Caregiver Kicks
Hel kabahaaga Caregiver Kicks ee bilaashka ah* — oo simbirixada reeba — sanad walbo!
*Sharciyada xaq u yeelashada ayaa shaqaynaya
-
Raaxo leh.
-
Kugu ilaalinayaan shaqada.
-
Quruxda badan.
-
Waxaa lagu heli karaa 70 nooc ka badan, oo ay soo saareen shirkado caan ah sida Reebok iyo Skechers.
Wixii su’aala ah ee ku saabsan xaq u yeelashada ama dalabka, wac 1-877-606-6705.
8 a.m.-6 p.m. Pacific time, Isniin ilaa Jimce.
Raaxada iyo Badqabka
Daryeel bixiyeyaasha waxay dhahaan Caregiver Kicks waxay wanaajin karaan xanuunka cagaha iyo dhabarka, waxayna kaa caawin karaan sagxadaha simbiririxashada leh ee guryaha dhexdooda. Daawo muuqaalka badqabka. Kabahaaga Caregiver Kicks waxaa loo nashqadeeyay inaad badqab kaga hesho shaqada iyaga oo kaa caawinaya simbiraxada meelaha qoyan ama sibibixa ah. Looma nashqadeeynin in lagu isticmaalo barafka, xaaladaha barafka ah ama qolka jimicsiga.
Hel 1 joog kabo ah oo bilaash ah 12 bilood walbo.
Si aad xaq ugu yeelato, waa inaad shaqeyso 160+ saacadood labo bilood (80 saacadood 1 bil, 80 sacaadood bisha xigta). Bisha 4-aad, waxaad xaq u yeelanaysaa waxaadna dalban kartaa kabo. Daryeel bixiyeyaasha sii wada inay saacado ku filan shaqeeyaan si ay xaq ugu yeeshaan barnaamijka ayaa dalban kara kabo cusub 12 bilood kadib marki ugu danbeysay ee kabo loo keenay.
Dalbo Kabahaaga Caregiver Kicks
- Ku Dalbo Onleen ahaan: Waa inaad ku gasho macluumaadka meesha lagaala xidhiidho oo uu ku xaqiijiyo nidaamka. Kadib waxaad dooran kartaa kabahaaga waxaadna bilaabi kartaa habka dalbashada.
- Ku dalbo wicitaanka taleefonka: Eeg daliil-hayaha onleenka ah oo ka dooro in ka badan 70 nooc oo ah kabaha simbirixada reeba. Wac 1-877-606-6705, Isniin ilaa Jimce, 8 a.m.-6 p.m. Pacific time.
Su’aalaha Ugu Badan
KAMA dalban kartid kabahaaga Caregiver Kicks ee bilaashka ah websaydhka SR Max adigoo marka hore gudaha u gelin. Kani waa bog tafaariiq oo KALIYA, oo, haddii aad isku daydo inaad kabo ka dalbato websaydhka, wuxuu ku weydiinayaa macluumaadka kiridhit kaadhkaaaga. Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan kabahaaga, fadlan wac 1-877-606-6705, 8 a.m.-6 p.m. Pacific time, Isniin ilaa iyo Jimce.
Haddii aad rabto inaad wax ka baddesho dalabkaaga, fadlan wac lambarka bilaashka lagu waco ee Caregiver Kicks 1-877-606-6705, 8 a.m.-6 p.m. Pacific time, Isniin ilaa iyo Jimce
Haddii kabaha aad dooratay aysan haddadan yaalin dukaanka, waxaad iimayl ka heli doontaa SR Max hal toddobaad guduhiisa kadib markaad dirto dalabkaaga. Fadlan si joogta ah u eeg iimaylkaaga si aadan u seegin ogaysiiska. Waxaa lagu siin doonaa taariikh qiyaas ah oo kabaha aad dooratay ay diyaar noqon doonaan, waxaana lagu bari doonaa sida loo beddelo dalabkaaga kabaha haddii aad rabto inaad doorato kabo kale oo isla markiiba la heli karo.
Hubi iimaylkaaga ka dib markaad dirto dalabkaaga si aad u aragto taariikhaha keenista kabaha ee la filayo. Haddii ay dhibaato ka jirto ka shaqaynta dalabkaaga ama kabahaagu ay dhamaadeen, waxaad heli doontaa iimayl ogeysiis ah waqti dhow. Fadlan si joogto ah u hubi iimaylkaga si aadan u seegin macluumaadka ku saabsan dalabkaaga kabaha.
Haddii aad aaminsan tahay in kabahaagu ay lumeen ama la xaday, fadlan kala xidhiidh SR Max lambarka 1-833-599-9621 si aad u ogaato haddii ay xaqiijin karaan in kabahaaga la geynayo meesha saxda ah. Nasiib darro, haddii UPS ay xaqiijisay inay alaabta gaysay goobta aad qeexday inta lagu guda jiray dalabkaaga, ma beddeli karno kabaha lumay ama la xaday.
Kabahan waa inuu xidho daryeel bixiye walba.
Aad bay u raaxo badan yihiin waxayna kuu oggolaanayaan inaad si badqab leh u qabato shaqadaada, si aadan u taraarixin oo aadan u dhicin. Waxayna u fiican yihiin dhabarkaaga. Waxaan ka helay sida ay iila eg yihiin, wayna qurux badan yihiin!
Mid kamid ah dheefaha aan ugu jeclahay waa Caregiver Kicks. Waxaad u baahan tahay inaad raaxo ku dareento shaqada. Haddii cagahaagu ay raaxo leeyihiin, waxaad ahaanaysaa adeeg bixiye faraxsan!
