Erayada Guud ee Caymiska Daryeelka Caafimaadka

Baro sharaxaada si aad si dhaanta ugu fahanto caymiskaaga.

Lacagaha haraaga lacag jarista kadib waa qayb boqolkiiba kharashka aad ku bixiso adeegyada caafimaadka ka dib markii laguugu sameeyo lacag jarista (haddii qorshahaaguu uu leeyahay).

Khidmadaha adegga ceymiska waa lacagta aad ku bixiso booqashooyinka dhakhtarka, booqashooyinka qolka gurmadka degdegga ah iyo inta badan daawooyinka dhakhtarka uu qoray. Qorshayaasha ceymiska qaarkood ayaa kaaga baahan inaad bixiso khidmadaha adegga ceymiska baddelki lacag jaris laguugu sameen lahaa. Qorshayaasha kale waxay kaaga baahan karaan labaduba. Khidmadahaaga adegga ceymiska kuma xisaabsana lacagta lagaa jaro, balse waxay ku xisaaban yihiin lacagta jaabka laga bixiyo.

Khidmada caymiska ee billaha ah waa kharashka guud ee caymiskaaga caafimaad bil walbo. Qaybta Lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah waa qayb boqolkiiba ama lacag go'an oo ka mid ah wadarta caymiskaaga caafimaad oo aad adigu bixiso. Tusaale ahaan, qaybta lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah ee caymiskaaga shaqsiyadeed waa $25 bishiiba. Sikastaba ha ahaatee, haddii aad doorato inaad ka diiwanageliso qof kugu tiirsan caymiska, qaybtaada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah ayaa sii badan doonta.

Lacagta la jaro waa lacagta aad bixineyso inta ay socoto muddada ceymiska (inta badan hal sano) ee adeegyda ceymiska leh ee daryeelka caafimaadka ka hor inta uusan qorshahaaga ceymiska bilaabin inuu bixiyo. Lacag jarista waxaa laga yaabaa in lagaa qaadin adeegyada oo dhan mana ahan in qorshayaasha dhammaan ay leeyihiin lacag jarista. Qorshayaasha ceymiska qaarkood, lacag jarista waxaa laga qaadaa oo keliya adeegyada uu bixiyo bixiye aan u shaqeynin shirkada ceymiska.

Ku tiirsanaha waa ilmo (ilaa iyo dhalashadiisa 26aad) xaq u leh in lagu dabaro qorshahaaga caymiska ee aad ka hesho SEIU 775 Benefits Group. Eeg liska dhamaystiran ee dadka laga masuul yahay ee u qalma.

Waxaad xaq u leedahay ceymiska caafimaadka ee shaqsiyadeed ee laga helo SEIU 775 Benefits Group ka dib markaad shaqeyso ugu yaraan 80 saacadood oo mushahar leh bishiiba ugu yaraan laba bilood oo isku xiga. Si aad xaq ugu sii lahaato ceymiskaaga, waa inaad sii wado inaad shaqeyso 80 saacadood bishiiba. 

Waxaad xaq u leedahay Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ka dib markii aad shaqeyso ugu yaraan 120 saacadood oo mushahar leh bishiiba ugu yaraan laba bilood oo isku xiga. Si aad xaq ugu sii lahaato ceymiskaaga, waa inaad sii wado inaad shaqeyso 120 saacadood bishiiba. 

EOB, ama Sharaxa Gunooyinka, waxaa weeye guudmarka shirkadaada caymiska caafimaadka oo muujinaysa adeegyada caafimaadka ee caymisku bixinayo, inta caymiska la bixinayo, iyo waxa lagugu yeelan karo. Maaha kharash la isku dalacayo-waxaa weeye kaliya guudmarka daryeelkaaga iyo kharashkaaga.

Caymiska Hay'ada Ilaalinta Caafimaadka (HMO)
Caymiska HMO caadiyan waxa uu leeyahay dalad xidhan dhakhaatiir ah iyo bixiyayaal daryeel caafimaad oo kale, iyo isbitaalo. Caymiska HMO oo hore, xubintu waxay heli doontaa adeegyada bixiyayaasha HMP si loo sameeyo wada bixinta. Xubintu maaha inay ka warwarto gudbinta foomamka xubinta iyada oo isaga ama isagu uu qaadanayo moojee adeegyada caafimaadka cid ka baxsan dalada.

Adeegyada khidmada iyo lacagaha haraaga qiimaha jaban waa adeegyada qorshaha ceymiskaaga lagu dabaro, oo aad ku heli karto khidmadaha adegga ceymiska/lacagaha haraaga lacag jarista kadib oo jaban ama aan jirinba. Adeegyada khidmada iyo lacagaha haraaga qaaliga ah waa kuwa laga yaabo in wali lagu dabaro ama aanan lagu dabarin qoshaha ceymiskaaga, balse yeelan kara khidmadaha adegga ceymiska/lacagaha haraaga lacag jarista kadib oo ka badan adeegyada khidmada iyo lacagaha haraaga qiimaha jaban.

"Gunooyinka nolosha oo dhan" ama "Gunooyinka nolosha ee ugu yar" waxaa loola jeedaa wadarta xadiga lacagta ee shirkada caymiska ayaa bixin doonta kharashka caymiska ee nolosha oo dhan ee cida haysata caymiska. Marka la gaadho xadidaada, shirkaca caymiska kuma aha waajib inay bixiso lacagta kharashka caymiska ee dheeraadka ah, oo ruuxa caymiska leh ayaa ka masuul ah kharashka hadhsan. 

 
 

Aqoonsigaaga Xubnaha waa lambar gaar ah oo adiga kula xiriira oo u sahlaya bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka iyo shaqaalahooda inay xaqiijiyaan ceymiskaaga oo ay lacag bixinta adegyada diyaariyaan. Sidoo kale waa lambarka shirkadaha ceymiska caafimaadka ay u adeegsadaan inay ku raadiyaan xubno gaar ah. Lambarkaaga Aqoonsiga Xubnaha waxaa laga heli karaa kaargaaga Aqoonsiga Xubnaha.

Shabakadaada waxay ka kooban tahay xarumo, bixiyeyaal (dhakhaatiir, kaalkaaliyeyal) iyo adeegayaal qorshahaaga ceymiska uu heshiis la leeyahay inuu bixiyo adeegyada daryeelka caafimaadka.

Xadka lacagta jaabka laga bixiyo waa wadarta lacagta aad bixineyso ka hor inta uusan bilaabin qorshahaaga ceymiska inuu bixiyo 100% kharashka caafimaadka ee ceymiska leh inta ka dhiman sanadka oo dhan. Guud ahaan, khidmadaha adegga ceymiska, lacagaha haraaga lacag jarista kadib iyo bixinta lacagaha adeegyada qiimaha jaban waxaa lagu xisaabiyaa xadkan.

Bixiyaha daryeelka assaasiga ah waa dhakhtar ama bixiya kale oo daryeelka caafimaad ah, sida kalkaalisada ama caawiyaha dhaqtarka, oo aad arki karto si aad uga hesho daryeel joogta ah. Waxaad ka xulan kartaa bixiyahaaga daryeelka assaasiga ah bogga intarnetka ee qorshahaaga ceymiska. Qorshayaasha ceymiska qaarkood ayaa mid kuu qoondeyn kara, balse waxaad iska baddeli kartaa xilli walba.

Dhacdada Nolosha ee u Qalanta (Qualifying Life Event, QLE) waxa weeye dhacdo wayn oo isbedel nolosha ah-sida ilmo dhalid, guursasho, ama waayitaanka caymiska kale-taas oo kuu saaxamaysa inaad isku duwaan geliso ama bedesho caymiskaaga daryeelka caafimaad wakhti ka baxsan open enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka).

Adeegyada bukaan-jiifka waa mida kaaga baahan inaad isbitaalka ama xarunta caafimaad habeenki barido. Tusaalayaasha qaar waxay noqon karaan ila dhalida ama qalliinada qaarkood.

Adeegyada bukaan-soodka waa adeeg kasta oo aanan u baahnayn inaad isbitaalka ama xarunta caafimaad joogto ee habeenkii.

Hadii aad doonayso inaad soo afjarto caymiskaaga ama ka cida aad ka masuulka tahay (hadii aad ku jirto), waxa aad buuxin doontaa foomka onleynka ah ee Xisaabtaada Gunooyinka Caafimaadka ama la hadal 1-877-606-6705 si aad u hesho foomka oo waraaqo ah. Haddii aad doorato inaad iska dhaafto ceymiska, ma awoodi doontid inaa markale dib isku diiwaangeliso ilaa iyo laga gaaro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee xigta (sanad walba Luuliyo 1-20), ama aad yeelato Dhacdo Nololeed Xaq-u-yeelasho Leh.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.