3 qaab oo aad Caymiskaaga Caafimaadku kaaga Caawin karo Maaraynta Sonkoroowga

Nufeembar waa Bisha Wacyi Gelinta Sonkoroowga ee Qaranka waana wakhti aad ugu haboon inaad isbaarto si loo qiimeeyo khatartaada sonkoroowga ama astaamaha kahor sonkoroowga.

Sonkoroowgu waa mid kamid ah xanuunnada aan daawada lahayn ee ugu badan ee ka jira Marekanka. Xanuunada daba dheeraada waa xaaladaha caafimaad ee raaga ee saameeya tayada noolashaada inta badanna u baahan tacaal gaar ah. Sida ay sheegtay Center for Disease Control (CDC, Xarumta Kahortaga iyo Xakamaynta Cudurada), in ka badan 37 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka ayaa qaba sonkoroowga, 96 milyan oo qaba astaamaha khatarta u gelinaaya sonkoroowga iyo 1 kamid ah 4 qof oo waynba uu qabo sonkoroow laakiin aysan ogayn inay qabaan.

Haddii aad horay qabtay sonkoroow iyo haddii aad qabto walaacyo laakiin aan lagu baarin wali, keligaa ma tihid! Inaad hesho caawimaad waa muhiim qasab maaha inaad sugto muddo dheer kahor inta aadan helin taageero iyo tusmo. Inkasta oo sonkoroowgu yahay xanuun balaaran, haddii aad tahay daryeele caymis ka haysta SEIU 775 Benefits Group, waxaad helaysaa kooxda daryeelka gaarka ah oo kaa caawinaysa maaraynta xanuunka. Waxaa intaas dheer, caymiskaaga caafimaadka ayaa bixinaaya adeegyo lagu xalinaayo xanuunkaaga waxna looga badelaayo qaab nololeedkaaga. Waxaa jira 3 qaab oo aad ku bilaabi karto xakamaynta caafimaadkaaga iyo faya dhawrkaaga adoo adeegsanaaya caymiskaaga

 

1. Kula Kulan Dhakhtarkaaga bilaash.

Dhakhaatiirta daryeelka qoyska iyo dhakhaatiirta ilkaha ayaa bixiya daryeelka kahortaga ah, sida baaritaannada joogtada ah iyo baaritaannada caafimaadka. Waxay sidoo kale kugu xiri karaan saynisyahannada iyo barnaamijyada daryeelka xanuunka gaarka ah, sida sonkoroowga.

 

2. Nolol caafimaad leh kula nooloow sonkoroowga. 

Qayb muhiim ah oo kamid ah maareynta sonkoroowga waa inaad samayso dookhyada nolosha caafimaadka leh. Waxaa jira khayraad badan oo waxbarasho oo aad ka helayso caymiskaaga caafimaadka si ay kaaga caawiyaan inaad ku noolaato nolol wanaagsan aadna xakamayso noloshaada. Arag khayraadka sonkoroowga ee aad ka helayso caymiskaaga:

 

3. Ku xirnoow tababaraha faya dhawrka si uu kaaga caawiyo isbadellada qaab nololeedka. 

Tababaraha faya dhawrka ayay heli karaan dhammaan daryeeleyaasha ka diiwaan gashan caymiska caafimaadka. Tababaraha fayaqabka ayaa kaa caawin kara dejinta yoolalka iyo dhaqankooda, cunista cunno caafimaad leh, yareynta walwalka, maaraynta miisaanka iyo waxyaabo kale. Wax ka ogoow tababarka faya dhawrka.

Xasuusnoow, gunnooyinkaan waa kuwo dheeri ku ah taageero badan oo xirfadeed iyo gunnooyinka caafimaadka dhimirka ee ay helayaan daryeeleyaasha ka diiwaan gashan labadaba caymisyada caafimaadka ee Kaiser Permanente iyo Aetna. Haddii aadan hubin caymiska caafimaadka ee aad haysato ama dooneyso inaad xog dheeri ah ka ogaato sida aad iskaga diiwaan gelinayso caymis, halkaan ka fiiri.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.