Dheefaha Hawlgabka ee loogu talagalay Daryeel-bixiyeyaashii Hore
Weliba waxaad haysataa Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) iyo marin u helka kheyraadka qorsheynta, xitaa haddii aadan u sii shaqeynin ka daryeel-bixiye ahaan.
Haddii akoonkaagu yahay mid si buuxda adiga iska leedahay, lacagtaada Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) waxay kuu sii ahaanaysaa mid aad adigu leedahay ka dib markaad joojiso shaqada ka daryeel-bixiye ahaan. Loo-shaqeeyahaagu mar dambe ma ku sii tabaruci doono, laakiin waxaad eegi kartaa hadhaagaaga, cusboonaysiin kartaa akoonkaaga, oo aad isticmaali kartaa agabyada qorsheynta wakhti kasta adigoo adeegsanaya akoonkaaga hawlgabka ee onlaynka ah oo ay martigeliso Milliman.
Maaree akoonkaada.
Milliman ayaa maamusha Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) waxayna soo dirtaa warbixinno iyo cusboonaysiin muhiim ah. Ka yeel macluumaadkaaga xiriirka kuwii ugu danbeeyay adigoo galaya akoonkaaga ama wacaya lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqaddaada.
Ka eegi kartaa hadhaaga ku jiro akoonkaaga.
Gal ama sameeyso akoonkaaga hawlgabka ee onlaynka ah maanta si aad u aragto hadhaagaaga, u hesho dukumentiyada qorshahaaga iyo warbixinaha akoonkaada, ama u magacaawdo ka faa'ideyste. Ka-faa'iidaystaha waa qofka heli doona lacagahaaga haddii aad dhimato.
Hel tabarucaadyo dheeraad ah.
Ku laabo shaqada daryeel-bixinta si aad u kobciso akoonkaaga Secure Retirement Plan (Qorshaha Howlgabnimada Sugan, SRP) oo aadna ugu raaxaysato dhammaan faa’iidooyinka ay heli karaan daryeel-bixiyeyaasha gobolka Washington. Baro wax badan oo ku saabsan soo noqoshada ka ahaan Bixiye Shakhsi ahaaneed (Individual Provider, IP) ama Adeeg-bixiye Hay'addeed (Agency Provider, AP).
Taageerada Dheefta Hawlgabka
Haddii aad su’aalo qabto, booqo bogga taageerada ama ka wac wakiilka Milliman Secure Retirement lambarka 1-800-726-8303. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.
Erayada Guud ee Hawlgabka ee Ay Tahay in La Ogaado
Baro qeexitaannada erayada guud ee hawlgabka iyo qeexitaannada aad u baahan tahay si aad u ogaato si aad go’aan uga gaadho mustaqbalkaaga maaliyadeed.
Qorshe U Samaysashada Hawlgabka
Marki laga soo tago akoonkaaga SRP, baro sida ilaha kale ee dakhliga IRA-yada, Sooshiyaal Sekuuritiga iyo kaydadka shakhsi ahaaneed ay kaaga caawin karaan inaad xaqiijiso inaad si raaxo leh hawlgab u noqoto.
Tilmaamaha Maaraynta Lacagta ee Daryeel Bixiyaha
Raadi kheyraadka mawduucyada sida caawinta cashuurta, qorshaynta hawlgabka, xisaabiyeyaasha hawlgabka, miisaaniyadda iyo wax kale oo badan.


