- Money Management
Ku yaray Daymahaaga adigoo adeegsanaya Daboolista Caymiska
Marka sicir bararka uu sara maro oo heerka lacaga dulsaarka ah bataan, helitaanka xasillooni maaliyadeed waxay noqon kartaa mid adag. Hal dariiqo oo aad naftaada uga badbaadin karto marka ay dhacdo xaaladaha degdegga ah oo aad uga yarayn karto deynta ka dhalata lacagaha dulsaarka ah oo aad u badan waa caymis wanaagsan.
Caymiska wuxuu ka caawinaya inuu ka ilaaliyo kharashadyada lama filaanka ah kaliya adiga oo bixinaya qadar lacageed oo yar si joogta ah. Haddii waxyaabo xun kugu dhacaan, sida shil ama khasaaro hantiyadeed, shirkadda caymiska ayaa ka caawin doonta daboolista kharashaadyada, sidaa darteed uma baahnid inaad bixiso kharashaadyada kaligaada.
Caymiska waxay ka caawin kartaa yaraynta walbahaarka kharashaadyada lacagata dulsaarka ah siyaabo kala duwan:
- Ilaalinta Xaaladaha Degdega ah: Caymiska wuxuu dabolaa kharashyada lama filaanka ah, sida kharashaadyada caafimaadka ama dayactirka baabuurka, markaa uma baahnid inaad adeegsat kaararka deynta dulsaarka sare ama deynta haddii ay wax qaldamaan.
- Walbahaar yar, Ammaan badan: Caymiska, waxaad halis yar ugu jirtaa culeysyada maaliyadeed ee shilalka ama masiibooyinka, taasoo la micno ah walwal yar oo ka walwalsan lacagta.
- Heshiisyo Wanaagsan: Amaah bixiyayaasha caymisku waxay dadka caymisku haystaan u arkaan in ay yihiin kuwa khatar yar ku jira, taas oo macnaheedu noqon karo hoos u dhigida heerka dulsaarka amaahda haddii aad mid u baahan tahay oo aad lacag badan ku badbaadiso mustaqbalka fog.
Caymiska wanaagsani wuxuu ku saabsan yahay nabada maskaxdeed wuxuuna kaa caawin karaa inaad ahaato qof amni qaba marka lacagaha dulsaarka ah ay aad u sarreeyaan oo aad rabto inaad yarayso deynta. Haddi ay tahay guri kiraysasho, xawayaanka rabaayada ah, caafimaadka, ilkaha ama gaarigaaga, caymisku waxa uu ku yimaadaa xulashooyin badanka imanaya bixiyayaasha kala duwan.
Waa masuuliyadaada inaad eegis ku samayso xulashooyinkan oo aad hesho caymis ku habboon baahiyahaaga shakhsiyadeed iyo heerka raaxada. Inta eegayso ikhtiyaradaada caymiska, waxaad wax badan ka ogaan kartaa xulashooyinka caymisyada kala duwan oo waxaad ka fogaan kartaa khiyaamooyinka iman kara adoo ka hubinaya xaaladdooda Better Business Bureau.
Daryeel bixiye ahaan, waxaad heli kartaa qiimo jaban, caymis daryeel caafimaad oo tayo sare leh yada oo loo marayo SEIU 775 Benefits Group!*
Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) waa Luuliyo 1-20. Haddii aadan horey ugu jirin caymiska, waxaad codsan kartaa dheefaha caafimaadka shakhsiyadeed, daryeelka ilkaha iyo dawo qorista oo ah $25 bishii. Caymisku wuxuu kaa caawin karaa inaad ka badbaado xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka wuxuuna yareyn karaa kharashaadka aanad filayn ee adiga kugu soo gala.


