- Learning
Soo Bandhigida
Learning Library:
Maalgali naftaada, kuwa aad daryeesho iyo xirfadaada daryeel bixiye ahaan.
Daryeel bixiye ahaan, waxaad siisaa wax badan oo naftaada ah si aad u hubiso wanaagga kuwa aad daryeesho. Laakin daryeelka qof—ha noqoto xubin qoyska ka mid ah ama macmiil—waxay keeni kartaa caqabado gaar ah.
Sideed ugu diyaargarowdaa xaalad kasta oo timaada? Mid ka mid ah dariiqooyinka aad ugu diyaargarowdo waa inaad sare u qaaddo xirfadahaaga, aqoontaada iyo kalsoonidaada iyada oo loo marayo koorsooyinka Waxbarashada Sii socota.
Dhammaan daryeel bixiyayaasha hadda waxay fursad u helayaan Waxbarashada Sii socota!
Haddii aadan haysan shuruuda Waxbarashada Joogtada ah (Continuing Education, CE), waxaad heli kartaa koorsooyin kala duwan oo laga heli karo Learning Library. Koorasooyinka waxaa lagu heli karaa luuqado badan. Koorsooyinka hadda waxaa lagu heli karaa Ingiriis, Shiine, Kuuriyaan, Ruush, Soomaali, Isbaanish, Yukreeniyaan iyo Fiyatnaamiis.
Fiiri noocyada bixiyayaasha ee Helitaanka Learning Library:
- Horey loogu yiqiin Bixiyeyaasha Shaqsiga ah ee Waalidka, Aan-DDA ahayn
- Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah (DDA)
- Adeeg Bixiyayaasha Adeega-Xaddidan (LSP)
- Adeeg-bixiyayaasha Wakhtiga Nasashada
- Adeeg-bixiyayaasha Qoyska
- Bixiyeyaasha Carruurta Ee Qaangaarka Ah*
*Haddii aad tahay Bixiye Ilmo qaangaar ah, waxaad billaabi kartaa inaad koorsooyinka ku qaadato Learning Library laga billaabo Janaayo 1, 2025.
Waxbarasho Dabacsan Oo Munaasab Ah
Waqtigaagu waa muhiim, waana sababta koorsooyinka looga heli karo internetka. Waxaad ku habbooneysiin kartaa waxbarashada jadwalkaaga oo wax ku baran kartaa xawaarahaaga, iyo nafiska gurigaaga.
"Macaamiisheyda waxaa lagu sameeyay qalliin garabka ah, waxaana la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda. Tababarka ka dib, waxaan ka caawiye iyada si ay u billowdo isticmaalka garbaheeda mar kale. Waxay ii fududaysay shaqadayda, macmiilkaygiina wuu faraxsanaa."
Dora P.
Daryeel bixiye, Tacoma
Sahmi Mowduucyada Adiga Ku Khuseeya
- Xirfadaha Hadalka: Hadal wanaagsan ayaa udub dhexaad u ah daryeelka. Koorsooyinka qaybtaan waxay kaa caawinayaan inaad dhex gasho wada sheekaysiga adag, si firfircoon u dhagaysato qofka aad daryeesho, oo si habsami leh aad ula shaqeyso xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka iyo xubnaha qoyska.
- Mowduucyada Xaaladaha u Gaarka ah: Haddii aad daryeesho qof waalli qaba, sonkorowga, ama arrimaha socodka, koorsooyinka xaalado u gaar ah ayaa kaa caawin kara inaad bixiso daryeel shaqsiyeysan oo waxtar leh.
- Xirfadaha Waxqabadka: Ma doonaysaa inaad aqoontaada ku horumariso meelaha ay ka midka yihiin ka hortagga shilalka, isticmaalka adeegyada caafimaadka ee teleefanka, ama diyaarinta cunto digtoonaan leh? Koorsooyinka xirfadaha wax ku oolka ah waxay diiradda saaraan mawduucyada kuu fududaynaya hawl maalmeedkaaga.
Waxaad arki kartaa dhammaan koorsooyinka aad heli karto markaad gasho Xarunta Waxbarashada Daryeelaha. Baro sida loo galo Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha oo ka hel koorsooyinka gudaha Hagaha adeegsadaha Learning Library.
Lacag Hel Si Aad Wax U Barato
Laga billaabo Janaayo 1, 2025, waxa aad mushahar kaga heli kartaa loo-shaqeeyahaagu illaa 12 saacadood sanadkii si aad u dhammaystirto koorsooyinka ku jira Learning Library.
Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan shuruudaha tababarkaaga, nooca bixiyaha ama lacag bixinta dhammaystirka koorsooyinka, la xiriir CDWA.
Bilow
Sahmi Learning Library maanta oo arag sida ay koorsooyinka Waxbarashadu u samayn karaan isbeddel macno leh safarkaaga daryeel bixinta caafimaadeed!
Wax badan ka baro Sii wadida Waxbarashada.
Baro sida aad u galeyso Learning Library.
Wax Su'aalo Ah Ma Qabtaa?
La xidhiidh Xarunta Kheyraadka Xubinta (MRC) si aad u hesho caawinta diiwaangelinta tababarka ama taageerada luuqadda.
Kala xiriir CDWA wixii su'aalo ah ee ku saabsan shuruudaha tababarkaaga ama lacag bixinta dhammaystirka koorsooyinka Learning Library.


