- Health & Wellness
Fahanka Dhiigkarka
Waa maxay Dhiigkarku?
Dhiigkarka (BP), ama kansanaanta dhiiga, ayaa dhaca marka awooda dhiiga ku dhacaaya gidaarada waayirada dhiiga ay si joogto ah u sareeyaan. Kasoo qaad waayiradaada dhiiga sida tuubada beerta waraabisa—haddii biyuhu si xawli ah ugu socdaan ayna xoog badan ku socdaan, waxay abuuri kartaa waxyeelo ku dhacda muddo kadib. Si taas lamid ah, dhiigkarka ayaa waxyeelayn kara jidhkaaga haddii aan la dawayn.
Maxay Muhiim u Tahay Daryeelida Dhiigkarkaaga?
Waa muhiim inaad fahanto khataraha dhiigkarka BP, waa xanuun aad u badan oo saameeya ku dhawaad nus kamid ah dadka waawayn ee Mareykanka. Haddii aan la xakamayn, wuxuu keeni karaa dhibaatooyin dhaqaale, sida cudurka wadnaha, istarooga, waxyeellada kelyaha iyo dhibaatooyinka indhaha. Nasiib wanaag, marka la siiyo daryeelka saxda ah si wax ku ool ah ayaa loo maareyn karaa.
Maxaa Sababaaya Dhiigkarka?
Sababaha badan ee doorka ka qaadan kara BP ga sareeya, ayna ku jiraan:
- Cunista Cusbo Badan: Cunista cusbo aad u badan ayaa keenaysa in jirkaagu biyaha kaydsado taasoo sababaysa dhiigkar.
- Jimicsi La'aanta Jirka: Jimicsiga joogtada ah ayaa gacan ka gaysta joogtaynta heerarka caadiga ah ee cadaadiska dhiiga.
- Miisaanka Xad dhaafka ah: Inuu ku saaran yahay miisaan dheeri ah ayaa culays dheeri ah saaraysa wadnahaaga, taaso kor u qaadaysa cadaadiska dhiigaaga.
- Murugada: Heerarka walbahaarka ee sareeya ayaa sababi kara kor u kaca mudada kooban ee cadaadiska dhiiga.
- Taariikhda Qoyska: Haddii uu qoyskaaga ku dhici jiray dhiigkarku, waxaad khatar ugu jirtaa dhiigkar.
Fahanka Natiijooyinka Dhiigkarka:
Marka heerkaaga BP gu sareeyo waa muhiim inaad si dhow ula socoto BP-gaaga. Si aad sidaas u samayso, waxaad u baahan tahay inaad u tagto Dhakhtarkaaga Guud (PCP) si joogto ah ama aad haysato aalada la socota cadaadiska dhiiga oo guriga kuu taala. Wali waxaad u baahan tahay inaad xog ka ogaato sida loo akhriyo cabiradaada. Jaantuska hoose ayaa ku tusaaya heerarka cadaadiska dhiiga.
Ogoow: Keliya dhakhtarka ama xirfadyahannada kale ee caafimaadka ayaa xaqiijin kara inaad qabto iyo in kale xanuunka dhiigkarka. Waxay sidoo kale baari karaan haddii cadaadiska dhiigaagu aad u karay.
Sidee ayaad Ku Maarayn kartaa Cadaadiska Dhiigaaga?
Hab nololeed caafimaad leh ayaa kaa caawin kara inaad maarayso dhiig karka, hormariso habka difaacaaga, kobciso heerarka tamarta iyo hoos u dhigida walbahaarka. Halkaan waxaad ka helaysaa 3 qaab oo qiimo jaban oo aad ku maarayn karto kagana hortagi karto dhiigkarka adoo adeegsanaaya caymiskaaga:
1. Isbadellada Qaab Nololeedka: Kordhi jimicsiga jidhka, cun cunto caafimaad leh oo iska yaree walaaca adoo helaaya tababarka faya dhawrka, taageerada caafimaadka dhimirka iyo adeegyo kale.
2. Booqo PCP-gaaga: Ka qabso balamaha baaritaannada joogtada ah Dhakhtarkaaga guud (PCP) si loola socdo cadaadiska dhiigaaga. Booqashooyinka PCP ayaa ku kacaaya $0 oo qaybta caymiska ah.
3. Daawada: Haddii laguu qoro, daawo qiimo jaban ayaa kaa caawin karta u maaraynta dhiigkarka si waxtar leh.
Marka laga soo tago isbadellada Qaab Nololeedka, PCP gaaga ayaa abuuri kara qorshaha daawaynta dhiigkarka. Haddii aad hesho caymiska caafimaadka ee SEIU 775 Benefits Group, booqashooyinka PCP ayaad ku bixinaysaa $0, daawaduna waa $0 marka aad ka hesho bixiyaasha caymiska ku jira iyo nooca la doorbidaayo ee daawada. Wax badan ka ogoow.
Khayraadka Dheeraadka ah:
Daryeelida caafimaadkaagu waa muhiim, gaar ahaana marka aad masuul ka tahay daryeelka dadka kale. Daryeeleyaasha ayaa ka heli kara daryeelka tayada sare leh, ee qiimaha jaban qorshaha caafimaadka ee SEIU 775 Benefits Group, iyo sidoo kale dheefaha kale ee kaalmaatiga ah si kor loogu qaado faya qabkaaga:


