Dheefaha
Waxbarashada
Tababar tayo leh oo kaa caawinaya bixinta daryeel tayo leh.
Daryeel bixiye ahaan, waxaad awood u leedahay inaad hesho tababaro muhiim ah, kheyraad iyo agab kaa caawin kara inaad ku guulaysato xirfadaada daryeel bixinta oo aad siiso daryeelka ugu fiican ee suurtogalka ah kuwa aad daryeesho.
Baro xirfadaha aad u baahan tahay si aad u guuleysato daryeel bixiye ahaan.
Dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxay sameeyaan Tabbabarka Shaqa Barista iyo Badqabka kahor inta aysan bilaabin daryeel bixinta, iyo Tabbabarka Aasaasiga ah inta lagu jiro bilowga xirfadooda shaqo ee daryeel bixinta.
Iyada oo ku xidhan nooca daryeel bixiyaha ee aad tahay (oo sidoo kale loo yaqaano Nooca Adeeg Bixiyaha), fursadaha waxbarashadda sida Waxbarashadda Dadka Wawayn iyo Tabbar Heer Sare ah ayaa la heli karaa si ay kaaga caawiyaan inaad dhisto xirfadaada oo aad kobac u sameyso xirfadle ahaan.
Shaqa barista iyo Badqabka
Tabbabarkan waxaa la bogaa kahor inta aadan bilaabin inaad u shaqeyso daryeel bixiye ahaan. Waxaad baran doontaa asaasiga daryeel bixinta, u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo wax kale oo badan.
Tabbabarka Aasaasiga ah
Kobci xirfadahaaga, adigoo helaya tabbabar laguu gaar yeelay oo ku saleysan nooca daryeel bixiyaha ee aad tahay, si aad u bixiso daryeel dhamaystiran oo tayo sare leh.
Waxbarashadda Dadka Wawayn
Waxbarashadda Dadka Wawayn waa fursad aad ku cusbooneysiiso ama aad ku balaarinayso xirfadahaaga oo gaar u ah baahiyaha dadka aad daryeesho.
Tabbabar Heer Sare ah
Horay u sii wad xirfadaada shaqo ee daryeelida oo baro sida loo daryeelo macaamiisha leh baahiyaha adag adigoo qaadanaya tabbabarka Khabiirka Kaaliyaha Daryeelka Guriga oo Heer Sare ah.
U Shaqo Bilow Daryeel Bixiye Cusub Ahaan
Wax ka baro shuruudahaaaga tabbabarka ee khaaska ah oo ku salaysan nooca adeeg bixiyaha, iyo dhammaan taageerada iyo dheefaha aad heli karto.
Noqo Daryeel Bixiye Guri oo Shahaado Haysta
Baro sida si guul leh loogu dhameystiro nidaamka shahaada siinta Kaaliyaha Daryeelka Guriga ee Waaxda Caafimaadka oo loo bilaabo xirafaada shaqo,
Barnaamijka Tabbabarka wuxuu ii furay albaabo. Waxaan awooday inaan helo shahaadada aan u baahnaa si aan awood ugu yeesho inaan sii wado inaan sameeyo waxa aan jeclahay inaan sameeyo.
Ka Bilow Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
- Arag shuruudaha tababarkaaga ee wakhti xaadirkan.
- Iska diiwaangeli tababarka lagaaga baahan yahay.
- Sahmi koorsooyinka Waxbarashadda Dadka Wawayn ee la heli karo.
- Ku dhamaystir koorsooyinka onleenka ah luuqado badan.
Peer Mentor (Waaniyeyaasha Asaagaa)
Haddii aad tahay daryeel bixiye sameynaya Tababarka Aasaasiga ah oo isku diyaarinaya inuu noqdo Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) shahaado haysta, waxaad hagis iyo taageero ka heli kartaa Waaniyeyaasha Asaagaa.Member Resource Center (Xarunta Macluumaadka ee Xubinka, MRC)
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan isdiiwaangelinta, noocyada koorsada ama dhamaystirka tabbabarka, la xidhiidh MRC. Taageerada waxaa lagu heli karaa luuqado badan.Taageerada Luuqadda
Fasalada iyo agabyada koorsada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Xitaa haddii aad si faseexa ah ugu hadasho Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku diyaarin karta guul.
Daliil-Hayaha Koorsada
Sahmi dheefahaaga waxbarashada iyo noocyada koorsada ee tayada sare leh si aad u kobciso xirafadaada shaqo ee daryeel bixinta. Daliil-hayaha wuxuu bixiyaa macluumaad ku saabsan manhajka koorsada, noocyada iyo qaabka koorsooyinkaaga.


