Fahamka iyo Maareynta Deynta

Deyntu waxay saameysaa daryeel-bixiyayaal badan, laga bilaabo biillasha caafimaadka iyo kharashaadka kaararka amaahda ilaa deymaha gaarka ah. Way adkaan kartaa in la maareeyo iyadoo sidoo kale la qabanayo shaqooyinka culus ee daryeel-bixinta. Inaad fahamto sida deyntu u shaqeyso iyo sida loo maareeyo waxay kaa caawin kartaa inaad dhisato mustaqbal dhaqaale oo ammaan ah. 

Noocyada Deynta

Deyntu waxay ku timaadaa qaabab badan. Qaar ka mid ah deymaha waxaa loo yaqaannaa “deyn sugan”, taas oo la xiriirta hanti sida gurigaaga ama gaarigaaga. Kuwa kale waa “deyn aan sugneyn”, sida kaararka deynta ama biillasha caafimaadka, kuwaas oo aan u baahnayn hanti muuqata si loogu dammaanad qaado amaahda. Waxaa sidoo kale loo yaqaanaa dammaanad.

Waxa Loola Jeedo
Tusaalayaasha
Khatarta / Saameynta
Deyn La Dammaanad Qaaday
Waxaa gadaal ka taageeraya hanti qiimo leh (dammaanad leh) oo deyn-bixiyuhu kaa qaadan karo haddii aadan bixin.
Amaah guri (Mortgage), Amaah gaari (Auto loan), Kaarar deyn oo dammaanad leh.
Way fududahay in la helo, badanaa dulsaar hoose, laakiin waxaad waayi kartaa gurigaaga, gaarigaaga ama lacagta dammaanadda haddii aad dib u dhacdo.
Deynta aan La Dammaanad Qaadin
Kuma xirna hanti dammaanad ah. Deyn-bixiyuhu wuxuu isku haleeyaa ballanqaadkaaga inaad dib u bixinayso.
Kaararka deynta, Biilasha caafimaadka, Amaahda gaarka ah, Amaahda ardayda.
Badanaa dulsaar sare leh, oggolaansho ku xiran dhibcahaaga amaahda. Khatartu waa dhaawac ku imaada dhibcahaaga amaahda ama in laguu gudbiyo ururinta deymaha.

Si aad wax badan uga barato sida deynta (credit) u shaqeyso iyo sida ay ula xiriirto deymaha, akhri Dhibcaha Amaahda oo La Fududeeyay.

Fahmida deyntaada

Fahamka waxa aad ku leedahay oo deyn ah ayaa kaa caawin kara inaad qaadato go’aanno xog ogaal ah. Halkan waxaa ah dhowr hab oo kaa caawin kara inaad bixiso deynta ee ay tahay inaad tixgeliso: 

    • Isku-geynta deymaha: Isku geynta deymaha iyadoo laga dhigayo hal amaah oo leh dulsaar hooseysa. 
    • Habka bixinta deynta ugu yar: Bixinta deynta ugu yar marka hore, kadibna u gudubka tan xigta. 
    • Habka bixinta deynta ugu weyn: Bixinta deynta ugu dulsaarka badan marka hore. 
    • Wada hadal: La xiriir kuwa aad deymaha ku leedahay ama shirkadaha ururinta si aad u codsato qorshe lacag bixin ama in la yareeyo qadarka deynt bixinta. 

Mudnaan siinta deymahaaga:

Had iyo jeer diirada saaro deymaha saameeya hoygaaga iyo dakhligaaga marka hore, sida kirada, amaahda gaariga iyo taageerada carruurta, ka hor inta aadan bixin deymaha hoose sida kharashaadka caafimaadka ama kaarka daynta. Ku bilow liis gareynta dhammaan deymahaaga, oo ku jiraan cadadka, heerarka dulsaarka iyo taariikhaha lagu bixinaayo. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad kala hormariso oo aad samaysato qorshe dib u bixineed oo kuu shaqeynaya. 

Adeegso hagehaan si aad u go’aamiso deymaha aad bixinayso marka hore:

Heerka Mudnaanta
Nooca Deynta
Sababta ay Muhiim u Tahay
Mudnaan Sare Leh
Kiro/amaah guri, amaah gaari, masruufka ilmaha
Tani waxay saameysaa baahiyahaaga aasaasiga ah: guriyeynta, gaadiidka iyo dakhli
Mudnaan Dhexe Leh
Biilasha adeega
Waxay sababi karaan in adeegyada lagaa jaro haddii aan la bixin
Mudnaan Hoose Leh
Deymaha caafimaadka, kaararka deynta, amaahda gaarka ah
Saameyntoodu waa mid degdegeda hooseeya, inta badan waa laga gorgortami karaa

Talooyinka lagu Maareeyo Deynta mudnaanta hoose leh 

Nooca Deynta
Talooyinka Lagu Maareynaayo
Amaahda Kaarka Daynta
La xiriir shirkadda kaarka si aad uga gorgortanto dulsaarka hoose, gaar ahaan haddii aad ka baaqatay bixinta ama aadan awoodin lacagta ugu yar ee lagaaga baahan yahay.
Amaahda Caafimaadka
Codso biil faahfaahsan si aad uga dooddo lacagaha xad-dhaafka ah; amaahda caafimaad badanaa waxay qaataan hal sano ka hor inta aysan ka muuqan warbixinta daynta. Qaar ka mid ah xaruumaha caafimaadka aan macaash doonka ahayn ayaa ka cafin doona kharashaadka caafimaadka kooxaha dakhliga ee u qalma.
Biilasha Adeega
La xiriir bixiyaha adeegga si aad u dhigato heshiis dib u bixineed ama aad uga codsato cafis hadhaaga hore ahaa.
Amaahda Ardeyga
Baar qorshayaasha lacag-bixinta lagu saleeyo dakhliga ama fursadaha dib-u-dhigista haddii aad wajahdo dhibaato dhaqaale.

Haddii habkan uu kugu noqdo mid culus, waxaa jira adeegyo kaa caawin kara. Kuwani waa ilo lagu kalsoonaani badan yahay oo laguugu caawin karo si aad u bilowdo cilmi-baaristaada: 

  • Credit Karma: Waa aalad bilaash ah oo lagu kormeero dhammaan deymahaaga hal meel oo keliya. Waxay sidoo kale usoo bandhigaan talooyin ku saabsan sida dadaallada lacag-bixinta ay u saamayn karaan dhibcahaaga. 
  • National Debt Relief: Waa shirkad sumcad leh oo ka caawisa gorgortanka ama heshiiska lala galo amaah-bixiyeyaasha si loo yareeyo deymaha guud. Tani waxay noqon kartaa xulasho wanaagsan oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha mashquulka badan ee u baahan gargaar dheeraad ah ama leh waqti kooban. 

Maareynta deynta waxay u baahan tahay faham cad, xeelad, iyo kalsoonida aad ku difaacayso naftaada. Inaad ogaato akoonnadaada, sahmiso qorshayaasha lacag bixinta, iyo barashada xuquuqahaaga waxay kaa caawin karaan inaad tallaabo qaaddo. 

*Tan waxaa loogu talagalay inay u adeegto macluumaad guud ahaan. Annagu ma nihin bangi ama khubaro dhaqaale, mana bixin karno talo ku saabsan waxa aad lacagtaada ku samayn lahayd. Haddii aad u baahan tahay caawimaad ku saabsan go’aamada maaliyadeed, fadlan la hadal la-taliye dhaqaale oo shati haysta. 

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.