Tilmaamahan ayaa ku dhex qaadsiinaya bilaabida akoonkaaga cusub ee Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha), oo ay kujirto gelitaanka akoonkaaga markaagii kuugu horreysay, barashada sida loo dhex maro bogagga iyo maaraynta wajahadaada iyo dookhahaaga. Haddii aad kaliya galeyso markaagii kugu horreysay ama aad u baahan tahay inaad dib u hagaajiso baasweerkaaga, aqriso tilmaamahan kaa caawinaya inaad bilowdo.
Si aad u gasho koontadaada markii koobaad ama aad u badesho baasweerkaaga, waxaad u baahan tahay inaad taqaano aqoonsigaaga (ID) ardayga ee 12-ka god ah si aad u gasho. Haddii aadan aqoon, wac 1-866-371-3200 ama iimeyl u dir mrc@myseiubenefits.org.
Haddii ay tahay markii koobaad ee aad gelayso waxaad u baahan tahay inaad akhrido aadna aqbasho Shuruudaha Heshiiska adoo tigsaaraaya bokiska kadibna gujinaaya batoonka I Agree (Waan aqbalay).
Haddii aad adigu heli karto, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad isticmaasho aalada la bixiyay ee SEIU 775 Benefits Group. Haddii aad dooratid inaad kaligaa isticmaasho, hagida soosocota ayaa la bixiyaa si loogu oggolaado khibradda isticmaalaha ee ugu fiican.
Waxaa si weyn lagula talinayaa inaad isticmaasho nooca ugu casri san biraawsarkaaga. Waxaan taageeri doonnaa 2-da nooc ee ugu waaweyn biraawsar kasta.
Waxaa si weyn lagula talinayaa inaad isticmaasho nooca ugu casri san ee nidaamkaaga howlgalka.
Desktop / Laptop
Moobayl / Tablet
Waxaad adeegsan kartaa abka moobaylka ee Go.Learn ama biraawsarkaaga moobaylka. Khibradda ugu fiican ee aan kugula talineyno isticmaalka abka, taas oo taageeraysa cabir kasta oo shaashad ah iyo aaladaha duuga ah. Waad soo degsan kartaa app-ka adoo raadinaya “Go.Learn” Apple Store ama Google Play Store.
Hoos ka eeg sharraxaadda waxa aad ku sameyn karto bog kasta.

My Benefits (Dheefaheyga)
Kani waa bogga wajahada hore ee aad arkayso ka dib markii aad gasho.

Muuqaal Shaqsiyeedka:
Eeg oo tafatir sawirkaaga astaanta, luqadda aad doorbideyso iyo waqtiga. Sidoo kale waad beddeli kartaa baasweerkaaga haddii aad taqaanid lambarkaaga baasweerka ee hada.

Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)
Dhaashboodhkaaga halkaas halka aad ka arki karto shuruudaha tababarkaada hadda, soo koobitaanka macluumaadka muhiimka ah iyo xiriiriyeyaal dhaqsi ah oo kaa caawinaya inaad dhammaystirto tababarkaaga.

Jadwalkeyga
Eeg liiskaaga ee loo jadwaleeyay Aqoon kororsiga onleenka ah iyo Xaadirida qof ahaanta ah ee waqti cayiman.

Hawsheyda Tabbabarka
Eeg koorsooyinka iyo wadarta saacadaha tababarka loo baahan yahay ee aad dhameystirtay.

Koorsooyinkayga
Fiiri koorsooyinka aad hada ka diiwaangashan tahay. Koorsooyinka waxaa loo habeeya u diiwaan gashan, ku hawl jira iyo la dhameeyay.

Raadi Koorsooyinka
Shaandhey ama raadi si aad u hesho Koorsada Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ee adiga kugu habboon. (Boggan waxaa kaliya arki kara oo keliya ardayda Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn).

Macluumaadkayga
Ka eeg macluumaadka shuruudahaaga xiriirka, shaqada iyo tababarka diiwaanada loo shaqeeyahaaga.
Fadlan la Xiriir shaqo-bixiyahaaga si aad u cusbooneysiiso macluumaadkaaga, wax ka beddlaadyo ah kama sameyn kartid akoonkaaga onleenka ah.
Haddii aad tahay Daryeel Bixiye Shaqsi ah (IP), la xariir CDWA si toos ah ood kala xariiri karto 866-214-9899. Haddii aad tahay Hay'ad Daryeel Bixisa (AP), la xiriir loo-shaqeeyahaaga. Marka shaqo-bixiyahaaga oo uu usoo diro macluumaadkaaga la cusboonaysiiyay SEIU 775 Benefits Group, macluumaadkaaga wajahada waa la cusboonaysiin doonaa.
Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha
Gal Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha si aad isaga diiwaangeliso tababarka oo aadna koorsooyinka ugu qaadato si onlayn ah. Baro sida loo sameysto gelitaan si aad u bilowdo.
U hel jawaabo su’aalaha caamka ah ee Xarunteena Macluumaadka Xubinka oona sahmi fursadahaaga taageerada waxbarashada iyo luqadda.
Gal si aad u aragto u-qalmitaankaaga ama u maamusho dheefaha caafimaadkaaga ama aad barato sida loo sameysto akoon.
Hel Taageerada Dheefaha Caafimaadka
U hel jawaabo su’aalaha caamka ah oo sahmi xulashooyinka taageerada dheefaha caafimaadkaaga.
Gal si aad u aragto hadhaagaaga oo aadna u maamusho dheeftaada hawlgabka. Sameyso akoon.
Hel Taageerada Qorshaha Ceymiska ee Hawlgabka
U hel jawaabo su’aalaha caamka ah oo sahmi xulashooyinka taageerada dheefaha hawlgabka.
Ka hel hagida iyo taageerada Tabbabarka Aasaasiga Ah iyo isku diyaarinta noqoshada Kaaliyaha Daryeel-bixiyaha Guriga ee shahaada haysta.
Bilaabida ka Daryeel Bixiye ahaan
Hel talooyin ku saabsan u tababarashada guul-gaarida, hagitaan ku saabsan tababbarka aad u baahan tahay si aad u bilowdo shaqada oo aad barato goorta aad heli karto dheefahaada daryeel bixiye.
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.
If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2.
Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.
Get help online:
The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.
Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.
If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10.
Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.