Taageerada Qorshaha Hawlgabka

U hel caawin su'aalaha ku saabsan Secure Retirement Plan (Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan, SRP).

Hoos waxaa ku qoran qaar kamid ah su'aalaha ugu badan ee la iska weydiiyo khabiirada dheefaheena hawlgabka. Haddii aadan heli karin jawaabta aad raadinayso, ogoow inaad la hadal wakiilka adeega macamiilka Hawlgabka Sugan ee Milliman.

Adeegga Macaamiisha ee Milliman
1-800-726-8303

 La hadal wakiilka Hawlgabka Sugan ee Milliman.

Waxaa lagala xiriiri karaa Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 5 a.m. ilaa 5 p.m. Pacific Time.

 
Waxaa laguugu xidhi doonaa wakiil ku hadla luuqadaada oo ku caawin kara.

Su'aalaha Ugu Badan

Haddii ay dhacdo inay is qilaafaan qoddobadan kooban iyo dukumiintiyada qorshaha caymiska, dukumiintiga qorshaha caymiska ayaa shaqayn doono.

Waxaa si toos ah laguu diiwaangelinayaa kadib markaad dhammeysato 6 bilood oo aad u shaqeeneyso ka daryeel-bixiye ahaan oo aadna u shaqeeneyso loo-shaqeeye la daboolay. Warqad Soo Dhaweyn oo ay ku qoran yihiin tallaabooyinka diiwaangelinta ayaa boostada lagugu soo diri doonaa bishaada toddobaad ama sideedaad.

Waxaad marin u heli kartaa kaaga ah Retirement: Akoonkeyga My Plan ee onlaynka.

Haddii aadan u sii shaqeynin ka daryeel-bixiye ahaan, weli waxaad heysataa marin u helka akoonkaada. Ku ilaali macluumaadkaaga xiriirka kuwii ugu danbeeyay.

Milliman waa hay'adda ilaalisa diiwaanka SRP. Waxay bixiyaan faahfaahinta akoonka, waxaana lagala xiriiri karaa Isniin–Jimce laga bilaabo 5 a.m. ilaa 5 p.m. lambarka 1-800-726-8303. Turjumaano ayaa la heli karaa.

Milliman waxeey ka heshaa macluumaadkaaga xiriirka ee ugu danbeeyay loo-shaqeeyahaaga. Haddii ay khaldan tahay, si toos ah uga cusboonaysii loo-shaqeeyahaaga. Isbeddeladu waxay qaadan karaan ilaa 45 maalmood iney dhaqan-galaan.

Haddii aadan mar dambe sii ahayn daryeel-bixiye, la xiriir Milliman si aad u hesho foomka beddelka cinwaanka.
Isniin–Jimce laga bilaabo 5 a.m. ilaa 5 p.m. lambarka 1-800-726-8303. Turjumaano ayaa la heli karaa.

Guud ahaan, waa inaad jirtaa 65 sano ama wax ka weyn si aad u qaadato qaybta lacagta. Laga bilaabo Janaayo 1, 2025:

  • Haddii akoonkaagu ay ku jirto lacag ka badan yahay $5,000,waxaa lagu bixin doonaa qaybo bille ah (ugu yaraan $200, oo canshuurta laga jaray).
  • Haddii akoonkaaga lacagta ku jirta ay tahay $5,000 ama ay ka yar tahay oo aadan sii ahayn qof shaqeenaya, waxaa lagugu siin karaa hal mar ayadoo dhan ama waxaa loo wareejin karaa IRA kadib muddada sugitaanka ee 24 bilood.

Muddada sugitaanku waxay u jirtaa sabab ah in daryeel-bixiyayaal badan ayaa dib ugu noqdaan shaqada 24 bilood gudahood. Inta lagu jiro muddadan, akoonkaagu wuxuu sii ahaanayaa mid maalgashi ah oo fursad u helaya inuu kobco.

Maya. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu ku tabarucayaa akoonkaaga SRP saacad kasta oo aad ka shaqeyso shaqo daryeel-bixiye ah oo ku jirta shaqooyinka la daboolay. Tabarucaadaha waxaa lagu go’aamiyaa Heshiiska Gorgortanka Wadajirka ah (Collective Bargaining Agreement, CBA).

Loo-shaqeeyahaagu wuxuu wax kuugu tabarucaa saacad kasta oo aad u qalanto oo aad shaqeyso sida hoos imaata CBA marka aad noqoto kaqeybgale. Tabarucaadyadu wey ku kala duwan yihiin loo-shaqeeyayaasha. Akoonkaagu waa mid si buuxda adigu aad u leedahay, taas oo micnaheedu tahay in aan la lumin karin.

Maya. SRP ma aqbalo tabarucaadaha ka yimaada ka qeybgalayaasha. Haddii aad rabto inaad kaydsato lacag dheeraad ah, tixgeli inaad furato Akoonka Hawlgabka Shakhsiyeed (Individual Retirement Account, IRA). Booqo Washington State Retirement Marketplace (Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Gobolka Washington) si aad u aragto xulashooyinka IRA ee kharashkoodu hooseeyo.

SRP waxaa loo qorsheeyay inuu bixiyo dakhli bille ah marka la hawlgabo, isagoo kaashanaya ilo kale sida Soshal Sekuritiga ama IRA-yada. Daryeel-bixiyeyaasha shaqeeya ka dib da’da 65 sano waxay weli heli karaan qaybaha lacagta bille ah halka tabarucaadka loo-shaqeeyaha ay sii wadaan inay kobciyaan baaqiga akoonkooda.

Hay'addaha SRP waxay jiheeyaan maalgashiyada, kuwaas oo ay maamulaan xirfadlayaal si ay uga caawiyaan lacagtaada inay kobacdo waqti ka dib. SRP waxay isticmaashaa sanduuqyo maalgashi oo ku saleysan taariikhda la beegsanayo oo loo habeeyey taariikhda dhalashadaada.

Taariikhda joojinta shaqadaada waxaa lagu xisaabiyaa iyadoo lagu saleynayo taariikhda tabarucaadkaagii ugu dambeeyay. Xiritaanka akoonada yaryar ma dhici karaan ilaa 24 bilood ka dib tabarucaadkaagii ugu dambeeyay. Tixraac Soo Koobitaanka Sharaxaada Qorshaha (SPD) ama kala xidhiidh Milliman wixii caawinaad ah.

Marka lagu daro SRP, waxaad lacag ku keydsan kartaa adigoo u maraayo:

Dukumentiyada qorshuhu waa ku hagaya haddii aad ku khilaafto wixii lagu soo bandhigay.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.