Qorshe U Samaysashada Hawlgabka
Taageerida tayada nolasha ee Daryeel bixiyaha.
Qorshaha Howlgabnimada Sugan (Secure Retirement Plan) kaliya waa hal il oo dakhli ah markaad hawlgab noqoto. Waa muhiim inaad haysato ilo dakhli oo badan, si loo hubiyo inaad si raaxo leh hawlgab u noqoto.
U bood:
Ilaha Ugu Badan ee Dakhliga Hawlgabka
Ka fakar inay tahay sida kursi 3-lugood leh – waxaad u baahan doontaa 3 ilood oo dakhliga hawlgabka ah, si aad isugu dheelitirto.
Qorshaha Howlgabnimada Sugan (Secure Retirement Plan, SRP)
waa dheef aad ka helayso SEIU 775 Benefits Group. Loo-shaqeeyahaagu wuxuu lacag ku shubaa akoonkaaga SRP saacad walbo oo aad u shaqeyso daryeel bixiye ahaan. Ma jiraan wax ka go'aya mushaharkaaga!
Sooshiyaal Sekuuritiga
waa il kale oo caadi ah oo laga helo lacagta hawlgabka, balse qof kastaa ma helo. Waad arki kartaa haddii aad lacag ku bixinayso Sooshiyaal Sekuuritiga adigoo fiirinaya warqadaada mushahar bixinta. Haddii ay jirto lacag ku hoos qoran “Canshuurta Shaqaalaha ee Sooshiyaal Sekuuritiga” markaas waa inaad yeelato Sooshiyaal Sekuuritiga. Adeeg Bixiyeyaasha Waalidka ah qaarkood waxaa dhacda inaysan xaq u yeelanin.
Ku dhawaad shaqaale kasta oo Maraykan ah waxa uu heli karaa dheefaha Sooshiyaal Sekuuritiga marka uu hawlgab noqdo isagoo samaynaya cashuur uu ka bixinayo mushaharka. Haddii aad xaq u yeelato, waxaad helaysaa lacagaha Sooshiyaal Sekuuritiga oo kuu bilaabanya markaad gaadho da'da 62 jir. Qof kasta ma helo Sooshiyaal Sekuuritiga, sida qaar kamid ah Adeeg Bixiyeyaasha Waalidka ah, balse waxaad wali xaq u yeelan kartaa dheefta xaaska haddii aad reer leedahay.
3 talo oo fudud oo kaa caawinaya inaad fahamto Sooshiyaal Sekuuritiga oo aad qorsheysato hawlgabkaaga:
- Eeg haddii aad xaq u leedahay. Waad arki kartaa haddii aad lacag ku bixinayso Sooshiyaal Sekuuritiga adigoo fiirinaya warqadaada mushahar bixinta. Haddii ay jirto lacag ku hoos qoran “Canshuurta Shaqaalaha ee Sooshiyaal Sekuuritiga” markaas waa inaad yeelato Sooshiyaal Sekuuritiga.* Wax badan ka Ogoow dheefta Hawlgabka ee Sooshiyaal Sekuuritiga.
- Isticmaal Xisaabiyahan Sooshiyaal Sekuuritiga ee sida fudud loo isticmaalo. Geli taariikhda dhalashadaada iyo dakhligaaga si aad u aragto inta aad ka heli karto Sooshiyaal Sekuuritiga iyo inta da' ahaan aad jiri doonto marka aad bilaabi karto inaad hesho lacagtaada bil'laha ah oo dhamaystiran.
- Haddii aad diyaar u tahay inaad hawlgab noqoto, samee akoonka Sooshiyaal Sekuuritigayga si aad u codsado.
*Haddii aadan xaq u yeelanin Sooshiyaal Sekuuritiga, tixgeli inaad IRA ka furato Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington. Way sahlan tahay waana la awoodi karaa!
Kaydadka Khaaska ah Sida IRA
Akoonka Hawlgabka ee Shaqsiyadeed (IRA-yada) waa akoon hawlgab oo ikhtiyaari ah oo kuu oggolanayaa inaad lacag ka dhigato mushaharkaaga si aad u badiso kaydadkaaga hawlgabka ee shaqsiyadeed. Furashada IRA waa hab wanaagsan oo aad ugu kaydsan karto mustaqbalkaaga.
Furashada iyo wax ku biirinta akoonka kaydka shakhsi ahaaneed waa qayb kale oo muhiim ah oo ka mid ah hawlgabnimada. Wax kaydinta ugu yar ilaa $5 bishii ayaa wax wayn kuu tari karta marka aad diyaar u tahay inaad hawlgab noqoto.
Way adkaan kartaa in qorshe loo sameysto xaaladaha degdegga ah iyo kharashyada lama filaanka ah sida biilasha caafimaadka xoolaha ama cuilladaha baabuurta, iska daa in aad hawlgab noqoto. Balse, haddii aad qaado dhawr tallaabo si aad qorshe u sameysato, waxaad ka fogaan kartaa in kharashyadaas ay noqdaan kuwa aad u culus.
4 talo oo kaa caawinaya inaad bilowdo kaydadkaaga gaarka ah iyo wax u kaydsashada xaaladaha degdega ah:
- Sameyso miisaaniyad. Ku billow in aad is barbar dhigto inta lacag ah ee aad hesho bil kasta iyo inta aad kharash garayso bishii caadiga ah. Markaa waxaad go'aansan kartaa waxa aad jari karto kharashkiisa, iyo inta lacag ee aad ku shubanayso akoon kayd.
- Ku xiro kayd toos ah bangigaaga. Waxaad go'aansan kartaa cadadka iyo inta jeer ee aad wax kaydsan karto. Xitaa kaydsashada wax aad u yar sida $5 bil walbo ayaa isbiirsan karta wakhti kadib.
- Yaree isticmaalka kiridhit kaadhka. Kiridhit kaadhyada waxay ku caawin karaan xilliyada xaaladaha degdegga ah, balse way fududaan kartaa inaad kharash badan isticmaasho waxayna tagi kartaa inaad bixiso lacag kor saar ah oo badan. Markaad leedahay akoon kayd ah oo loo diyaariyey xaaladaha degdegga ah taas baddelkeeda, waxay kaa caawin kartaa inaad lacag kaydsato guud ahaan.
- Isla barbardhig kharashyada bil'laha ah. Hubi haddii aad u qalanto sicirka caymiska baabuurka oo hooseeeya ama isku day inaad u beddelato qorshe taleefan oo qiimo jaban. Lacagta aad kaydsato waxa si toos ah loogu shubi karaa akoonkaaga kaydka!
Akoonka Hawlgabka ee Shaqsiyadeed (IRA-yada)
Way sahlan tahay waana la awoodi karaa in la furto IRA lacagtaadana way kuu badanaysaa wakhti kadib!
Bilaawida IRA way fududahay.
Furashada IRA waa hab sahlan oo aad lacag badan ugu kaydsan karto hawlgabkaaga – oo dheeraad ku ah waxa aad ka hesho Qorshaha Howlgabnimada Sugan (Secure Retirement Plan) ee SEIU 775. Waxaad laftaadu ku furan kartaa IRA lacag aad u yar sida $5.
Goob-Suuqeedka Hawlgabka ee Washington waa degel ammaan ah halkaas oo aad iskula isla barbardhigi karto qorshayaasha kaydadka gobolka Washington uu xaqiijiyay, qiimaha jaban, sida IRA.
Wax u keydsashada hawlgabka wax leedahay faa'iidooyin canshuur.
Markaad lacag ku biiriso akoonada hawlgabka sida IRA, waxaad isticmaali kartaa lacag aan canshuurneen, taasoo hoos u dhigaysa dakhligaaga la canshuuri karo. Lacagta akoonkaaga ku jirta ayaa kuu badan karta iyada oo aan la cashuurin ilaa aad ku qaadato hawlgab ahaan. Tani waxay kaa baajin kartaa canshuuraha waxayna kaa caawin kartaa inaad dhisto mustaqbal maaliyadeed oo sugan.
Waxaad ku heli kartaa ilaa $1000 sanadkiiba lacagaha laga dhimo cashuur celinta haddii aad xaq u yeelato Canshuur Dhimista Lacag Kaydsashada. Canshuur Dhimista Lacag Kaydsashada waxay dhintaa biilkaaga canshuurta dakhliga iyada oo canshuur dhimis kugu siinaysa lacagta aad ku darsato akoonka keydka hawlgabka. Canshuur dhimista waxay gaaraysaa ilaa iyo $1,000 ama $2,000, iyadoo ku xidhan dakhliga iyo xaalada guur. Booqo websaydhka IRS si aad u ogaato haddii aad xaq u leedahay.
Haddi aad ku samayso onleen ahaan ama qof ahaan, way fududahay inaad hesho canshuur dhimista. Inaad wakhti yar ku bixiso cashuurahaaga ayaa noqon karta wax qiimo leh oo aad wakhtigaaga geliso. Haddii aad u baahan kaalmo xirfadle oo ku aadan xaraynta Canshuur Dhimista Lacag Kaydsashada, waa kuwan 2 kheyraad oo bilaash ah oo lagu kalsoonaan karo oo aad heli karto:
- Diyaarinta Canshuurta IRS ee Bilaashka ah: Hakuu diyaariyaan canshuurahaaga is-xilqaamaha IRS. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.
- Barnaamijka Kaalmada Cashuurta ee AARP Foundation: Ku hel caawimo cashuureed oo lacag la'aan ah, qof ahaan loo bixiyo ama onleen ah. Barnaamijkan waxaa loogu talagalay dadka canshuur bixiyayaasha ah ee ka weyn 50 sano.
ICanRetire®
Hel dhammaan agabka iyo kheyraadka wanaagsan ee laga heli karo IcanRetire si ay kaaga caawiyaan qorshaynta hawlgabkaaga.
Haddii hawlgabku ay ka hadhsan tahay dhawr sano ama tobaneeyo sano, ICanRetire ayaa kaa caawin karta inaad qorsheysato. Waxaad heli doontaa agab kaga hadlaya mawduucyada hawlgabka si sahlan oo loo fahmi karo. Waxay leedahay su'aalo, maqaallo iyo muuqaallo. Waana bilaash!
Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775
Qorshaha Howlgabnimada Sugan (Secure Retirement Plan, SRP) wuxuu siiyaa daryeel bixiyeyaasha dakhli badan marka ay hawlgab noqdaan. Waxaa loo sameeyay in laguugu siiyo il dakhli oo kale marka lagu daro akoonadaada kale ee hawlgabka.
Tilmaamaha Maaraynta Lacagta ee Daryeel Bixiyaha
Raadi kheyraadka mawduucyada sida caawinta cashuurta, qorshaynta hawlgabka, xisaabiyeyaasha hawlgabka, miisaaniyadda iyo wax kale oo badan.
Erayada Guud ee Hawlgabka ee Ay Tahay in La Ogaado
Baro qeexitaannada erayada guud ee hawlgabka iyo qeexitaannada aad u baahan tahay si aad u ogaato si aad go’aan uga gaadho mustaqbalkaaga maaliyadeed.
Taageerada Dheefta Hawlgabka
Haddii aad su’aalo qabto, booqo bogga taageerada ama ka wac wakiilka Milliman Secure Retirement lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.