- Learning
Siyaabada aad Ku heli karto Fariinada Iimaylada Waxbarashada
Aaladaha iimaylada qaar, sida Gmail, waxay ku shandeysaa galka “spam” iimaylada ay soo dirto SEIU 775 Benefits GroupMadaama iimayladan ay la xiriiraan tababarkaaga ee qasabka ah, waa muhiim inaad ku darto SEIU 775 Benefits Group Buug Ciwaaneedkaaga oo hubi inaad eegto galkaaga “spam” si aad ooga fiiriso iimaylada gala halkaas.
Ku darista SEIU 775 Benefits Group Address Book (Buug Ciwaaneedkaaga)
Wadada ugu wanaagsan ee aad ku xaqiijin karto inaad hesho iimaylada ku saabsan tababaradaada waa inaad ku darto SEIU 775 Benefits Group Bugaaga Ciwaanka. Raac tallaabooyinka iyo tallooyinka hoose si aad u samayso tan:
- Gal aaladaada iimaylka (Gmail, Yahoo, iwm.).
- Aad Buugaaga Ciwaanka ama Qaybta Contacts (Xiriirada)
- Mar haddii aad gasho Buugaaga Ciwaanka, buuxi foom cusub oo aad galinayso SEIU 775 Benefits Group. Qaybta iimaylka ee xiriirka, ku dar mrc@myseiubenefits.org.
- Sii wad inaad ka fiiriso galkaaga “Spam” iimaylada SEIU 775 Benefits Group. Haddii aad ka hesho iimayl galkaaga “Spam”, raac tilaabooyinka soo socdo.
Hel tilmaamooyin is xig-xiga oo ku saabsan sida looga saaro fariimada iimaylada galalka “Spam” aaladaha iimaylada qaar:
Ka saarista iimaylada SEIU 775 Benefits Group Galalka “Spam”
Haddii aad ka hesho iimayl galkaaga “spam” oo ka socda SEIU 775 Benefits Group, raac tallaabooyinkan si aad u xaqiijiso inaad hesho iimaylada muhiimka ah:
- Gal aaladahaaga iimaylka.
- Raadi galkaaga “Spam” oo fur iimaylka ka socda SEIU 775 Benefits Group
- Fur iimaylka oo raadi dooqa aad ku sixi karo “Not Spam” ama “Safe”.
Ku wan soo socda waa tilmaamooyin is xig-xiga oo ku saabsan sida looga saaro fariimada iimaylada galalka “Spam” aaladaha iimaylada qaar:


