- Self-Care
Dheefaha Faya Qabka Shucuurta ee Daryeel Bixiyaasha
Aduunyadu waa mid markasta isbadbadalaysa, maalin kastana waxyaabo badan ayaa soo jiita dareenkeena – dagaalka joogtada ah ee dhimirka. Tan ayaa walaac ku abuuri karta qof kasta, laakiin si gaar ah daryeeleyaasha, markasta muhiimada saara baahiyaha dadka kale in ka badan naftooda. Haddii aan la helin taageero iyo khayraad wanaagsan, tan ayaa abuuri kara walbahaar, walwal, niyad jab, caajis ama dareennada go'doonka mararka qaar.
Haddii aad ciladahaan qabto, gunnooyinkaaga caafimaadka ayaa ku caawin kara. Haddii aad tahay daryeele haysta caymiska caafimaadka ee ay bixiso SEIU 775 Benefits Group, waxaad helaysaa noocyada kaladuwan ee gunnooyinka sida ugu wanaagsan ugu haboon jadwalkaaga iyo baahiyahaaga caafimaadka oo lagu baxsho qorsheyaasha caafimaadka ee Kaiser Permanente iyo Aetna.
Bishaan Wacyi Gelinta Caafimaadka Dhimirka, baro 4 nooc oo kamid ah gunnooyinka aad helayso si u taageerto caafimaadkaaga shucuurta.
1. Ababka taleefoonka casriga ah
Ababka ayaa kuu sahlaaya inaad hesho taageero marka aad doonto, meesha aad doonto adoo adeegsanaaya taleefankaaga, taableedka ama kumbuyuutarka.
- Dhammaan daryeeleyaasha (kuwa ku jira iyo kuwa ka baxsan qorshaha) ayaa heli kara Headspace Care, halkaas oo aad kala xiriiri karto tababare khabiir ah si uu kuu siiyo tallo, tusmayn iyo dejinta yool. Marka aad helayso Headspace Care, waxaad sidoo kale helaysaa baxnaaninta muuqaalka lagu baxsho, niyad dejinta la hagaayo, tilmaamaha hurdada iyo niyad dejinta si bilaash ah. Wax badan ka Ogoow.
- Kaiser Permanente: Macaamiisha Kaiser Permanente ayaa soo degsan kara Calm, oo ah ab laga helo niyad dejin iyo jir dejin. Iskuday inaad samayso niyad dejin gaaban ama sheeko hurdo marka xigta ee aad hawada soo qaadanayso aad nasanayso. Wax badan Ka Ogoow.
2. Taageerada Xirfadlaha
Talo bixinta iyo baxnaaninta taqasuska ayaad ku helaysaa qaab toos ah ama oonlayn ah aadna ka helaysaa caymiskaaga adoo dhiibaaya qayb yar. Haddii aad haysato midkood qorsheyaashaan caymiska, gal Bartaada Macmiilka si aad u hesho dhakhtar aadna u mudeysato balan.
- Aetna: Aetna ayaa sidoo kale bixisa adeegyada Alma iyo Headway, adeegyo oonlayn ah oo kaa caawinaaya inaad hesho dhakhtar waafaqsan dookhyadaada iyo luuqadaada.
3. Tabbabarka Fayoqabka
Faya qabka jirka ayaa aad ugu xiran faya qabka shucuurta. Tababaraha faya qabka ayaa kaa caawin kara dejinta yoolalka iyo inaad ku dhaganaato, maarayso xanuunka, cunto cunno caafimaad leh, kordhiso jimicsiga jirka aadna yareyso walwalka si aad u dareento sida ugu fiican.
- Kaiser Permanente: Tababarka faya qabka ayay heli karaan dhammaan macaamiishu, ayadoo aan loo baahnayn wax soo gudbin ah. Wax badan ka Ogoow.
- Aetna: Aetna ayaa bixisa AbleTo, barnaamij gaar ah oo 8 asbuuc socda oo ay bixiyaan kooxdaada daryeelka kaasoo ay ku jiraan noocyada isku dhafan ee baxnaaninta iyo talo bixinta. Wax badan ka Ogoow.
4. Tusmooyinka Faya qabka Oonlaynka ah
Haddii aad xiiseynayso tilmaamaha qaab nololeedka, muuqaallada xogta bixinaaya ama dookhyada cuntada caafimaadka leh, labadaba Khayraadka iyo Aetna ayaa bixiya noocyada balaaran ee kaladuwan ee khayraadka oonlaynka ah oo qof kasta uu heli karo ayadoo aan loo eegayn caymiskiisa caafimaadka.
- Kaiser Permanente: Noocyada badan ee farqadaha iyo muuqaallada ayaad helaysaa si ay kaaga caawiyaan wax kasta laga bilaabo niyad dejinta ilaa hurdada ilaa faya qabka jirka. Wax badan ka Ogoow.
- Aetna: Tusmada Nolosha Caafimaadka Leh ayaad ka helaysaa tilmaamaha khibrada iyo khayraadka si aad u abuurto dabeecadaha caafimaadka leh aadna u hagaajiso dareenkaaga. Wax badan ka Ogoow.
Haddii aad xiiseynayso gunnooyinkaan aadna u baahan tahay khayraad ku baxaaya luuqad aan ahayn Ingiriis, wac laynka Taageerada Macaamiisha ee qorshahaaga:
- KPNW: 1-800-324-8010
- KPWA: 1-888-901-4636
- Aetna: 1-866-353-9802
Xasuusnoow, daryeel bixintu maaha keliya bixinta daryeelka ugu wanaagsan ee dadka kale, waa inaad wakhti siisaa naftaada si aad u hesho daryeelka aad u baahan tahay.


