- Self-Care
Xooga Saar Naftaada: Taageerada Caafimaadka Shucuurta iyo Maskaxda ee Daryeel bixiyaasha
Sanadka cusub waa wakhti aad ugu haboon xoog dib u saarida ma rkale caafimaadkaaga dhimirka iyo dareenka. Adoo adeegsanaaya caymiska caafimaadka ee aad ka helayso SEIU 775 Benefits Group, waxaad helaysaa dheefo — laga bilaabo taageerada xirfad yaqaanka ilaa agabyada Is-daryeelida ee daawaynta — si laguugula kulmo meesha aad joogto lagaagana caawiyo gaarista yoolalkaaga.
Haddii aad waajahayso midkood waxyaabaha soo socda, ka feker inaad iskudaydo dheefaha caafimaadka dareenka iyo maskaxda ee aad helayso:
- Dareenada joogtada ah ee walbahaarka ama walwalka.
- Isbeddel wayn oo nolosha ama xiliga kala guurka.
- Caqabadaha xiriirka ama qoyska.
- Geerida qof iyo tacsida.
- Qabatinka maandooriyaha ama isticmaalka maandooriyaha.
- Damac ku aadan kor u qaadista caafimaadkaaga maskaxda iyo dareenka.
Qormadan waxaad wax badan uga baranaysaa dheefahaaga iyo sida aad ku helayso, si aad u doorato waxa kugu haboon.
Taageerada Xirfad yaqaanka: Daaweynta Shaqsiga iyo Kooxda
Sahami fikradahaaga, dareenadaada iyo ficiladaada oo ku hel taageero si shaqsi ah ama goobaha kooxda. Kuwaan ayaa noqon kara kuwo toos loo xaadiro ama oonlayn ah, ayadoo ku xiran jadwalkaaga iyo dookhyadaada.
- Baxnaaninta shaqsiga ah waa goob sirta dhawraysa oo aan cidna kula yaabayn oo aad ka helayso taageero joogto ah adeeg bixiyaha caafimaadka maskaxda oo la isku halayn karo. Marka aad hesho baxnaaniyaha saxda ah, waxaad dhisi kartaa xiriir joogto ah si lagaaga taageero kobacaaga shaqsiga ah.
- Baxnaaninta kooxda waxaa lagu bixiyaa kooxo kooban oo adiga iyo xubnaha kale oo qaba waayo aragnimo isku mid ah ay kaga wada shaqayn karaan gaarista yoolalka caamka ah. Halkaan, waxaad wax ka baranaysaa xiriirna la samaynaysaa dadka kale, ayadoo uu hagaayo baxnaaniye.
Xog badan ka ogoow sida aad uga helayso taageero xirfadle qorshahaaga caafimaadka.
Sida aad ku helayso Taageerada Xirfadlaha
Gudaha Khulaasadaada Dheefaha Caymiska (SBC), dheefahaaga caafimaadka dhimirka ayaa sidoo kale loogu yeeri karaa adeegyada 'caafimaadka habdhaqanka'. Adeegyada isticmaalka maandooriyaha ayaa sidoo kale ku jira qaybtaan. Waxaa jira 2 nooc oo dookhyada daryeelka caymisku daboolo ah ayadoo ku xiran darnaanta kiiskaaga – daryeelka xafiiska ama bukaan socodka, iyo daryeelka bukaan jiifka.
Ma jiro qarash lagaaga qaadaayo adeegyada bukaan socodka ku jira shabakada Haddii aad doorato dhakhtar ka baxsan caymiska, waxaa jiri doona qarash lagaa qaadi doona. Si aad u hesho dhakhtarka ku jira shabakada, gal ciwaanka qorshahaaga caafimaadka (Kaiser Permanente ama Aetna), ama wac lambarka ku qoran dhabarka danbe ee kaarkaaga aqoonsiga macmiilka.
Haddii aad waajahayso xaalad caafimaadka maskaxda ah oo daran ama aad u baahan caawimaad ku aadan isticmaalka maandooriyaha ama qabatinka maandooriyaha, meesha ugu fiican ee laga bilaabaayo waa inaad la xiriirto kooxdaada daryeelka. Xaaladahana, daawaynta ayaa inta badan ah mid shaqsi ah, kooxdaada daryeelkuna waxay awoodi doonaan inay kuu abuuraan qorshe gaar u ah baahiyahaaga. Adeegyada bukaan jiifka ee caymiska lagu dhex bixiyo ayaa qarashkooda la daboolayaa. Wac caymiskaaga caafimaadka si aad xog uga ogaato dheefaha gaarka ah ee aad helayso ayadoo lagu saleynaayo xaaladaada.
- Kaiser Permanente of Washington (KPWA): 1-888-287-2680.
- Kaiser Permanente Northwest (KPNW): 1-503-249-3434.
- Aetna: Wac lambarka ku yaala dhabarka danbe ee kaarkaaga aqoonsiga Macmiilka.
Daboolidaada waxaa sidoo kale ku jira daawo, haddii uu kuu qoray adeeg bixiyaha caafimaadka dhimirka.
Xog badan ka ogoow eray bixinnada guud ee daryeelka caafimaadka haddii aad su'aalo ka qabto adeegyada shabakada ku jira iyo kuwa shabakada ka baxsan, adeegyada bukaan jiifka iyo adeegyada bukaan socodka iyo waxyaabo kale.
Agabyada Is-daryeelida ee Bilaashka ah iyo Tababarka Faya qabka
Ababka taleefoonka casriga ah ee Isdaryeelida ayaad ka helaysaa caymiskaaga caafimaadka.
Xog badan ka ogoow dheefaha is-daryeelidda ee aad helayso.
Tababaraha fayoqabka oo bilaash ah ayaa bixin kara hagid fool-ka-fool ah si loo yeesho caadooyin caafimaadqab ah sida wax cunida wanaagsan, yaraynta walbahaarka iyo dhaqdhaqaaqa jirka. Xog badan ka ogoow tababarka faya qabka iyo dheefaha kale ee nolosha caafimaadka leh oo aad ka helayso caymiskaaga gaarka ah.
Daryeelida caafimaadkaaga dhimirku waa qayb muhiim u ah faya qabka guud. Kani waa sanadkii aad muhiimada saari lahayd kobacaaga shaqsiga ah iyo farxadaada adoo adeegsanaaya dheefaha iyo adegeyada aad helayso.
Lambarada Taleefanka Luuqada
Haddii aad ku hadasho luuqad aan ahayn Ingiriis, caawimaada luuqada ayaa la heli karaa. Wac midkood laymanka soo socda ee taleefanka si aad u hesho taageero.
- Kaiser Permanente Washington: 1-888-901-4636.
- Kaiser Permanente Northwest: 1-800-813-2000.
- Aetna: 1-866-353-9802.


