafta macmiilkaaga ku ilaaliso goobta shaqada, la xidhiidho macaamiisha aan hadal ahaanta isgaadhsiinta u sameynin ama kuwa qaba asaasaqa, iyo sida loo daryeelo macaamiisha LGBTQ+.
Baro wax dheeraad ah oo ku saabsan CE-yada onlaynka laga heli karo ee la sii daayay 2024 oona ka war doon haddii ay kugu habboon yihiin. Koorsooyinkan ayaa lagu heli karaa iyagoo ku qoran Af-Ingiriisi, Af-Shiinees, Af-Kuuriyaan, Af-Ruush, Af-Soomaali, Af-Isbaanish, Af-Fiyatnaamiis iyo Af-Yukreen.
Aad Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaasha) si aad isaga diwaangeliso koorsooyinka onlaynka ee CE kuwaasoo kaa caawin kara inaad xoojiso xirfadahaaga daryeel bixinta maanta!

3 saacadood
Daryeelida Macmiilka Adeegsada Wadaxiriirka Aan Hadalka Ahayn
Macaamiisha adeegsata wadaxiriirka aan hadalka ahayn waxeey soo bandhigi karaan caqabado gaar ah. Baro sida loo habeeyo farsamooyinka daryeelka si loo taageero macmiilka aan hadal ahaanta ku xidhiidhin.

1 saac
Ka Hortaggida Shilalka iney ka dhacaan Guriga
Ka caawi macaamiisha inay shil la'aan ku joogaan gurigooda. Baro siyaabaha aad uga hortagi karto dhicitaanka, gubashada, sumowga, ama shilalka kale ee guriga ka dhici kara.

2 saacadood
La Xiriirida Macaamiisha Qabaan Asaasaqa
Daryeelida macaamiisha qaba asaasaqa waxay keeni karaan caqabado gaar ah. Isticmaalka farsamooyinka isgaarsiineed ee saxda ah ayaa kaa caawin kara inaad si hufan oo ixtiraam leh uga jawaab-celiso.

1 saac
Horudhaca Daryeelidda Macaamiisha LGBTQ+
Baro waxa ku saabsan baahiyaha daryeel ee macaamiisha LGBTQ+ iyo sida loo siiyo daryeel sugan macaamiishan.

2 saacadood
Dhaawacyada
Goobta Shaqada
Baro muhiimada aqoonsashada iyo wax ka qabashada dhaawacyada goobta shaqada, iyadoo la adeegsanayo falcelinta gargaarka degdega ah ee dhaawacyada ugu caamsan iney ka dhacaan goobta shaqada iyo soo wargelinta dhaawacyada goobta shaqada.
Ma u baahan tahay caawin?
- Eeg Caregiver Learning Center Guide (Hagaha Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) si aad wax badan uga ogaato sida loo galo oo loo dhamaystiro tabbabarkaaga.
- La xidhiidh Xarunta Macluumaadka ee Xubinta (Member Resource Center, MRC) si aad tabbabar iyo caawin ugu hesho luuqadaada.
- Haddii aad qabto su'aalo ku saabsan shuruudaada CE, lacag-bixinta ama wakhtiga kama danbeysta, fadlan la xidhiidh loo-shaqeeyahaaga.
Wadaag:

Qaabee Mustaqbalka Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn)
Soo dejiso bandhigga aqoon isweedaarsiga CE oo la wadaag waxa Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)) aad jeclaan lahayd in mustaqbalka aad aragto.

Dhibcaha Amaahda oo La Fududeeyey
Sahmi sida dhibcaha amaahda u shaqeyso iyo sababta ay muhiim u tahay. Baro qodobada muhiimka ah, sida taariikhda lacag-bixinta iyo isticmaalka amaahda, oo hel talaabooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajin karo dhibcahaaga amaahda.

Sida Bixiyeyaasha Daryeelka Uga Faa’iideysan Karaaan Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP)
Eeg sida Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) u kaa caawinayo inaad dhisto keydin dhab ah oo lacag ah adigoo ka faa’iidaysanaya wax-ku-bixinta loo-shaqeeyaha uu bixiyo. Lacag lagama jarayo mushaharkaaga; akoonkaaga hawlgabku si toos ah ayuu u korayaa saacad kasta oo u-qalanta oo aad shaqeyso.

Jadwalka Dhameystiran ee CE-da Shaqsi Ahaaneed ee Sanadka 2025 ayaa Hadda La Heli Karaa
Dhammaan fasallada CE-da shaqsi ahaaneed ee 2025 ayaa hadda la heli karaa si aad ikaga diiwaangeliso. Hel tababar gacan-ku-hayn ah, taageero macallinka oo toos ah, iyo xiriirinta asxaabta. Waxaa loo heli karaa HCA-yada ama Xaasaska/Lamanayaasha Guriga ee VA.

Shaqooyinka Daryeel Siinta oo lala Fududeeyay Carina
Raadi shaqooyin daryeel siin oo la jaanqaadaya xirfadahaaga, baahiyahaaga, iyo goobtaada adigoo adeegsanaya madasha shaqo ku beegidda fudud, degdegga, oo ammaanka ah ee Carina.

A Simple Guide to Budgeting
Managing your money doesn’t have to be overwhelming. A budget is a simple way to track your income, control your spending, and make the most of your money.



