Hel taageerada yoolalkaaga gaarka ah ama caqabadaha ku haysta — markasta, meel kasta.
Ku xirnoow tababare khabiir ah adigoo adeegsanaya App-ka Headspace si aad u hesho talo iyo hagitaan ku saabsan dhimista walbahaarka, la socodka yoolasha nolosha, helida dhiirigelin iyo waxyaabo kale.
Haddii aad shaqeynayso ugu yaraan 1 saac bishii adiga oo ah daryeele waxaad helaysaa tababarka iyo khayraadka maktabada ee aan xadidnayn ee Headspace Care.
Ilmaha kugu tiirsan ayaa sidoo kale ku helaysaa Daryeelka Headspace Care lacag la'aan.
Sida Headspace Care kuula shaqeynayso.
- Hel tababar khibradeed oo aad ku helayso fariin qoraal amaan ah iyo qorshe gaarka ah oo kaa caawinaaya gaarista yoolalkaaga.
- Mudeyso kulannada kadib saacadaha shaqada iyo maalmaha fasaxa asbuuca.
- Xog badan ka ogoow xirfadaha cusub iyo dabeecadaha caafimaadka leh.
- Hel taageero marka xaaladuhu xumaadaan.
- Hel maktabada buuxda ee khayraadka Headspace.
Wax kasta waxaa lagu sameeyaa abka.
Waxaad dookhan kartaa tababare, waxaad mudeysan kartaa kulannada wada sheekaysiga tooska ah oo aad helayso wakhtiyo ku anfacaaya waxaadna helaysaa taageero.
Tababarahaaga ayaa kaala shaqeyn doona abuurista qorshe kuna siinaaya tallada xogta laga soo qaadaayo maktabada Headspace, si aad uga sii shaqeyso yoolalkaaga wakhtigaaga gaarka ah. Maktabada waxaa ku jira tilmaamo, shaqooyin, casharo, iyo warbaahinno ku siinaaya tilmaan ku aadan mawduucyada kaladuwan si lagaaga caawiyo joogtaynta caafimaadkaaga dhimirka.
La shaqeynta tababaraha Headspace ayaa kaa caawin karta:
- Maaraynta walwalka iyo xanaaqa maalin kasta
- Abuurista caadooyin caafimaad badan
- Inaad ka gudubto isbadellada waawayn ee nolosha ama caqabadaha
- Hel hurdo nasiino badan
Biloow adeegga Headspace Care.
Si aad u hesho koontadaada bilaashka ah waxaad u baahan doontaa inaad adeegsato ciwaanka iimeelka ee ku xiran Koontadaada Gunnooyinka Caafimaadka.
- Soo degso abka Headspace Care.
- Adoo dooranaaya dookha "My Organization (Ururkayga)".
- Raac tilmaamaha waadna gashay abka!
Cilad miyaad kala kulantay? Fadlan la xiriir Taageerada Macaamiisha oo aad ka helayso abka, ama iimeel ugudir caresupport@headspace.com.
Niyad dejinnada bishii ee tooska ah iyo aqoon kororsiyada sadexdii biloowba mar.
Kuligeen waan u baahan nahay daganaansho gaaban oo aan ka dhex samaynayso jadwaladeena mashquulka badan. Marka kula soo biir kooxda Headspace Niyad dejinnada bishii ee tooska ah iyo aqoon kororsiyada sadexdii biloowba mar si aad u taageerto caafimaadkaaga dhimirka.
Bil kasta, macalinka Headspace ayaa hagaaya niyad dejin toos ah oo soconaysa 30 daqiiqo iyo Su'aalo iyo Jawaabo kaa caawinaaya dejinta maskaxdaada aadna ku samaynayso istarees bi'in.
Sadexdii biloodba mar, tababareyaasha, baxnaaniyaasha, iyo macalimiinta niyad dejinta ayaa qabanaaya aqoon korosiyada halka saac soconaaya kaasoo bixinaaya taageerada khubaradu bixinayso ee ku aadan mawduucyada caafimaadka dhimirka sida dhisida xiriirada, ka gudbida murugta, iyo helista hurdo fiican.
Waxay dhabtii iga caawisay oo ay iga taageertay inaan ka bogsado murugadi iyo niyad-jabki aan ku sugnaa. Wax wayn ayay ii tartay.


