- Money Management, Retirement
Sida Bixiyeyaasha Daryeelka Uga Faa’iideysan Karaaan Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP)
Inaad daryeel bixiye noqoto waxay ka dhigan tahay inaad waqtigaaga, tamartaada iyo qalbigaaga u hibayso dadka kale. Laakiin ma ogtahay in shaqadaada ay sidoo kale ku siinayso faa’iido maaliyadeed oo awood leh? Iyada oo loo marayo SEIU 775 Benefits Group, waxaad heli kartaa Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP), oo ah dheef loo sameeyay si ay kaaga caawiso inaad dhisto xasillooni dhaqaale oo waqti dheer ah iyadoon wax lacag ah laga qaadan jeeggaaga mushaharka.
Waa maxay dheefaha Secure Retirement Plan (Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan, SRP),?
Daryeel bixiyeyaashu waxay noqdaan kuwo u qalma Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) kaddib marka ay keliya qabtaan 6 bilood oo shaqo ah. Mar haddii laguugu daro, isla markiiba waxaad noqoneysaa mid xad-gaar ah u leh. Tani waxay la macno tahay in lacagta ku jirta akoonkaaga ay taadi tahay markaad hawlgab noqoto, iyadoon loo eegin inta jeer ee aad daryeel-bixiye ahaan u shaqeysay. Looma baahna inaad mushaharkaaga wax kaga biiriso sababtoo ah doolar kasta waxa uu si toos ah uga yimaadaa loo shaqeeyahaaga dheef ahaan saacadaha aad daryeel bixiye ahaan u shaqeyso.
Sida ay u shaqeyso:
- Waxaad kasbanaysaa tabarucaadyada hawlgab saacadd walba ee aad shaqeyso bixiye daryeel ahaan.
- Haddii aad joojiso shaqada bixinta daryeelka, tabarucaadyadu waa ay istaagi doonaan laakiin lacagta akoonkaaga ku jirta weli adigaa leh.
- Inta fog ee aad shaqada sii waddo, ayuu akoonkaagu sii kobcaayaa.
Daawo iyada oo ay daryeel bixiyeyaasha wadaagayaan sida Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) uga caawiyey inay dareemaan kalsooni dheeraad ah oo ku saabsan mustaqbalkooda!
Sidee ayuu Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) uga duwan yahay?
Marka laga soo tago qorshayaal badan oo hawlgab ah oo kaaga baahan inaad isqorto ama aad bixiso lacagtaada, Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) waa mid otomaatig ah oo si buuxda u maalgeliyay loo-shaqeeyahaaga. Halkan waa isbarbardhig kooban:
Sifada | Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) | Qorshayaasha Kale ee Hawlgabnimada (Guud) |
|---|---|---|
Wax ku biirino | 100% uu bixiyay loo-shaqeeyaha | Badanaa uu bixiyo shaqaalaha |
Is-diwaangelin | Otomaatig ah 6 bilood kaddib | Laga yaabo in uu u baahdo isqorid |
Xaq u yeelashada | Iyadoo lagu salaynayo saacadaha bixinta daryeelka | Waxaa laga yaabaa in uu u baahdo dakhliga ugu yar/saacadaha ugu yar |
Dabacsanaanta jadwalo kakala duwan | Abaalmarinada saacad walba ee daryeel bixin aad shaqeysay | Laga yaabaa inaysan aqbalayn saacadaha aan joogtada ahayn |
Qorshahan waxaa loogu talagalay inuu u faa'ideeyo dhammaan daryeel bixiyeyaasha, iyadoo aan loo eegin tirada saacadaha, joogtaynta jadwalka ama taariikhda shaqada.
Sidee iyo goorma ayaad lacagtaada isticmaali kartaa?
Caadi ahaan, waxaad bilaabi kartaa inaad isticmaasho lacagtaada Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) marka aad gaarto 65 sano jir. Haddii aad weli shaqaynayso ama hawlgab tahay waqtigaas, waxaad leedahay ikhtiyaarro:- Waxaad dooran kartaa inta u dhaxaysa lacag bixin bille ah ama lacag la bixid hal mar, iyadoo ay ku xiran tahay inta lacag ee ku jirta akoonkaaga.
- Haddii aad sii waddo shaqaynta, waxaad heli kartaa lacag bille ah iyadoo weli aad akoonkaagu ku haleysid tabarucaadyo kaaga imaanaya loo-shaqeeyahaagu.
- Marka aad gaarto da’ cayiman oo aad hawlgab noqoto, waxaad u baahan doontaa inaad qaadato qaybinta ugu yar ee loo baahan yahay (taas oo ah qaddarka ugu yar ee lagaa rabo inaad sannad kasta ka bixiso akoonkaaga hawlgabka). SRP ayaa ku ogeysiin doonta marka aad gaarto da’daas.
-
- Fiiro gaar ah: Haddii aad weli shaqaynayso xilligaan, xeerkan kuma khuseeyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaad weli qaadan kartaa lacag qaadashada bille ah haddii aad xaq u leedahay.
SRP waxay aqoonsan tahay dadaalkaaga adag iyadoo kaa caawinaysa inaad dhisato mustaqbal dhaqaale oo adag. Sahmi akoonkaaga, la soco horumarkaaga, oo la xiriir Milliman, maamulaha SRP, wixii su’aalo ah.


