- Retirement
Billoow safarkaaga hawlgabka adoo adeegsanaaya ICanRetire
ICanRetire waa webseed bilaash ah oo kaa caawinaya himiladaada hawlagabka. Waa iskaashi u dhaxeeya SEIU 775 Benefits Group iyo Capital Group.
Kahor inta aysan soo saarin webseedka, ICanRetire waxay daryeel bixiyaasha kula biirtay Shirka Hogaanka 2022 SEIU 775 si ay u hesho falcelin ku saabsan qorshahaaga hawlgabka ilaa hadda. Ka dib markii la dhegaystay sheekooyinkaaga iyo waayo aragnimadaada ku saabsan caqabadaha ku xeeran hawlgabka caadiga ah ee daryeelayaasha, webseed gaar ah oo loogu talagalay daryeel bixiyaasha ayaa la sameeyay kaas oo ka dhigaya qorshaynta hawlgabka mid sahlan oo adiga kugu habboon.
Hadda, daryeel bixiyaashu waxay khayraad bilaash ah ka heli karaan ICanRetire oo kaliya loogu talagalay qorshahaaga iyo yoolalka hawlgabkaaga. Laga bilaabo kaydka dhaqanada maalin kasta ilaa dejinta yoolalka muddada-dheer, ICanRetire waxay leedahay agabyo waxbarasho iyo ilo ku caawinaya shaqaalaha nolashadaada.
U wanaagsan qorsheynta hawlgabka hadda, ama kan qarniyada
Haddii hawlgabku ay ka hadhsan tahay dhawr sano ama tobaneeyo sano, ICanRetire ayaa kaa caawin karta inaad qorsheysato. Webseedku wuxuu leeyahay tijaabooyin, maqaalo iyo muuqaalo u sharaxaaya mawduucyada hawlgabka qaab fudud, si qof kasta oo baranaya u helo waxbarashadaan lagu helo abaalmarinta qaabka ay u doortaan.
ICanRetire wuxuu ku siinayaa macluumaad muhiim ah:
-
Ilaha La isku Haleyn karo
Wax ka baro IRAs, sababta aad uga fakereyso inaad mid furto, iyo inaad marka aad hal jeer gujiso hesho bixiyaasha IRA ee gobolku xaqiijiyay, si aad u biloowdo inaad kaydsato lacagtaada marka lagu daro tabarucaadaha shirkada ee aad ku hesho daryeel bixiye ahaan ayadoo loo maraayo qorshahaaga hawlgabka ee sugan (Secure Retirement Plan, SRP).
-
Helida Qorshaha Hawlgabkaaga
ICanRetire waxaa sidoo kale lagu xariiriyaa Retirement: My Plan, marka waxaad si fudud ku eegi kartaa haraadiga akoonkaaga SRP si aad u qorsheyso mustaqbalkaaga.
-
Adeegsashada Agabyada Waxbarashada
ICanRetire waxay sharaxdaa 3-qaab oo ah agabka kaydka hawlgabka, iyo sababta ay muhiim u tahay inaad hesho wax ka badan hal il oo dakhli marka aad hawlgab noqoto. Daawo muuqaalka qaybta hoose ee boggaan si aad u hesho xog dheeraad ah!
Waxaa lagu helaa labadaba luuqadaha Ingiriiska iyo Isbaanishka, ICanRetire wuxuu ku siinayaa aalad gaar ah oo ku habboon yoolalka hawlgabkaaga.
Samee Tijaabada Xayawaanka ee Gaarka ah ee Hawlagabka (Retirement Animal Personality Quiz)
Qaybta ugu habboon ee lagu bilaabo ICanRetire waa sameynta Tijaabada Xayawaanka ee Gaarka ah ee Hawlagabka.
Tijaabadaan gaaban, madadaalada leh waxay ku waydiinaysaa su'aalo ku saabsan yoolalkaaga hawlgabka iyo heerka qorshaha hawlgabkaaga. Dhammaadka tijaabada, waxaad:
- Heli doontaa xayawaankaaga hawlgabka shaqsi.
- Heli doontaa qorshe hawlgab oo kuu gaar ah oo lagu saleeyay jawaabahaaga iyo yoolalkaaga.
Maku degdegtaa oo ma qiyaantaa qorshahaaga sida dawacada oo kale? Ama ma tahay wax ka fiirsada oo dulqaad badan sida guumeysta? Samee tijaabada hawlgabka gaarka ah ee ICanRetire maanta oo oggoow jawaabaha!
Wadaag:
.


