Ogow Xulashooyinkaaga ee Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70 

Haddii aad noqonayso Standard Home Care Aide (Kaaliye Daryeelka Guriga ee Shahaadoysan (HCA)—Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70 wuxuu kugu taakulaynayaa macluumaadka iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu gudubto imtixaanka shahaadiga ah oo aad noqoto HCA.

Waxaad hadda qaadan kartaa Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70 nooca 3 (BT70 v3) ama Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70 nooca 4 (BT70 v4). Isticmaal jaantusmeedka hoose si aad u aragto farqiyada u dhexeeya labadaada xulasho.

Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70
Nooca 3
Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) 70
Nooca 4
Muddada
70 saacadood oo lagu dhammayn karo 14 maalmood gudahood.
70 saacadood oo lagu dhammayn karo 5-6 toddobaad gudahood.
Waxaa ka mid ah
8 maalmood oo buuxa oo ah casharro .
6 maalmood oo webinars ah (3.5 saacadood maalintii).
5 maalmood oo buuxda ee casharaada fasalka lagu qaadanaayo.
4 maalmood oo webinars ah (in ka yar 2.5 saacadood maalintii).
28.5 saacadood oo ah koorsooyin toos ah oo online ah.
Goobaha
Laga heli karo meelo badan oo gobolka oo dhan ah.
Kaliya waxaa laga heli karaa goobo xaddidan. Ka hubi Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha) liiska meelaha ugu casrisan.
Luuqadaha
Ingiriis, Carabi, Amxaari, Shiine, Khmer, Kuuriyaan, Ruush, Isbaanish, Yukreeniyaan iyo Fiyatnaamiis.

Qalabka koorsada waxaa sidoo kale lagu heli karaa Tagalog, Yukreeniyaan, Laotian, Samoan, Farsi, Nepali ama Punjabi; tafsiir koorsada sidoo kale waa la heli karaa.
Waxaa lagu bixiyaa Ingiriisi oo keliya, iyada oo aan lahayn ikhtiyaaro tarjumaad.

Markaa, haddii aad rabto dabacsanaan badan iyo waqti yar oo fasalka dhexdiisa ah, oo aadan u baahnayn inaad ku qaadato Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) luqad aan Ingiriisi ahayn, waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad qaadato BT70 v4, haddii laga heli karo meesha aad ku nooshahay. 

Haddii aad u baahan tahay inaad si dhakhso leh u dhammaystirto Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah), aad jeclaan lahayd inaad ku qaadato luqadaada iyo/ama aad awoodo inaad qaadato maalmo badan oo xiisado shaqsi ah, waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad qaadato BT70 v3. 

Waxyaabaha kale ee ay tahay inaad ka fikirto markaad dooranayso inta u dhaxaysa v3 iyo v4:   

  • Haddii aad seegto fasal oo aad u baahan tahay inaad samayso, BT70 v3 iyo BT70 v4 fasallada lama isku dari karo.  
  • Helitaanka xaddidan awgeed, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sugto illaa bisha soo socota si aad u samayso fasalka BT70 v4.  
  • Imaanshaha fasalka ugu horreeya ee BT70 v4 qof ahaan waa qasab. Haddii aad seegto, waa inaad ka baxdaa oo aad dib iskugu-diiwaangelisaa koorso cusub. 

 

Sida La isku Diiwaangeliyo  

Bixiyayaasha Wakaalada (Agency Providers (APs): la xiriir shaqa bixiyahaaga si aadiskaga diwaangeliso. 

Bixiyeyaal Shakhsiyeed (IPs): waxaad iska qori kartaa labada nooc ee BT70 gudaha Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha). Si aad u dooratid nooca BT70 waxaad jeclaan lahayd inaad isdiiwaangeliso oo aad qaadato, gal Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha).    

 Marka aad soo gasho Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha), waxaad dooran kartaa nooca BT70 ee aad jeceshahay inaad iska diiwaan geliso.

 

Ku qaadashada BT70 v3 Luuqada aad Door bidayso 

Fasalada iyo agabyada koorsada BT70 v3* ayaa lagu heli karaa luqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.  

Haddii aysan jirin koorsooyin laga heli karo meel u dhow 50-mayl fogaan ah oo aaggaaga ah, waxaad wici kartaa Member Resource Center (Xarunta Kheyraadka Xubinta) si aad u codsato turjubaan xirfad leh fasalka Ingiriisiga.  

Fasallada hadda waxaa lagu heli karaa in lagu bixiyo luuqadaha: Amxaari, Carabi, Shiine, Khmer, Kuuriyaan, Ruush, Soomaali, Isbaanish iyo Fiyatnaamiis. 

Agabyada koorsada waxaa lagu heli karaa luqadaha sare ku xusan iyo: Nepali, Samoan, Tagalog, Yukreeniyaan, Laotiyaan, Farsi iyo Punjabi. 

*BT70 v4 hadda ma bixiso luuqad ama ikhtiyaaro turjubaan xirfadeed.  

   

Hel Caawimaad

Member Resource Center (MRC) (Xarunta Kheyraadka Xubinta)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan iskadiiwaangelinta Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) ama aad u baahan tahay caawimaad la xiriira isticmaalka Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha) — kala xiriir MRC lambarka 1-866-371-3200 ama iimayl mrc@myseiubenefits.org. Waxaa la heli karaa Isniinta ilaa Jimcaha, 8 subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo. Waqtiga Baasifigga. 

Peer Mentors (Tababarayaasha Aasaaga ah)
Peer Mentors (Tababarayaasha Aasaasiga ah) waa HCAs shahaadaysan oo kaa caawin kara inay ku sharxaan waxa la filayo ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib Koorsadaada Basic Training (Tababarka Aasaasiga ah) . Waxay kaa caawin karaan inaad fahamto nooca adiga kugu habboon. Kuma qori karaan koorsada; la xidhiidh MRC si aad u hesho caawinta diiwaangelinta. Si aad ula xiriirto Peer Mentor (Tababaraha Aasaasiga ah), wac 855-803-2095  ama iimayl ugu dir peer.mentorship@myseiubenefits.org. Waxaa laheli karaa 9 subaxnimo – 5 galabnimo, Isniin-Jimco.  

Shaqa bixiyahaaga
Shaqa bixiyahaaga ayaa kaa caawin kara su’aalaha ku saabsan nooca bixiyahaaga, tababarka loo baahan yahay, wakhtigaaga kama dambaysta ah ama helitaanka lacagaha tababbarka.  

  

Hel Taageerada Shahaado Siinta ee HCA

Ma qabtaa su’aalo ku saabsan codsiga HCA iyo shahaada siinta?
Wac Waaxda Caafimaadka (DOH) lambarka 360-236-2700 ama iimayl ugu dir hmccreview@doh.wa.gov.

Miyaad qabtaa su’aalo ku saabsan imtixaanka Kaaliyaha Daryeelka Guriga? 
Wac Prometric lambarka 1-800-324-4689 mise iimayl ugu dir wahca@prometric.com.

Ma u baahan tahay caawimaad si aad u noqoto HCA oo mushaar qaata oo shahaadaysan?
Department of Social and Health Services (DSHS) (Hagiyaasha Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka) ayaa kaa caawin kara dhamaystirka habraaca aad ku noqon karto HCA oo mushaar leh oo shahaado haysta.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.