Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30

Hagaha Isticmaalaha Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha)

Guji dhibcaha si aad ugu kala wado sawirada dhexdooda.

Jiid si aad ugu kala wado sawirada dhexdooda.

Kahor Inta aadan Bilaabin

Haddii aad ku cusub tahay Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha), ku bilow Tusmada Bilaabida si aad u barato sida loo galo akoonkaaga, bogagga loo dhex socdo, iyo sida loo maamulo wajahadaada.

Iska Diiwaangeli Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30 

Si aad u samayso Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30, waa inaad isdiiwaan gelisaa oo aad samaysaa:

  • Qorshaha Waxbarashada: oo ay ku jiraan 7 saacadood oo koorsada aasaasiga ah ee oonlaynka ah iyo Shaybaarka Xirfadaha oo toos ah muddo 3 saacadood ah.
  • Koorsooyinka La Doorto ee Onleenka ah: 20 saacadood oo koorsooyinka la doorto ah oo si gaar ah kuugu habboon adiga.

Kadib markaad dhammeyso isdiiwaangelinta, waxaad bilaabi kartaa koorsooyinka onleenka ah wakhti walbo.

Qorshaha Waxbarashada waxaa ku jira koorsooyinkaaga muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad samayso.

  1. Marka aad gasho, guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli).
  2. Dooro luuqada aad dooneyso inaad tababarka ku samayso.
  3. Guji Aasaasiyaadka Basic Training (Tabbabarka Aasaasiga ah) 30.
  4. Waxaad arki doontaa liiska casharka, oo la iskugu aadiyay goobta iyo taariikhda biloowga. Guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) si aad u aragto xiisada aad doorbideyso ee Shaybaarka Xirfadaha.
  5. Xaqiiji diiwaan gelintaada adoo gujinaaya Batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) kadibna guji batoonka OK.

Waxaad bilaabi kartaa tababarkaaga aasaasiga ah ama waxaad iska diiwaan gelin kartaa koorsooyinka ikhtiyaariga ah. 

Kadib marka aad iska diiwaan geliso Qorshaha Waxbarashada, waxaad u baahan tahay inaad iska diiwaan geliso 20 saacadood oo koorsooyinka ikhtiyaariga ah.

  1. Bogga hore, guji batoonka Enroll (Isdiiwaan geli) ee sanduuqa Isku Diiwaangeli Koorsooyinka Ikhtiyaariga ah.
  2. Arag saacadahaaga lagaa rabo, diiwaan gashan iyo kuwa sugaya diiwaan gelin oo ku jira sanduuqa Shuruuda Tababarka. Waxaad u adeegsan kartaa inaad xaqiijiso in aad ka diiwaan gashan tahay koorsooyinka ikhtiyaariga ah si aad u buuxiso saacadaha lagaa rabo.
  3. Guji miiraha si aad u doorato luuqada aad doorbideyso inaad tababarka ku samayso.
  4. Guji koorso si aad u aragto bogga faahfaahinta koorsada.
  5. Guji batoonka Enroll (Diiwaan geli) si aad u diiwaan geliso koorsada. Waxaad bilaabi kartaa koorsadaada ama waxaad ku celin kartaa talaabooyinka kore si aad iskaga diiwaan geliso koorsooyin kale. 

Koorsooyinka Onleenka ah:

Si aad u aragto koorsooyinka Kuu diiwaan gashan tag bogaaga hore kadibna hoos ugu dego qaybta Koorsooyinka Diiwaan Gashan si aad u aragto koorsooyinkaaga diiwaan gashan iyo Qorshaha Waxbarashada. 

  1. Gal bogaaga hore kadibna guji koorsad si aad u gasho bogga koorsada.
  2. Guji Batoonka Begin (Biloow) ama Resume (Dib u biloow) si aad u biloowdo koorsada.
  3. Raac tilmaamaha si aad u bogto koorsada.

Bog kasta oo koorsada kamid ah ayaa muujinaaya hormarkaaga waxaana ku jira qeexitaanka koorsada iyo agabka aad soo degsan karto oo ku jira salka hoose ee bogga. Waad joojin kartaa koorsooyinka oonlaynka ah (xir bogga) oo ku soo laabo marka aad doonto.

Inta badan koorsooyinka oonlaynka ah ayaa ku biloowda imtaxaan hordhac ah si loo hubiyo waxa aad horay u taqaanay waxayna ku dhammaadaan imtaxaanka koorsada kadib si loo hubiyo waxa aad baratay. Koorsadaada ayaa dhameystiran kadib marka aad dhamayso imtaxaanka koorsada kadib.

  1. Guji calaamada dookhyada kadibna dooro bogga Koorsooyinkayga.
  2. Guji koorsada aad dooneyso inaad ka baxdo.
  3. Bogga koorsada guji calaamada (…) ee ku taalla geeska kore ee midig oo guji Ka bax koorsada.
  4. Bogga soo boodaya, guji Ka bax koorsada.

Shaybaarka Xirfadaha:

Si aad u aragto Jadwalka Shaybaarka Xirfadaha booqo bogaaga hore kadibna hoos ugu dego Koorsooyinka la Diiwaan gashay si aad u aragto xiisada Shaybaarka Xirfadaha.

  • Adeegso falaaraha si aad u doorato bil kale.
  • Waxaad arki doontaa taariikhda, wakhtiga iyo goobta Shaybaarka Xirfadaha ee aad tooska u tagayso.

Haddii aadan awoodin inaad ka qaybgasho Shaybaarka Xirfadaha, dib ayaad u dhigan kartaa.

  1. Guji Shaybaarka Xirfadaha si aad u aragto bogga faahfaahinta casharka.
  2. Guji calaamada isticmaalaha oo ku taala geeska kore ee midig ee bogga.
  3. Qaybta Iska diiwaan gelin xiisadaan, guji falaarta hoose si aad u aragto dookhyadaada.
  4. Guji casharka aad dooneyso inaad u wareegto.  
  5. Riix badhanka Confirm (Xaqiiji).

Kadib marka aad xaqiijiso isbadelka, bogga ayaa dib u kacaaya asagoo ku tusaaya xogta cusub ee jadwalka.

Add Your Heading Text Here

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipiscing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat. Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Member Resource Center (MRC) will be closed from December 24 – January 1.

If you have questions about enrolling or completing your training, contact the MRC before they are closed. The MRC will reopen on January 2. 

Note: Contact your employer for questions about your training requirement, pay or deadline.

Get help online:

Caregiver Learning Center System Access 

The Caregiver Learning Center cannot be accessed at caregiverlearning.org. Please use seiu775bg.docebosaas.com to access your training.

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo ra'yigaaga qiimaha leh!

Ka hel faa'iidada ugu badan dheefahaaga waxbarashada. Wax ka akhri koorsooyinka cusub ee onleenka ah ee Continuing Education (Waxbarashadda Dadka Wawayn) ama sahmi noocyada taageeradaada waxbarashada.

Caregiver Learning Center System Maintenance

June 6 (Thursday) – June 10 (Monday)

You can log in, enroll and take your training in the Caregiver Learning Center during this time. 

If you complete training during the System Maintenance, it will be sent to your employer after June 10. 

Please contact your employer if you have questions about your training requirement, deadline or payment.